Warraaq Furran) Oo Ku Socota Wasaarada Arimaha Gudaha " Dareenka Baaqa Ah Ee Ka Soo Baxaya Tog-wajaalle:-

0
Saturday December 18, 2021 - 23:19:45 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 378
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warraaq Furran) Oo Ku Socota Wasaarada Arimaha Gudaha " Dareenka Baaqa Ah Ee Ka Soo Baxaya Tog-wajaalle:-

    MAXAAN ARIN DAWLIS DHAW MA DIIDO LA SOO QOR-QOREY KU DAABACAN BAAL MADAW KU DAAWADEY MEEL MADAW WAXAAN DULLUC SII RIDNEYN INDHUHU KU DARAAN-DAREEN. M.IW.Hadraawi maansadii:- Daba-huwan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MAXAAN ARIN DAWLIS DHAW MA DIIDO LA SOO QOR-QOREY KU DAABACAN BAAL MADAW KU DAAWADEY MEEL MADAW WAXAAN DULLUC SII RIDNEYN INDHUHU KU DARAAN-DAREEN. M.IW.Hadraawi maansadii:- Daba-huwan.
Magaallada   tog-wajaalle   waa   magaallo  xudun  u  ah  ganacsiga  geeska-afrika,  Waa  meel  muhiim  u  ah  qarranka  iyo  ummadda  JSL-ba,  Meellahan  oo  kale  waxa  ay  muddan  yihiin  naqshad  ahaan   iyo  hagaajin  ahaanba   billic  weyn  oo  u  qalanta,  Waayo  waa  muraayad  wadanka  qayb  muhiim  ah  laga  soo  gallayo,  Markaa  waxay   tabaysaa    dadkeedii  iyo  garashadii  xaga  maamullka  iyo  masuulliyada  magaallada   waayo  waxa  ka  muuqda  dayac  badan  iyo  dayaw  ballaadhan  oo  dacal  kasta   uga  dhacay.
Hadaba  waxa  aan   dhambaal  u  diraynaa  Wasaarada  daakhilliga  ee  yadu  maan-dheydka  u  leh  degmooyinka   in  magaallada  loo  soo  magacaabo  dad  wax  badan  fahansan,  Oo  garanaya  iney  meeshani  tahay  xudun  iyo  muraayad    waddanka  laga  soo  gallo  oo  u  baahan  in  billic  ahaan  la  dhiso  lana  ixtiraamo  ummaddaha  kala  duwan  ee  adeega  u  imanaya,  Lana  soo  dhaweeyo  adeega  intii  dawladnimo  loogu  daro  sida  jided  qurxoon,  barxado  lagu  nasto  iyo  barrandayaal   allaabaha  la  dhigto,  Sidoo  kale  dad  fahansan  ujeedada  shaqadiisu  iney  tahay   nadiifin  iyo  qashin  xaaqis  ee  aanu  aheyn  masuul  siyaasiya.
Shalley  ayaan   safar  ku   gaadhey   magaalladii  oo  bac  iyo  kartoon  meel  laga   maro  aaney  jirin,  Waana  ayaan  darro  weyn  in  maamulka  garanaya   sida  dhulka  loo  iibiyo  ay  tahli  kari  waayeen   xashiish  ururrinta,  Waxa  yadna   xusid  mudan  maqaamka  magaallo-nimo  ee  wajaalle  oo  hoos  u  sii  dhacay   taasi  oo  ay  sabab  u  tahay  curdin-nimada  iyo  caga-baradka  maamulkeeda,  Sida  fahan  la'aanta  shaqadooda,  Fahan  la'aan  xaga  Deegaan-siyaasadeed  oo  udub-dhexaad  u  ah   sal-dhiga   wada  noollaashaha  bulsho,  Fahan  la'aan   masuulliyadeed   dhinaca  maamullida   degmo-xuduudeed  waayo  waxay  lee  dahay  dhisid  saaxiib-tinimo  iyo  jaar-wanaag   wadanka  dhaxal u  noqda,  Tusaale  nool  waxa u  ah    magaallada  Tog-wajaalle  qaybteeda   Itoobiya   sida  ay  tahay  tayo  ahaan  iyo  tamar  ahaanba   iyo  waliba  marrinada   ay  wax  ku  maarreeyaan,  Waa  marag   morran  ma  doon  ah.
Mar kaa   bulshadan   xoogsata   ah  ee  ganacsiga  u  ban-baxdey   ee  xataa  cabashada  iyo  xafiis  tagista  aan  halleelayn  yaan  laga  xanjarafeyn  magaallada   oo  dhambaalkan  waa  iney  dhuggataa  Wasaarada Daakhilligu,  Si  arinta  wax  looga  qabto. Tusaalle  ahaan  bartaa aan  taagan  nahay   waa  dhismihii  cusbaa  ee  bangiga  waxa  hor  tubbanina  waa  xashiish  waliba  intii  ugu  fayoobayd  ayaan  idiin  muujiyey,  Markaa  fadlan  ha  la  tix-galiyo  magaallada  iyo  ganacsigeeda  oo  ha  loo  igmado  dad  ku  qalabaysan  nidaamka  dawllad-nimada  san  iyo  dawga  horumarka  kuwaasi  oo  ah  aqoon-yahan   meesha  ka  dhiga  " Institution",  Shaqaynaya.
Ugu  danbayntii  waxa  aan  kaga  baxayaa   dawladnimadu  waxay  u  baahan  tahay  dhisid  iyo  quweyn   sida  magaallooyinka  kale  ee  dalka  oo  ay  Gabiley  tusaalle  u  tahay,  Markaa  wasaaradu  ha  ixtiraanto  ummadda   ganacsanaysa  iyo  kuwa  ay  adeegga  siinayaan  ee  wadanka  jaarka  ka  imanaya,  Oo  magaalladan  ha  u  soo  igmadaan  dad  u  qalma  oo  ummaddaasi  u  adeega   oo  aan  noqon  kuwa  dhul  ku  mashquulla  balse  ku  mashquulla  magaallada  bilicdeeda  iyo  ballaadhinteeda,  Geesta  kale  ummadda    odeyaal  u  noqda oo  isku  haya  oo  aan  kala  hayn,  Waxna  u  duubban  yihiin  oon  dawlladnimada  anbad  ka  aheyn,  Fadllan  baaqan  iyo  bayaanka  Wasaaradu  ha  ixtiraanto   walliba  waxa  ka  dhiman  oon  ka  xishoonay  arimo  aan  qorraal  munaasib  ku  aheyn  oo  dawllad-nimadeena  wiiqaya.
WA  BILLAAHI.
Fiirro  gaar ah :-  Waa  Darreen  Bulsho  Oon  Cabiray  Yagu  Aaney  Soo  Gudbin  Kareyn.


Qore:   Cabdiraxmaan    Sayid   Faarax   ( Jeesto)

Diplomatic  Annalysis 

Gabiley/Somaliland.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured