Madaxweyne Shacabka Ku Soo Doortay Tixgelin Sii Dhegaysigooda, Hana Dhibsan Wadatashiga Iyo Toosinta Aynu Ku Soo Nabad Iyo Caanaba Maalnay,

0
Thursday August 01, 2013 - 08:22:46 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1082
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Shacabka Ku Soo Doortay Tixgelin Sii Dhegaysigooda, Hana Dhibsan Wadatashiga Iyo Toosinta Aynu Ku Soo Nabad Iyo Caanaba Maalnay,

    Somaliland waxay ku soo nabad iyo caanaba maashay oo ay heerkaa  

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland waxay ku soo nabad iyo caanaba maashay oo ay heerkaa  
ASC, Marka hore salaamayaa Umadda Muslimiinta ah gaar ahaan ummada Somaliland meel kasta oo ay joogaan, oo aan leeyahay RAMADAAN KARIIM, waxaan salaamayaa oo kale dhamaan warbaahinta xorta ah gaar ahaan wariyayaasha iyo maamulka sare ee madaalayaasha ah ee wakaaladda wararka ee caalamiga ah ee XOGREEBNEWS.COM-
Somaliland waxay ku soo nabad iyo caanaba maashay oo ay heerkaa ku soo gaadhay ilaa halagankii wadatashi iyo toosin dhexdeeda ah oo lagu saxo wax kasta oo khaladaad ah oo u baahan in la toosiyo oo tallowadaag wadajir laga wada yeesho, hadaba beyahan danbe waxay warbaahinta xorta ahi si weyn u qaadaa dhigaysay dawladda Somaliland oo si weyn ugu hortimi golaha madaxa banaan ee wadatashiga iyo toosinta ee



dhawaan ay kHargaysa kaga dhawaaqeen siyaasiyiinta waaweyn ee magaca iyo maamuuska ku leh shacabka Somaliland.
Sidaa daradeed, waxaan halkan ka bogaadinayaa madaxdhaqameedyada sida wadaninimada ah isugu taxalujiyay dhexdhexaadinta gollaha cusub iyo xukuumadda oo imika meel wanaagsan wax marinaya Isha Allaah, Illaahay ha ku guuleeyo, waxa kale oo aan bogaadinayaa sida ay u aqbalay Madaxweynuhu.
Hadaba, waxaan soo jeedinayaa in aanay xukuumaddu dhibsan wadatashiga iyo toosinta oo ah mid wax lagu dhisayo ee aan wax lagu duminayn, oo ay ka dhegaysato wixii toosin iyo tallo ah ee ay u soo jeediyaan muwaadiniinta iyo siyaasiyiinta iyo waxgaradka Somaliland, balse aan laga dhigin in la wayneeyo oo la shidaysto, sidaa daraadeed waxaan mar labaad ku talinayaa inay xukuumaddu si degdeg ah u joojiso wararka waji ku macaashka ah ee lagu canbaaraybayo siyaasiyiinta magaca leh ee golahan ku dhawaaqday ee maalin hebeenba laga sii daynayo warbaahinta dawladu maamusho ee Radio Hargaysa iyo TV-ga Qaranka, isla markaana ay masuuliyiinta xukuumadda ka tirsani ay ka
waantoobaan dhaleecaynta ay saloolanayaan siyaasiyiinta gollahan ku dhawaaqday oo aan runtii inaga mudnayn in la canbaareeyo maadaama ay yihiin raggii u soo halgamay xornimada dalkana ay ka soo qabteen xilal sarsare oo kala duwan.
Ugu danbayntii, Maamulku waxa uu ka bilaabmaa kor, Talladuna waxay ka bilaabantaa hoos, markaa waxaan si wadaninimo ah ugu soo jeedinayaa Madaxweynaha Somaliland ee lagu soo doortay kalsoonidii codka shacabka Somaliland, in uu dabacsanaan u muujiyo oo uu Madaxweynaha qaranku uu mar walba dhugasho iyo tixgelin gaar ah uu ku eego wadatashiga iyo is toosinta ay u soo jeediyaan shacab weynaha Somaliland iyo siyaasiyiinta iyo dhamaan qaybaha kala duwan waxgaradka bulshadu, sidaa daraadeed, waxa xusid gaar ah mudan in xukuumadda loog waxa hor yaala inay wax ka qabato arrimaha waajibaadka qaranka ee hor yaala ee ay ka mid yihin in si degdeg ah loo qabto doorashadii baarlamaanka, iyo wax laga qabto musuqmaasuqa, iyo ku tumashada xoriyatul qawlka iyo cabudhinta warbaahinta xorta ah, iyo wax laga qabto cadaaladda iyo garsoorka iyo sidoo kale in tallo qaran oo wadajir ah oo si weyn loo rogrogo laga wada yeesho siyaasada arrimaha dibada ee Somaliland iyo wada hadaladda Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana si wadajir ah loo illaaliyo wadjirka iyo waxwada qabsiga horumarinta dadka iyo dalka dhinac walba si ay Somaliland u gaadho yoolkeeda wanaagsan.
Khaalid Maxamed faras
farasle_007@hotmail.com
TEL 00256 793736114
Bugema University
Kampala.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured