Xuseen Macalin Maxamuud Oo Loo Magacaabay La' Taliyaha Amniga Ee Madaxweyne Xasan Sheekh

0
Tuesday May 24, 2022 - 21:30:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 281
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xuseen Macalin Maxamuud Oo Loo Magacaabay La' Taliyaha Amniga Ee Madaxweyne Xasan Sheekh

    Xuseen Macalin Maxamuud Oo Loo Magacaabay La' Taliyaha Amniga Ee Madaxweyne Xasan Sheekh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xuseen Macalin Maxamuud Oo Loo Magacaabay La' Taliyaha Amniga Ee Madaxweyne Xasan Sheekh
Muqdisho, May 24, 2022 (Xogreebnews) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Xuseen Macallin Maxamuud Sheekh-Cali, Lataliyaha Amniga Qaranka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Mudane Xuseen Macallin Maxamuud uu khibrad iyo aqoon durugsan u leeyahay qaab-dhismeedka amniga qaranka, duruufaha amni ee ku xeeran dalkeenna iyo qorsheyaasha dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka.


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Lataliyaha cusub ee Amniga Qaranka in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, waxa uuna kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.

Mudane Xuseen Macallin Maxamuud Sheekh Cali ayaa horey u soo noqday Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynihii 9-aad, Lataliye Sare oo dhanka Amniga iyo Ladagaallanka Argagixisada ah Madaxweynihii 8-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Xubin ka tirsan Golaha Amniga Qaranka, isagoona ka soo qabtay xilal sarsare Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured