"HORTA KEE BAA TANAASULAY?. Saaxiibkay M. Xaashi waxa uu ku Qancay anigu maan garan, Waxaba Talo Dhaama Xirsi.. Muuse Biixi waa Musharax Doorashada 13 November, Maxamed Kaahin Wuxuu noqon Doono Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye". Siyaasi Cali Guray.

0
Wednesday February 16, 2022 - 02:17:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 272
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "HORTA KEE BAA TANAASULAY?. Saaxiibkay M. Xaashi waxa uu ku Qancay anigu maan garan, Waxaba Talo Dhaama Xirsi.. Muuse Biixi waa Musharax Doorashada 13 November, Maxamed Kaahin Wuxuu noqon Doono Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye". Siyaasi Cali Guray.

    "HORTA KEE BAA TANAASULAY?. Saaxiibkay M. Xaashi waxa uu ku Qancay anigu maan garan, Waxaba Talo Dhaama Xirsi.. Muuse Biixi waa Musharax Doorashada 13 November, Maxamed Kaahin Wuxuu noqon Doono Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye". Siyaasi Cali Gur

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"HORTA KEE BAA TANAASULAY?. Saaxiibkay M. Xaashi waxa uu ku Qancay anigu maan garan, Waxaba Talo Dhaama Xirsi.. Muuse Biixi waa Musharax Doorashada 13 November, Maxamed Kaahin Wuxuu noqon Doono Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye". Siyaasi Cali Guray.
Hargeysa(Xogreeb.com)-"Laba shalay ay cadaawad siyaasadeed ka dhexaysay in maanta ay dhinac ka soo wada jeedsadaan maaha wax lala yaabo waayo siyaasadda ayaan sideedaba lahayn saaxiib iyo cadaw joogto ah midna. Balse waxa muhiim ah in uu jiray arin lagu kala taganaa oo markii laga wada hadlay laga heshiiyay. 
Maxamuud Xaashi iyo Muuse Biixi sida aan u arko ma jirin wax kale oo ay isku hayeene waxa kala leexiyay dano ay kala lahaayeen. Hadii kulankani soo af jaray khilaafkoodii waxa cad in aanu jirin gorgortan siyaasadeed oo dhexmaray oo ku soo dhamaaday; wax ka tag waxna ha lagaaga tago ama "give and take”. Markaa heshiisku wuxu ku yimi isu tanaasul ee kee baa tanaasulay ma Madaxwaynaha mise Maxamuud Xaashi? 
Muuse isaga waa lagu yaqaan oo  ma sameeyo inta ugu yar ee tanaasul ah oo waaba ceeb isaga xaggiisa. Bal isagii oo Madaxwayne ahna ka warran?. Markaa dabcan Maxamuud in isagu uu tanaasulay baa run ah, hadii kale may heshiinin bay ka dhigan tahay.
Sida ay 90% u muuqato Muuse Biixi waa musharax markii labaad doorashada 13 November halka Maxamed Kaahin isaguna uu noqon doono Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye. Maxamuud Xaashi markaa wax kale uma furna ee waa in doorashada uu dhiso Muuse Biixi ka dibna hadii uu doono urur siyaasadeed furto balse lagama yaabo in uu u gudbi karo ururkiisu Xisbi Qaran. Ta kale waxaaba ku adkaan karta sida uu u qancin karo taageerayaashii uu isagu hormoodka iyo ceelalyadaba u ahaa marka uu kula noqdo faro madhan ama xil (Wasiir) oo Muuse Biixi u magacaabay.
Sidaa daraadeed saaxiibkay Maxamuud waxa uu ku qancay anigu maan garan eh waxaba talo dhaama Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isagu ku guulaystay in uu gudoomiye ka noqdo Xisbiga WADDANI oo  doorkan aan looga dhawayn in uu ku guulaysto Doorashada Madaxtooyada hadii Allah Awoodda lihi ogolaado. Weliba Cabdiraxmaan dabadii laga yaabo in uu ku soo qaado musharnimada. Markaa  mustaqbalka siyaasadda miyaan la odhan karin Xirsi  isaga ayaa ka rajo fiican Maxamuud Xaashi mise wax kalaa u qarsoon?.
CALIGUREY
HARGEYSA, SOMALILAND



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured