Cismaan Hindiyow Muuse Biixi Si Wanaagsan ayuu uga Hadlay Arrinta Golaha W. Toosinta , Lakiin Adigu Ma Waxa Aad Doonaysay In Uu Guulwadeeyo Sidaadii, Taasi Waa Tii Aad Madaxweyne Riyaale Godka Ugu Rideen.

0
Wednesday July 31, 2013 - 19:41:56 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cismaan Hindiyow Muuse Biixi Si Wanaagsan ayuu uga Hadlay Arrinta Golaha W. Toosinta , Lakiin Adigu Ma Waxa Aad Doonaysay In Uu Guulwadeeyo Sidaadii, Taasi Waa Tii Aad Madaxweyne Riyaale Godka Ugu Rideen.

    Waxaan Salaamayaa Dhamaan Warbaahinta Madaxabanaan iyo Shacbiweynaha Reer Somaliland, intaa ka dib waxaan jeclahay in aan u dhaadhaco maqaalkaygan:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan Salaamayaa Dhamaan Warbaahinta Madaxabanaan iyo Shacbiweynaha Reer Somaliland, intaa ka dib waxaan jeclahay in aan u dhaadhaco maqaalkaygan: Waxaa aan la yaabay Waraysi Cismaan Hindi Siiyay Jaaraa?idka Jamhuuriya balse Website yada qaar ka soo xigteen, waraysigiisu wuxuu ku taab taabtay arrimaha badan oo ay ka mid yihiin waayihiisa siyaasadeed iyo Amaan uu u soo Jeediyey Wasiirka Madaxtooyada Xirsi, waxaa kale oo ka mid ahaa in uu Guddomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi ku duray in shacabka
kala garanwaayeen in uu muxaafid yahay in in uu mucaarad yahay, arrintaas ayaan jeclahay in aan shacabka u balbaraariyo iyo sida ay iila muuqato.

Anigu shiqsiyan Ma ahi taageerayaasha Xisbiga KULMIYE, Waxaana taageeraa Xisbiga UCID oo aan masuuliyad u hayo, siyaasada KULMIYE iyo Guddiyahoodaba waan ka soo horjeedaa mana qarsado. Laakiin waxaan halkan ku cadaynayaa in aan la qarin Karin qofka kalmada xaqa ah ku hadla, tusaale ahaan Guddoomiye Muuse Biise Maalintii dhawayd uu ka hadlayey Arrinta Golaha W. Toosin si wanaagsan oo Gobonimo leh ayuu uga hadlay, waliba isagoo labada dhinacba la hadlay, arrintaasi shacbiga badankiisu way soo dhaweeyeen waana talaabo wanaagsan oo Gudoomiyuhu xaga wanaagsan u qaaday. Takale qoraalkaaga waxaa ka mid ah, Muuse Biixe KULMIYE isagaa iga eryay, taasi waa arrin adiga iyo inaadeerkaa idin dhaxaysa waxana haboon in aad iscafisaan.
Hadaba aan Cismaan u dhaadhaco, Cismaan Hindi wuxuu ahaa Saraakiishii ugu sarsaraysay ee Xisbigii UDUB ee Doorashada laga helay, anigu waxaan shiqsiyan xasuustaa arrin murugu leh oo shacabku badankiisuna ay xusuustaan, taas oo ah intii aan lagu dhawaaqin in KULMIYE codka helay, waxaa jirtay in Madaxweyne Riyaale loo cadeeyey in codka laga helay, taas oo ay u cadeeyey xubno ka mid ah komishinta qaranka. Habeen habeenada ka mid ah ayuu Riyaale markii uu arrinta maqlay wuxu isugu yeedhay Golaha Wasiirada iyo ragii Xisbiga ugu firfircoonaa wuxuna u sheegay in Xisbigii UDUB lagaga guulaystay Codkii, Dhowr nin oo Cismaan Hindi ka mid yahay Ayaa Madaxweyne Riyaale kula taliyay in uusan aqbalin natiijada Doorashada. Nasiib Wanaab Madaxweyne Riyaale arrintaa waa ka diiday, wuxuuna u sheegay in uu aqbalayo doorashada natiijada ka soo baxda. Madaxweyne Riyaale Arrintaa Amaan ayuu ku mudanyahay shacabka reer Somaliland abaalkaa waa u hayaan.

Waxa kale oo jirta aarin kale oo sir ah, sir taasi waxa weeye xubnihii xisbiga UDUB ee dhacay la soo shaqayn jiray, way tashadeen waxay ku tashadeen in ay maamulka dib ugu soo noqdaan. Waxay isweediiyeen wadada ugu sahlan ee ay ku soo noqon karayaan, waxayna isla garteen in wada ugu Sahlan ee ay xukunka dib ugu soo noqonkaraan ay ka mid tahay in la Amaano Wasiirka Madaxtooyada Xirsi, waxay sila garteen ninkii Xisrsi amaanaa in uu helayo xil dag dag ah, cismaana wadadii buu hayaa bay ilatahay.

Shacabka reer Somaliland waxaan kala dardaarmayaa in ay xaqa u hiiliyaan ninka xaga sheegana u hiiliyaan, taasi waxay keenaysaa in munaafaqu meesha ka baxo, siyaasiyiinta Somaliland waxay kula talinayaa xaqa ku adima, kii isleh waxaan kursi ku helaysaa Guulwadayn, kursigu waa ayaamo lakiin sharaftaadii iyo magacaagiiba waa baaba?ayaan.
ABDULQADIR MOHAMED ABDULAHI
XOGHAYAHA XISBIGA UCID UK BRISTOL
qaadiro1980@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured