Konton Dhalinyaro u Dhashey Somaliland oo Ka Tahriibay Hargeysa iyo Tog-Wajaale oo Qeylo Dhaan Culus Kasoo Dirtey Badda u Dhexeysa Liibiya iyo Talyaaniga

0
Friday March 29, 2013 - 19:10:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1617
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Konton Dhalinyaro u Dhashey Somaliland oo Ka Tahriibay Hargeysa iyo Tog-Wajaale oo Qeylo Dhaan Culus Kasoo Dirtey Badda u Dhexeysa Liibiya iyo Talyaaniga

    Hargeysa(xogreebnews)-Kontameeyo dhalinyaro ah oo ka Tahriibay dhawaan dalka Somaliland ayaa Qeylo dhaan culus saqbadhkii Xaley Soo gaadhsiiyay Shabakada Wararka Hadhwanaagnews iyagoo ku sugan Badhtamaha badda Meternian Sea (Bada Dhimatey), iyagoo ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews)-Kontameeyo dhalinyaro ah oo ka Tahriibay dhawaan dalka Somaliland ayaa Qeylo dhaan culus saqbadhkii Xaley Soo gaadhsiiyay Shabakada Wararka Hadhwanaagnews iyagoo ku sugan Badhtamaha badda Meternian Sea (Bada Dhimatey), iyagoo ka shakiyay in ay doonto la qaraqanto kadib markii ay Socdeen in ka badan sodomeeyo saacadood islamarkaana, ay gaadhi Waayeen halkii ay ku socdeen.



Konton Dhalinyaro u Dhashey Somaliland oo Ka Tahriibay Hargeysa iyo Tog-Wajaale oo Qeylo Dhaan Culus Kasoo Dirtey Badda u Dhexeysa Liibiya iyo Talyaaniga

Hargeysa(xogreebnews)-Kontameeyo dhalinyaro ah oo ka Tahriibay dhawaan dalka Somaliland ayaa Qeylo dhaan culus saqbadhkii Xaley Soo gaadhsiiyay Shabakada Wararka Hadhwanaagnews iyagoo ku sugan Badhtamaha badda Meternian Sea (Bada Dhimatey), iyagoo ka shakiyay in ay doonto la qaraqanto kadib markii ay Socdeen in ka badan sodomeeyo saacadood islamarkaana, ay gaadhi Waayeen halkii ay ku socdeen.

Qaar kamid ah Tahriibayaashaasi oo lasoo xidhiidhay Shabakada Wararka Hadhwanaagnews saqbadhkii xaley iyagoo ku sugan Badda Meternian Sea islamarkaana kula soo xidhiidhay khadka Isagaadhsiinta ee Telefoonka Sataletka la Shaqeeya (Thuraya) oo Numabrkiisu ahaa



(008821644409858), kaas oo dhacayay ilaa Saaacadihii dambe ee Waabari ku dhawaadkii Waxaanay dhalinayradaasi sheegeen in ay walaac badan ka qabaan Socodkooda maadaama ay dhaafeen, Saacadihii kutalagalka Qiyaastoodu ahaa waxaanay habeenimadii khamiistu soo Galeysey ee 28kii bisha sadexaad ka amba baxeen Wadanka liibiya Caasimadiisa Tripoli islamarkaana, ay habeenkii xaley ahaa u noqoneysay habeenkii labaad ee ay ku guda jiraan Socdaalka tahriibta Badda.


C/raxmaan Cabdi oo kamid ahaa Dhalinyaradaa Tahriibayaasha ah oo Hadhwanaagnews u Waramay ayaa Sheegay in ay u baahan yihiin Gurmad laxaad leh islamarkaana, ay dalbanayaan in Gargaar Qeylo dhaan ah loogu guramdo la gaadhsiiyo Wadanka Talyaaniga silooga badbaadiyo dhibaato kutimaada, safarka doonta.

"Waxaad noo qaban kartaan ayaanu idiinka baahanahey waxaanu u baahanahay Gurmad Caalami ah sababtoo ah ma garaneyno meel aanu socono Waayo saacadihii aanu socon laheyn qiyaasta badda in ka badan ayaanu soconay mana garan karno inaau amabanay iyo inkale waxaanu walaac badan ka qabnaa in aanu hada ku suganahay xaalad amaan ah waana xaalad halis ah oo khatar badan illaahay hanooga sahlo, ee noo dhawaaqa hanaloo Gurmadee"Ayuu yidhi C/raxmaan Cabdi oo kamid ahaa dhalinayradaa Tahriibayaasha ah.

Waxaanu intaa ku darey hadalkiisa in ay socdeen(Xiligaa) ku dhawaad sadexdii habeenimo in ku dhow qiyaastii afartameeyo Saacadood in ka badan halisna ay ka cabsi Qabaan.

Ilaa iyo hada lama Cadeynayo halka ay ku Sugan yihiin Dhalinayradaasi maadaama uu khadka Isgaadhsiinta ee lagula xidhiidhayay uu go,ay Waabari ku dhawaadkii taas, oo sida ay Sheegayeen uu ka dhacey baytariga dabka oo ay ka cabanyeen in uu ka dhacayo oo ka liito.

Mar aanu Weydiiney dhalinayradaasi oo da,doodu u badneyd labaataneeyo iyo todoba iyo toban iyo sideed toban inta u dhexeysa ah sababta ay naftooda u biimeeyeen ee ay tahriibtan ku kalifey ay Walaaciisa hada saacadahan ka dareemayaan Mushkilada badda ayaa Sheegay in ay rajo la,aan kaga tahriibeen shaqo la,aanta dhalinyarada ku habsatey ee Gudaha Dalka iyo rajadii ay filayeen ee Isbadelka Doorashooyinkii dhacey ee ay door adag kasoo qaateen taas, oo cidlo lagaga tagey intooda badan islamarkaana, furasadihii Shaqooyinka Siyaasiyiinta Somaliland kusoo Waarideen dad meelo gaar ah ugu asteysnaa iyo kuwa ay heyb ahaan ku qorsheysteen sida ay hadalkooda u dhigeen, Waxa kale oo ay Xuseen dhalinayaradani in dhibaato badani soo gaadhey Mudadii ay Tahriibta kujireen oo qaar kamid ahi kaga hadheen Liibiya kadib markii ay ku jajabeen Ciqaabtii Askarta Carbeed marinaysey.

Sikastaba ha ahaatee ilaa iyo hada majiro Warar dhiilo ah oo sheegaya in ay dhibaato kusoo Gaadhey safarkii Badda ee Walaaca badnaa ee ay Habeenkii xaley ahaa ku baaxaa dagayeen Dhalinayradaas tahriibayaasha ahi haseyeeshee, ilaa iyo hada lama garanayo meel ay ku Sugan yihiin, waxaana loo badinayaa in ay nabed kaga baxeen Safarkii Walaaca badnaa ee Gudaha baddaasi.



















Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured