Bangiga Premier Bank Oo Ku Kacay Tallaabo Lid Ku Ah Qarannimada iyo Madax-bannaanida Somaliland

0
Thursday April 07, 2022 - 03:48:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bangiga Premier Bank Oo Ku Kacay Tallaabo Lid Ku Ah Qarannimada iyo Madax-bannaanida Somaliland

    Bangiga Premier Bank Oo Ku Kacay Tallaabo Lid Ku Ah Qarannimada iyo Madax-bannaanida Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bangiga Premier Bank Oo Ku Kacay Tallaabo Lid Ku Ah Qarannimada iyo Madax-bannaanida Somaliland
Hargeysa(xogreeb.com)-Bangiga Premier Bank oo ka mida Bangiyada ka hawlgalayey Somaliland sannadihii ugu danbeeyey, isla markaana xarumo ku leh gobollada dalka. Sidoo kale waxa uu ka hawlgalaa waddamada la jaarka ah Somaliland ee Soomaliya iyo kuwo kale.
Bangigan, ayaa xaruntiisa guud waxay ku taallaa Waddanka Bangladesh ‘DHAKA’, waxaana Bangigan la aasaasay sannadkii 1999-kii, isla markaana waxa uu xarumo ku leeyahay 118 xarumood  oo ku yaal Caalamka.
Shirkadaha ganacsiga ee ka hawlgala geyiga Soomaalidu waxay ka shaqeeyaan horumarka dhaqan-dhaqaale iyo dhiirrigelinta kaabayaasha bulshada ee deegaannada ay ka hawlgalaan, isla markaana waxa ka reebaan dhexgalka iyo ku milanka Siyaasadaha maamul iyo kuwo xuduudeed-ba.
Haseyeeshee, waxa soo baxay arrin ka duwan hab-dhaqankaas Shirkadaha ganacsiga, ka dib markii uu dhawaan Daabacay Majalladda la yidhaahdo ‘SOMALI MAGAZINE’, oo xarunteedu tahay Magaalada Muqdisho, Xayeysiis uu leeyahay Bangiga Premier Bank, kaas oo muujinaya khariiradda Somaliland oo laga tirtiray Magaca Somaliland, isla markaana lagu daray Khariiradda Soomaaliya, waxaana sawirka guud la wada siiyay magaca Soomaaliya.  
Si kastaba ha ahaatee, Sawirka iyo xayeysiiska Premier Bank ee iyaga oo ka raalliya lagu baahiyay SOMALI MAGAZINE, ayaa lid ku ah Qarannimada jiritaanka Somaliland iyo madax-bannaanideeda dhuleed. Waxaanay sidoo kale tallaabadan uu Baanku qaaday muujinaysaa inay adeegyadiisa ganacsi ku lamaan yihiin arrimo siyaasadeed oo aan looga baran shirkadaha ganacsiga ee ka wada hawlgala dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.    
Xigasho WWW.Hayaannews.net



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured