"Yaa Cunay Mashruuca Biyo-galinta Iyo Biyo Balaadhinta Ee Hargeysa ?". Qalinkii Yaasir Maxamed Xuseen.

0
Wednesday March 30, 2022 - 00:15:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 291
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Yaa Cunay Mashruuca Biyo-galinta Iyo Biyo Balaadhinta Ee Hargeysa ?". Qalinkii Yaasir Maxamed Xuseen.

    "Yaa Cunay Mashruuca Biyo-galinta Iyo Biyo Balaadhinta Ee Hargeysa ?". Qalinkii Yaasir Maxamed Xuseen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Yaa Cunay Mashruuca Biyo-galinta Iyo Biyo Balaadhinta Ee Hargeysa ?". Qalinkii Yaasir Maxamed Xuseen.
Mareeyaha Wakaaladda Biyaha ee Hargeysa Wuxuu cunay lacag dhan 70 milyan oo loogu talagalay mashruuca biyo-galinta iyo  balaadhinta Hargeysa.
Xisaabi xil malaha hadaan la xumaynin 
1. European Union waxay bixiyeen mashruuca biyo galinta iyo Biyo Balaadhinta ee Hargeysa lacag dhan 18 milyan oo doolar.
2. HA'YADDA UN HABITAT waxay bixisay 1.5 milyan oo DOLLAR 
3 . SDF Face One waxay bixisay 8.5 milyan oo doolar 
4. Germany oo soo marisay Baanka Horumarinta Caalamiga KFW Development waxay ku bixisay 23.5 milyan doolar 
5. SDF face two 2013_2015 waxay ku bixisay lacag dhan 13 milyan oo doolar 
6.Coca cola Foundation waxay ku bixisay mashruuca biya balaadhinta ee hargaysa 5 milyan oo doolar 


7. SDF Face three 2018_2023  waxay ku bixisay lacag dhan 3 milyan 
Guud ahaan lacagta ku baxday mashruuca biyo galinta iyo biyo balaadhinta ee hargaysa waa 70 milyan oo isugu jira lacag ka timi deeqaha calaamiga iyo mid miisaniyada qaranka.
Haddaba Hargaysa wali way ooman tahay , wali booyadihii ayuu dhaamiya
Xilka Aad hayso hadii lagu dhaliilo waa inaad ka jawaabtaa Musuqmaasuqa wakaalada biyaha hargysa lagu eedaynayo 

Ma haboona adigoo xafiis Ummaddeed Addoo Jooga Inaad Aflagaado iyo Ceebeyn aad miciinsato.

Maareeye ka Jawaab Lacagaha ku baxay mashruuca biyo balaadhinta hargaysa
Lacagta intaasi leeg halkay ku baxday ?
Lacagtaasi 70 milyan ee doolar maxaa lagu qabtay ?
Lacagtaasi Yaa Musuq-maasuqay ?
Hanti Dhawrku ma Baadhay lacagtaasi Cidda Xaday ?
Guddida Dabagalka Ee Golaha Wakiiladdu ma baadheen mashruucan la boobay ?
Masuulka uga sareeya ee mashruuca biyo balaadhinta hargaysa ha sharaxo lacagtaasi faraha badan halkay ku baxday
Waxaa Qoray Yaasir Maxamed Xuseen.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured