Talo iyo Tilmaam Ku Socota Maayirka iyo Golaha Deegaanka Hargaysa, Fadlan Mudanayaal Markale Badbaadiya Ganacsatadii Masiibaddu Haleeshay, Mid Dariiqyalay iyo Mid Hooy-degenaaba?.

0
Sunday April 03, 2022 - 01:57:41 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 246
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Talo iyo Tilmaam Ku Socota Maayirka iyo Golaha Deegaanka Hargaysa, Fadlan Mudanayaal Markale Badbaadiya Ganacsatadii Masiibaddu Haleeshay, Mid Dariiqyalay iyo Mid Hooy-degenaaba?.

    Talo iyo Tilmaam Ku Socota Maayirka iyo Golaha Deegaanka Hargaysa, Fadlan Mudanayaal Markale Badbaadiya Ganacsatadii Masiibaddu Haleeshay, Mid Dariiqyalay iyo Mid Hooy-degenaaba?.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talo iyo Tilmaam Ku Socota Maayirka iyo Golaha Deegaanka Hargaysa, Fadlan Mudanayaal Markale Badbaadiya Ganacsatadii Masiibaddu Haleeshay, Mid Dariiqyalay iyo Mid Hooy-degenaaba?.
Talo ku Socota, Xukumadda Somaliland, gaar ahaan Maayirka iyo golaha deegaanka Caasimada Hargaysa, waxaan kula Talin lahaa Qorshahooda Suuqa Aafaddu Haleeshay ee Waaheen inay baneyso Waddo Laga Gurmado, Ganacsatadana la Meeleeyo.
Xukumadda waxaan usoo jeedinayaa in Guryaha Dawlada ee Suuqa Haween ku yaala inay Guri Kasto saarto afar ilaa Sadex Dabaq, sidaas waxaan u leeyahay inay Walaalo Badan oo Masiibadda Dabku Haleeshay, isla Markaana ku Hanti Waayey, inay Dabaqyada sare ee Suuqa Boosaska Helaan, iyadoo Wadaduna inoo Banaan Tahay, Dadkeena Jilicsana gobo Nolosha dib uga soo unkaan ay helaan.
Geesta kale Shacabka iska leh Guryaha ku Yaala Suuqa Waaheen ee Aafaddu Haleeshay waa Inay iyana kuwooda awooda Dabaqyo ka dhigaan Guryahooda, (tusaale ahan Mall Business), iyadoo Wadaduna Banaan tahay. qofkii aan awoodayn Dawlad, ama Maalqabeenada dalku, waloow khasaaraha suuqa gaadhay dadkii soo koraayay uu wada sameeyay in Guryo dabaqyo ah u dhisaan Shirkada kirooyinka qaadan doonaa.
Waxaan Sidaa u leeyahay Doonistayda Shaqsi ah maha, balse ganacsatadii yaryaray ee Wadooyinka suuqa fadhiisan jiray hadii ay Maanta hantidoodii baa'ba-day, Isla Markaana waxba aanay gacanta ku hayn, hadii camal la'aanina ku dhacdo, iyana waa masiibo kale oo ilahay aynu ka magan-galayno.
markale Xukumadda Somaliland waxaan ka codsanaynaa dadkaa Dhibku soo gaadhay inay u cadaalad samayso oo aanay dibada u wada tuurin intii tunka yarayd ee Dariiqyada hore u fadhiisan jiray, balse ay xaal i raadiso si aanay u camal-beelin intii shaqada ganacsiga Suuqa Waaheen ka heli jiray qutul-datuuriga ama nolol-maalmeedkooda.
Ilahay Waxaan uga Baryaya Walaalaha Hantidoodii Masiibaddu Haleeshay inui Cawil-celin Rabbi ka siiyo. Insha Allah Hargaysi Way kasoo Kaban Dhibkii helay.
Waa Bilaahi Tawfiiq. 
Qalinkii Suxufi Cabdicasiis Bashiir Nuur. 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured