"Sanadkan 2022 Hadii Somaliland Aan Wax Doorasho Ahi Ka Qabsoomin "Horaa loo Soconayaa Way Beenoobaysaa Oo Qiyaastii Dib…"Siyaasi Cali Guray.

0
Tuesday March 08, 2022 - 02:41:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 326
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Sanadkan 2022 Hadii Somaliland Aan Wax Doorasho Ahi Ka Qabsoomin "Horaa loo Soconayaa Way Beenoobaysaa Oo Qiyaastii Dib…"Siyaasi Cali Guray.

    "Sanadkan 2022 Hadii Somaliland Aan Wax Doorasho Ahi Ka Qabsoomin "Horaa loo Soconayaa Way Beenoobaysaa Oo Qiyaastii Dib…"Siyaasi Cali Guray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Sanadkan 2022 Hadii Somaliland Aan Wax Doorasho Ahi Ka Qabsoomin "Horaa loo Soconayaa Way Beenoobaysaa Oo Qiyaastii Dib…"Siyaasi Cali Guray.

"SIDII BAHALKII BIRIISHKA KA DHACAY...

Sida Ay Dadka qaar u fakarayaan sanadkan 2022 hadii Somaliland aan wax doorasho ahi ka qabsoomin "horaa loosoconayaa way beenoobaysaa oo qiyaastii dib baa loo guuray ayay noqonaysaa”. Sida aan qabo weli way jirtaa fursad in laba doorasho ay qabsoomi karaan hadii daacad laga yahay oo aan hagrasho jirin danta qarankana loo midoobo. Doorashada sadexaad lafteeda ayay suurogal tahay in dibu dhac aan ka badnayn lix bilood uu ku iman karo. Sababtu waxay tahay ilaa bisha November Komishanku wuxu ku hawlanaan doonaa doorashada Madaxtooyada oo mudaysan 13keeda in ay qabsoonto. Doorashada Guurtida oo iyadu aan ahayn doorasho toos ah weli way jirtaa in ay qabsoomi karto ka hor dhamaadka sanadkan hadii la dhamaystiro xeerkii lagu dooran lahaa. Doorashada sadexaad ee Xisbiyada iyo Ururada waxa furan laba talo in mid la qaato marka aynu og nahay in Komishanka Doorashadu aanay wada qaban karin laba doorasho muddada ka hadhsan sanadkan. Talada hore waa in Diiwaangelinta iyo kala saaridda  ururada la dhamaystiro inta ka horaysa bilawga Ololaha Xisbiyada u tartamaya Doorashada Madaxtooyada oo bilaabmi doonta bil ka hor qabashada doorashadaasi (13 Oktoobar). Ka dibna Komishanku marka uu ka soo jeedsado Doorashada Madaxtooyada ay iyagu cayimaan taariikhda qabashada doorashada ururada iyo xisbiyada. Talada labaadna waa in gebi ahaanba dib loo dhigo hawlaha Doorashada Xisbiyada iyo Ururada qiyaastii muddo aan ka badnayn lix bilood oo ka bilaabmaya December 2022ka ilaa bisha May 2023. Labada tii la qaataba waxa laga yaabaa in aanay xaga wakhtiga wax badani u dhaxaynin hadii aan loo badheedhayn in ay qabsoonto bilaha jiilaalka ee horaanta sanadka 2023ka.


Haddaba kuwa ku andacooda Doorashada Madaxtooyada ka hor ayaa la qabanayaa Doorashada Xisbiyada Iyo Urururadu hadlkoodu aniga xagayga waa Doorasho-diid oo wax ka soo qaad ilama laha hadii aanu Madaxwaynaha laftiisu ahayn hogaamiyahooda oo aanu isagu doonayn in Somaliland aanay wax doorasho ah oo la isla ogol yahay ka qabsoomin. Ilaa goorma? Mooyi ilaa goor la eeday uun iga dheh.

Sidaa daraadeed aniga xagayga hadii aan ugu yaraan Doorashada Madaxtooyadu wakhtigeeda ku qabsoomin Somaliland waxa laga filaa saw maaha in ay noqoto:

"sidii Bahalkii Biriishka Ka Dhacay;

Baraarugay Goor Dad Soo Baxay;

Ee Ka Booday Bartii U Dheerayd”.

Qore; Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf "Cali Guray”




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured