Afka Soomaaliga: Tirada Tirsiimo Ee Uu La Wadaago Canfarta iyo Oromo!. Qalinkii Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr.

0
Sunday January 30, 2022 - 22:03:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 328
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afka Soomaaliga: Tirada Tirsiimo Ee Uu La Wadaago Canfarta iyo Oromo!. Qalinkii Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr.

    Afka Soomaaliga: Tirada Tirsiimo Ee Uu La Wadaago Canfarta iyo Oromo!. Qalinkii Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afka Soomaaliga: Tirada Tirsiimo Ee Uu La Wadaago Canfarta iyo Oromo!. Qalinkii Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr.
Xidhiidhka la-yaabka leh ee Afafka Kushitigga ka dhexeeya waxa aad ka garan garan kartaa isu ekaanshaha tirada tirsiimo ee Soomaaliga, Oromada iyo Canfariga. Bal eeg sida ay isu waafaqaan.
Soomaali     Oromo
Laba             lama
Saddex          saddih
Afar               afur
Shan              shan
Lix                  lih
Toddoba      torba.
Marka la sii badiyana waxa ay Oromadu tidhaahdaa: Lama=Lamaatam, 
Saddih=Soddom, 
Afur= Afartam, 
Shan= Shatam. Haddii ay 5ta yidhaahdeen shan, kontonkana waxa ay yidhaahdeen shatam. 
Si la mid ah Soomaalidana: 
laba= labaatan, 
saddex= soddon, 
afar=afartan, 
Soomaalidu maxaa aay 5 u tidhi shan, 50kana u tidhi konton? 
Canfarta ayaa 5ta u taqaan Koone, 50kana u taqaan Kontom. Halkaa waxa aad arkaysaa in aynu tirada "shan” kala midnahay Oromada, halka tirada "konton” aynu ka waafaqnay Canfarta. Miyaanay ahayn wax haddii loo fiirsado la dhaadi karo?



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured