Fasilaadda Go'aanka Maxkamadda Ee Xeer 14. Qalinkii Cabdicasiis Bashiir Nuur.

0
Sunday January 16, 2022 - 19:07:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 410
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fasilaadda Go'aanka Maxkamadda Ee Xeer 14. Qalinkii Cabdicasiis Bashiir Nuur.

    Fasilaadda Go'aanka Maxkamadda Ee Xeer 14. Qalinkii Cabdicasiis Bashiir Nuur.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fasilaadda Go'aanka Maxkamadda Ee Xeer 14. Qalinkii Cabdicasiis Bashiir Nuur.
Taageerayaashii labadda dhinac ee is hayey waxay durbaba ku muransan yihiin fasiraadda go’aanka maxkamadda ee xeer 14 ee maanta oo January 16, 2022 soo baxay. Haddaba dhowr shay ayaa aniga iiga soo baxay go’aankaasi;
1. Horta Maxkamadda sare may qaadanin dacwaddii xildhibaanaddii Baarlamaanka ee fasirka weydiistay sababtoo ah xeer hoosaadka golaha wakiiladda ayaa dhigaya in fasiraad kasta oo xildhibaanadda golaha ka tirsani ay uga baahdaan Maxkamadda sare waxaa saxeexi kara oo qudha Gudoomiyaha golaha wakiiladda. Kolkaa Maxkamaddu iyadoo faragelin ka cararaysa way laashay codsigii xildhibaanaddu geeyeen maxkamadda. Halkaa taageerayaasha Waddani baa guul tirsatay.
2. Maxkamaddu waxay aqbashay dacwaddii ay xareysteen 24 mudane ee uu hogaaminayey Cabdisalaan Yaasiin ee uu ku doodayey in ururadda la furo sida uu dastuurku dhigayo, waxaan qaadatay doodii ay wadeen ee ahayd in sida dastuurku dhigayo, ururadda iyo asxaabta qaranka la furo 10 kii sanadoodba mar. Taasi waxaa guul ay u ahay dhamaan reer Somaliland oo xisbiyo ay niman leeyahiin si ay hanti u tahay oo ay kolba cida doonaan iyagu isku wareejinaya waa laga raysanayaa oo tartan cusub baa la gelayaa. Guushaa shacabka oo dhan baa halkaa guul tirsaday.
3. Maxkamaddu waxay qaadatay kaabistii xeer 14 lagu sameeyey 2021 ee Baarlamaankii kan ka horeeyey ku sameeyey ee ahaa in doorashadda toos loo galo oo urur ahaan lagu doorto, halka kii 2011 uu ahaa in Gole deegaan ururadda lagu doorto. Taasina waxaa daliil u ah oo ay maxkamadda cusubi inoo sheegtay in ay doorashadda qaban doonaan Gudidda doorashooyinka qaranku halka ay xeerkii 2011 uu odhanaayey in ay doorashadda Ururadda ay qabtaan Gudidii Diiwaan gelinta qaranka ee berigii hore Ina Ciyaale hogaaminaayey oo iyaga gebi ahaanba meesha laga saaray. Taasina waxay ku tusaysaa kaabistii xeerka ee 2021 uu dhaqan gal yahay iyadoo aan looba baahneyn xeerku ma dhaqan gal baa mise maaha dhaqan gal(madaxweynuhu ma 21 maalmood gudahood bu ku saxeexay iyo kumuu saxeexin) oo waataa Maxkamaddu inoo biyaamisay waxaana halkaa libin tirsaday taageerayaashii Kulmiye iyo intii jeclayd in ururadda la furo oo xeerku dhaqangal noqdo.


Haddaba gunaanadkii waxa weeye Uuraddii lix bilood ka hor wakhtiga liisanku ka dhacayo ayaa la furayaa Diiwaan gelintoodii sida ku cad go’aanka maxkamadda ee maanta. Haddaba Maxkamaddu kamay hadal ma ta madaxtooyadda ayaa ka soo hor maraysa iyo in kale. Waxaynu go’aankan ku ognahay oo keliya in Ururaddii la furayo May ama June sanadkan 2022 ka dibna Gudidda Doorashooyinka qaranka iyagoo raacaya dastuurka ayaa maadaama aanay doorashooyinkan isa saran aanay xiligooddii ku qaban Karin waxay u qorayaan waraaq Guurtidda oo ka soo talo bixin doonta. Sida caadadda u ahayd Somaliland ee madaxweynayaashii ka horeeyeyba loogu kordhiyey ayuunbay u muuqataa in madaxweynaha iyo Guurtidda loogu kordhin doono, dalkana la gelin doono doorasho saddex Urur oo cusub oo noqon doona xisbiyo qaran. Guurtaddu waxa taasi u daliishan doontaa sida ku cad xeer 14 kaabistii 2021 lagu sameeyey looma kordhin karo xisbiyaada liisankoodii dhacay laakiin madaxweynaya iyo Guurtidaba dastuurka ayaa qiil u sameynaya in loo kordhiyo sidii hore u dhacdayba. Sida dadku saadalinayaan waxaa dhici karta in 3 da xisbi ama 2 ka mid ah kuwa hadda jiraaba aanay soo noqon doonin iyagoo xisbiyo qaran ah, maadama imika cidda loo codaynayaa ay noqonayso Shakhsiyaadka Ururka ugu sareeya hogaamintoodda oo ay u dhiganto in madaxweyne la dooranayo oo kale. Ururadda ciyaartoy khatara safka hore ay ugu jiraan waa kuwa ku soo bixi kara inay noqdaa xisbi qaran.

Wa Bilaahi Tawfiiq 
Cabdicasiis Bashiir Nuur (Cabdicasiis Koronto)
Xogreebnews.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured