Somalland; Duruufaha Isdiidan; Catowga, Iyo Ciilka Qoys Wiilkoodii Loo Gacan Galiyay Cadowga Cabdilaahi Sh, Cabdiraxmaan + Cadaaladii Uu Helay Aygii Uu Lahaa Wiil Uudhalay Siyaasi Cali Warancade Ee Gaadhigu Ku Jiidhay Hargaysa!!

0
Thursday February 24, 2022 - 02:29:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 286
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalland; Duruufaha Isdiidan; Catowga, Iyo Ciilka Qoys Wiilkoodii Loo Gacan Galiyay Cadowga Cabdilaahi Sh, Cabdiraxmaan + Cadaaladii Uu Helay Aygii Uu Lahaa Wiil Uudhalay Siyaasi Cali Warancade Ee Gaadhigu Ku Jiidhay Hargaysa!!

    Somalland; Duruufaha Isdiidan; Catowga, Iyo Ciilka Qoys Wiilkoodii Loo Gacan Galiyay Cadowga Cabdilaahi Sh, Cabdiraxmaan + Cadaaladii Uu Helay Aygii Uu Lahaa Wiil Uudhalay Siyaasi Cali Warancade Ee Gaadhigu Ku Jiidhay Hargaysa!!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somalland; Duruufaha Isdiidan; Catowga, Iyo Ciilka Qoys Wiilkoodii Loo Gacan Galiyay Cadowga Cabdilaahi Sh, Cabdiraxmaan + Cadaaladii Uu Helay Aygii Uu Lahaa Wiil Uudhalay Siyaasi Cali Warancade Ee Gaadhigu Ku Jiidhay Hargaysa!!
Jabuuti(Xogreeb.com)-Wajaalenews)-Wasiirkii hore ee wasarada arimaha gudaha Somaliland Ee xukuumadii Axmed Siilaanyo Siyaasi Maxamed Cali Warancade caawa wuxu ku cawaynayaa Huteelka Cambiski Ee Caasimada Dalka Jabuuti, Halka Muwaadin Cabdilaahi Sheekh Cabdiraxmaan Oo Uu Kamid ahaa masuuliyiintii Dalka jabuuti  dhiibayna uu ku xidhan yahay jeelka gabood ee isla magaalada jabuuti, halkaasi oo uu wali ku sugayo cadaalad uu helo Iyo xuquuqdiisii Muwaadinnimo Oo mudo sagaal sano ku dhow uu ku xidhan yahay, halka Hooyada dhashay iyo caruurtii uu dhalay muwaadin cabdilaahi sheekh cabdiraxmaan Ay wali xukuumada somaliland ee ugacan galisay dalka jabuuti Ay habeen iyo dharaar ka hoos Ooyayaan calanka somaliland iyo shacabkiisa iyagoo dalbanaya in Ay mar uun helaan hiil Iyo cadaalad inankoodii oo ku xidhan dal shisheeye madaxdii dhiibtayna, ay ku sugan yihiin iyo kuwii balan qaaday in ay soo daynayaaba,
Sidoo kale dhacdooyinka somaliland ka dhacay ee caqliyan isdiidan waxa kamid ah in wiilkii uu dhalay wasiirkii hore ee Arimaha gudaha Cali Maxamed warancade oo kamid ahaa kuwii dhiibay muwaadin cabdilaahi sheekh cabdiraxmaan uu Ay” uu leeyahay oo hargaysa gaadhi ku jiidhay Uu xabsiga u tabaaxay dirawalkii waday gaadhiga jiidhay aygiisa Uu Helay cadaalad islamarkaana madhowgii Aygiisa  oo dhan 10000kun oo dollar laga qaaday wadihii gaadhi, halka qoyska muwaadin cabdilaahi sheekh cabdiraxmaana wali laayi,iin cadaalad iyo raq iyo ruux wiilkoodii masuuliyiinta  dhiibtay uu kamid ahaa cali maxamed warancade,
Hadaba su,aasha iswaydiinta leh Ayaa waxay Tahay halka Ay inanka uu dhalay warancade uu helay cadaalad dawladeed iyo magta Aygii uu lahaa, maxaa hortaagan in qoyska reer sheekh cabdiraxmaan ay helaan wiilkoodii? Maxaase xukuumada ka hortaagan in ay dalkii ay udhiibtay muwaadinkan In ay maanta kasoo samatabixo, Oohinta Hooyadana udamqadaan? Taasi oo somaliland ku ah mid ilaahay ku eegayo, dunuubta laga dhaxlana lagu ciqaabo doono umadda reer Somaliland Oo dhan, ee iyadu ka aamusan dulmiga laga galay qoyskan??
Dhanka kale waxaa magaalada jabuuti oo u ku sugan madaxwaynaha Somaliland muuse biixi cabdi oo isagu xogogaal U ah kiisa muwaadin cabdilaahi sheikh cabdiraxmaan oo ku xidhan jeelka gabood islamarkaana uu balan qaadaay in uu soo furdaamin doono muwaadin ay habeen iyo Maalin oohinta Iyo ciilka  Ay utahay hooyadii dhashay iyo caruurtii uudhalay Ay ku hoos dulman Yihiin calankoodii, iyadoo madaxwayne biixi laga rajaynyo safarka uu ku jooga jabuuti in  uu kusoo daayo muwaadin cabdilaahi sh, cabdiraxmaan oo mudo ku xidhan jabuuti,
Dastuurka Somaliland ayaa wuxuu kazoo horjeeda in muwaadin udhashay Somaliland loo dhiibo dal kale balse cabdilaahi sheikh cabdiraxmaan muu helin waxa uu muuwaadiniinta reer Somaliland udamaanad qaadayo dastuurku oo hadii uu danbi galay ay ahayd  in gudaha somaliand lagu maxkamadeeyo, Dhan kale waxaa iyana dhacdo wax ku qaadasho leh ah in taliyihii ciidanka booliska Dalka jabuuti ee wakhtigaa kamid ahaa masuuliyiintii Somaliland kala wareegay muwaadin  Cabdilaahi Cabdi  uu caawa  ku xidhan yahay jeelka gabood ee magaalada Jabuuti oo uu ku xidhan yahay cabdilaahi sheikh cabdiraxmaan, lagana yaabo In ay ku kala xidhan yihiin laba qol oo isku dhow taasi oo iyana ah dhacdo waxku qaadasho leh iyo maalmo kala duwan.
Waxaase laga war sugi doonaa talaabada uu qaado madaxwayne biixi iyo warka uu ka keeno safarkiisaa uu ku jooga jabuuti.
"Cuqubo halkii lagu galaybay cawku Hurudaa”
Ilaahow Aqoon Darana Hanagu cadaabin, Eexna Hanagaga Tagin;
BY; Wajaalenews Repoters.
Hargaysa Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured