Xoghayaha Madaxtooyada Jamhuuriyada Jabuuti oo Hadhimo-sharafeed Ku Maamusay Waftiga Maayirka Hargeysa Iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti..

0
Thursday January 06, 2022 - 23:59:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 404
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Madaxtooyada Jamhuuriyada Jabuuti oo Hadhimo-sharafeed Ku Maamusay Waftiga Maayirka Hargeysa Iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti..

    Xoghayaha Madaxtooyada Jamhuuriyada Jabuuti oo Hadhimo-sharafeed Ku Maamusay Waftiga Maayirka Hargeysa Iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Madaxtooyada Jamhuuriyada Jabuuti oo Hadhimo-sharafeed Ku Maamusay Waftiga Maayirka Hargeysa Iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti..
Jabuuti(Xogreeb.com)-Xoghayaha guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyada Jabuuti Md. Almis Mohamed Cabdilahi, ayaa Shalay qado-sharaf ku Maamusay Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed iyo Maayirka Caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa Md. Cabdikariin Axmed Mooge oo ay weheliyaan Xildhibaano kamid ah Golaha deegaanka degmada Hargeysa. 
Qado-sharafta, ayaa kulmisay haldoor qiimo badan oo kasoo kala jeeda labada qaran ee walalaaha ah Jabuuti iyo Somaliland. kuwasoo ku kulmay hadhimo-sharafeedka uu Maayirka Caasimada Cabdikariin Axmed Mooge iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed ku Maamusay Xoghayaha guud ee Madaxtooyada Jabuuti Md. Almis Maxamed Cabdilahi. 
Si kastaba ha ahaatee Maayirka Caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa Md. Cabdikariin Axmed Mooge oo ay Wehelinayaan Xildhibaano, ayaa maalmihii u Dambeeyey safar shaqo ku joogay dalka Jamhuuriyada Jabuuti, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey dalka Jabuuti, waxana si is-daba joog ah loogu samaynaayey Maayirka iyo waftigiisa hadhimo-sharafeedyo kala duwan. iyadoo uu Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed si weyn uga qaybtay agaasimka soo dhoweynta iyo maamuska sare ee Lagu qaabilay waftiga Maayirka Caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeysa Md Cabdikariin. 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured