Washington: Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay xubin sare oo ka tirsan Congresska Maraykanka

0
Friday March 18, 2022 - 02:28:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 303
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Washington: Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay xubin sare oo ka tirsan Congresska Maraykanka

    Washington: Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay xubin sare oo ka tirsan Congresska Maraykanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Washington: Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay xubin sare oo ka tirsan Congresska Maraykanka
Washington(xogreeb.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay xildhibaan Young Oak Kim oo ah mudane ka tirsan Aqalka Congresska Maraykanka oo laga soo doorto Gobolka California subaxnimadii hore maanta waqtiga Washington.
Kulanka dhexmaray Madaxweyne Biixi iyo xildhibaan Young ka tirsan Golaha Congresska Maraykanka, ayaa lagaga wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin ganacsiga, nabadgelyada iyo xoojinta xasilloonida Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaan Gobolka Geeska Afrika.
Qoraal ay kooban oo ay senator Young Kim ku qortay barteeda Twitter-ka, waxa ay ku tidhi; 
"Waxa sharaf ii ah in aan maanta la kulmo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaanuna ka wadahadalnay sidii Maraykanku kor ugu qaadi lahaa xidhiidhka uu la leeyahay Somaliland iyo Geeska Afrika, xidhiidhkaas oo ku salaysan ganacsiga, nabadgelyada iyo xasilloonida."
Madaxweynaha Somaliland iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa maalintii 5aad socdaal ku jooga magaalada Washington, waxaanay kulmo xidhiidh ah la yeesheen masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda iyo Baarlamaanka dalka Maraykanka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured