Itoobiya Iyo Qaramada Midoobay Oo Ka Wada Hadlay Xaalada Somaliya Iyo Dib Uhabaynta Ciidamada Amisom.

0
Wednesday March 02, 2022 - 23:42:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 263
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya Iyo Qaramada Midoobay Oo Ka Wada Hadlay Xaalada Somaliya Iyo Dib Uhabaynta Ciidamada Amisom.

    Itoobiya Iyo Qaramada Midoobay Oo Ka Wada Hadlay Xaalada Somaliya Iyo Dib Uhabaynta Ciidamada Amisom.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Itoobiya Iyo Qaramada Midoobay Oo Ka Wada Hadlay Xaalada Somaliya Iyo Dib Uhabaynta Ciidamada Amisom.

Addis-sababa(Xogreeb.com)-Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya Demeke Mekonnen ayaa wada hadal la yeeshay ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Labada dhinac waxay ka wada hadleen doorashada Soomaaliya, dib u habeynta ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Somaaliya (AMISOM), iyo baahida loo qabo in laga hortago weerarada kooxda Al-Shabaab.


Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa u sheegay Ergeyga gaarka ah in Itoobiya ay si dhow ula socoto hannaanka doorashada Soomaaliya, isagoo sheegay in Ethiopia ku faraxsan tahay hannaanka doorashadu ku socoto.

Demeke ayaa sheegay in wadashaqeyntu ay lama huraan tahay si looga hortago isku dayga kooxda Alshababab ee ku aaddan ka faa’ideysiga hannaanka doorashada Soomaaliya iyo abaaraha ka jira deegaanka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka hadlay hanaanka dib u habeynta ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo doorka dowladaha ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured