Hadaan Tahriibi Lahaa Madaxtooyada Miyaan Laygu Casuumeen

0
Thursday August 01, 2013 - 11:20:36 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hadaan Tahriibi Lahaa Madaxtooyada Miyaan Laygu Casuumeen

    asalaamu calaykum wa raxmatulaah waxaan marka hore u mahadnaqayaa dhamaan hawl wadeenada shabakadan ii suura galisay inaad aragtidayda ila wadaagtaa. marka xigta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

asalaamu calaykum wa raxmatulaah waxaan marka hore u mahadnaqayaa dhamaan hawl wadeenada shabakadan ii suura galisay inaad aragtidayda ila wadaagtaa. marka xigta
asalaamu calaykum wa raxmatulaah waxaan marka hore u mahadnaqayaa dhamaan hawl
wadeenada shabakadan ii suura galisay inaad aragtidayda ila wadaagtaa. marka xigta
waxaan leeyay ramadaan kariim dhamaan umada muslimiinta ah. Haan u sii durka dhinaca
mawduucaygu iga xigo, sida aynu wada ognay beryahan dabe waxa inagaga qaylisiisay
tahriibta ama tacabirka kaasoo si xawliya ugu sii siyaday wadankeena ama arliga
soomalidu degtoba (5ta soomaaliyeede). hase yeeshee tahriibtu taariikh wayn bay
inagu leeday marba heer ay leekaydba, waxaan taariikhda ku hayaa inay jirtay iyadoo
macag kan hada ka qurxoon lahayd oo la oran jiray TACABIR. bal dib u milicso
taariikhda oo raad raac ku samee qaraabdaadii, imsa qof oo awoow, adeer ama abti kuu
ahaa baa la yiraa xiligaasuu tacabiray, wali ma maqashay hebel isagoo tacabirayaa la
yiri yay baa meel ku cuntay doon baa la degtay iyo waxa la halmaala. imisaa ka
badbaaday masiibooyinka waawayn oo lagu yiri carabaha ayuu ka soo shaqaystay ama
yurub ayuu dad hortii galay oo xeebaheenuu markab ka raacay. isku soo wada duuboo
tahriib waa tahriib uun. waa nin dalkiisii quus iska soo taagay oo kana doorbiday
inuu nafta meel kale kula eerto. Amaan ugama jeedo hordhacayga qiilna ugu samayn
maayo dhalinyarta waayuhu dhalandhoolinayo balse waxaan dulka xaadis inoogu sameeyay
uun inuu jiri jiray tahriibku waxaaba la oran jiray RAGGA socodku waw door haduu
mawdku daayee, hase yeeshee uu aad uga duwanaa ka maanta jira ee ay maatidii
qulqulayso, haweenkii cawrada ahaa mid inana, mid xaasa oo caruur ka soo carartay
ama la soo carartay, mid uurleh,,,,,,,, oohin iyo naxdin waynaa maalin walba waxaynu
maqalnaa doon wal oo gudubtaba intaasoo dumar uurle ah baa saarnaa ama intaasoo
dumaraa kusii dhex umushay. walina ifafaalaheedii ma muuqdo in beryahaa cidi
joojinayso ama wax ka qabanayso ilaa inta dhalintu ka wada idlaanayso midba meel
ilaah gaadhsiiyob. waxaan ogaa xiligii xukuumadii rayaale oo la oranjiray UDUB wuu
tagiye ha tahribin walal. UDUB tagtay tahriibkii se waase ka sii daray oo iminkaabu
irida jabsaday. waxase iigu yaab badan ama uguba yaab badan habeen dhexdaasa oo la
magacaabay gudi lagu magacaabay GUDIGA KA HORTAGA TAHRIIBTA IYO ...................
. gudiduba waa dad ilaah ka arsaaqayo oo shaqo loga dhigay, waa muwaadin oo xaqbuu u
leeyay in la shaqaalaysiiyo balse horayso iyo danbaysoba laysuma waydiin waxa dadka
tahriibinay ee ku qasbaya inay hagardaamo,, haraad, hanfiga saxara iyo badwaynta ugu
babacdhigaan, hadii laysu waydiiyayse jawaab saxa layslama meel dhigin oo waa
cadaan. waxa igu soo dhacday malaha waaba la dhiiri galinayaa tahriibta. ma maqli
jirtay waxa la soo dhawaynayaa halyaygii ama geesigii guulo lagu faano soo hooyay,
ha ahaado, ciyaartoy , ha ahaado halgamaa, ha ahaado hal abuur guulo cad cad oo lays
la garanayo soo hooyay. waa tanoo kale nimankii qurbaha si ay ku galeenba si uun ku
galay ayaa maantana madaxtooyada lagu soo dhaweeyay. waa halkii u saraysay soo
dhawayn!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!! is waydii oo guusha ugu wayn ee ay soo hooyeen waa
maxay. kkkkkkkkkkkkkkk is iri tartankii qurbaha loogu jiray bay ku guulaysteen oo
waa kuwaa iyagoo caafimaad qabaa. waxa kale oo jirta 90% masuuliyiinta qaranka ee
heer digreeto lagu soo magacaabay waxay sitaan sharciyo ajaanib!!!!!!!!! ma is tiri
hadaanad sharci ajaanib sidan laguma magacaabayo. waxaaba jirta oo laysla garanayaa
xilibaano ama xilal kale rag loo magacaabay oo qurbaha iska dhiibay si degreeto
loogu magacaabo markay soo noqdaan.


la soco qaybaha danbe.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured