"Kulanka Madaxweynaha iyo Xildhibbaanada Golaha Wakiilada ee beri, In damiirkaygu uu i siin waayey in iyada oo dalku ku jiro xaalad abaareed oo adag, aan ka qeyb galo xaflad tamashlayn ah".Xildhibaan Xasan Ogaal oo Kamid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada JSL.

0
Sunday February 13, 2022 - 00:44:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 297
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Kulanka Madaxweynaha iyo Xildhibbaanada Golaha Wakiilada ee beri, In damiirkaygu uu i siin waayey in iyada oo dalku ku jiro xaalad abaareed oo adag, aan ka qeyb galo xaflad tamashlayn ah".Xildhibaan Xasan Ogaal oo Kamid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada JSL.

    "Kulanka Madaxweynaha iyo Xildhibbaanada Golaha Wakiilada ee beri, In damiirkaygu uu i siin waayey in iyada oo dalku ku jiro xaalad abaareed oo adag, aan ka qeyb galo xaflad tamashlayn ah".Xildhibaan Xasan Ogaal oo Kamid ah Mudanayaasha Gol

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Kulanka Madaxweynaha iyo Xildhibbaanada Golaha Wakiilada ee beri, In damiirkaygu uu i siin waayey in iyada oo dalku ku jiro xaalad abaareed oo adag, aan ka qeyb galo xaflad tamashlayn ah".Xildhibaan Xasan Ogaal oo Kamid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada JSL.
Hargeysa(Xogreeb.com)-"...Kulanka Madaxweynaha iyo Xildhibbaanada Golaha Wakiilada ee beri dhacaya iigu ma muuqdo mid munaasib ah, sidaas darteed ka Xildhibbaan ahaan kama qeyb-geli doono laba sababood dartood. 
1. In damiirkaygu uu i siin waayey in iyada oo dalku ku jiro xaalad abaareed oo adag oo qeylo-dhaanta biyo la’aaneed na ay dhinac walba ka soo yeedhayso aan ka qeyb galo xaflad tamashlayn ah. Runtii maanta oo kale Madaxweynaha waa ku mas’uuliyad darro in iyada oo uu og yahay duruufaha adag ee wadanku ku jiro inuu iska xafladaysto waayo xaaladda maanta lagu jiro waxay ahayd inuu umaddiisa la hadlo, shacabka abaaraha iyo biyo la’aantu saameeyeena u gurmado, sidoo kale na uu innoo keeno xalka iyo sidii wax loogga qaban lahaa sicir-bararka iyo shidaalka qaaliyoobay inta ba ee aanu maalin ka hadal.
2. Ta labaad ee aanan kulankaas uga qeyb-geli doonin waxa weeye in kulanku aanu ahayn mid ku qabsoomaya goobtiisii oo ah xarunta Golaha Wakiilada, umana muuqdo 
mid si furan looga wada hadlaayo xaalada taagan, sida aynnu ognahayna Madaxweynaha waxa waajibka saaran ka mid ah ee dastuurku faraayo inuu khudbad sanadeed u jeediyo Golaha sanadkii ba hal mar iyo wakhtiyada ay soo kordhaan xaalado deg-deg ah inta ba, sidaas darteed dawladnimo maaha, nimaad sax ahna maaha, shuruucda na meel kaga ma jirto kaalaya aynu xafladaysanee. 
Madaxweyne, waxaan ku xasuusinayaa inay umaddan mas’uuliyadi kaa saaran tahay oo lagu gu la xisaabtami doono, Xildhibbaanadu na qado kaaga ma baahna ee waxay kaaga baahan yihiin waa wada shaqeyn iyo inaad ixtiraamto shuruucda dalka iyo ku dhaqankooda. Sidaas darteed, waxaan kuu soo jeedinayaa inaad is mashquulinta aad ka baxdo oo aad shacabkaaga u naxdo, waxna ka qabato xaaladaha adag ee dalka ka jira. 
Mahadsanidiin.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured