Shil Gaadhi Oo Sababay Khasaaraha Geeridda Labba Qof Oo Hadda Ka Dhacay Dooxa Arabsiyo...

0
Saturday December 18, 2021 - 00:07:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 293
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shil Gaadhi Oo Sababay Khasaaraha Geeridda Labba Qof Oo Hadda Ka Dhacay Dooxa Arabsiyo...

    Shil Gaadhi Oo Sababay Khasaaraha Geeridda Labba Qof Oo Hadda Ka Dhacay Dooxa Arabsiyo...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shil Gaadhi Oo Sababay Khasaaraha Geeridda Labba Qof Oo Hadda Ka Dhacay Dooxa Arabsiyo...
Arabsiyo (xogreeb.com)- Alle Ha U Naxariistee Laba Qof, Ayaa Ku Geeriyooday Shil baabuur oo hadda ka dhacay Dooxa Arabsiyo. Kadib Markii Sidda ay Sheegayaan Wararka Naga Soo Gaadhaya Degmadda Arabsiyo Ee Gobolka Gabiley Uu Gaadhini Qalibmay Ama Is-rogay, Kaasoo Sababay Dhimashadda Laba Qof Oo Saarnaa gaadhigan.
Gaadhigan shilka galay oo ah nooca loo yaqaano Dukhaan {Vitz}, Ayaa Sidda Sawirkiisa ka muuqata, Waxa burbur Xoog Lehi Kasoo Gaadhay Shilka. Iyaddoo Uu Sababay Geeridda Labba Qof.


Warku Wuxuu Intaa Ku darayaa ma cadda Sababta Dhabta Ah Ee Keentay Shilkan. Balse Ciidanka Nabad-galiyadda Waddooyinka Ee Degmadda Arabsiyo Ayaa Baadhista Ku Wadda Wixii Sababay Shilka gaadhigan. Alle Ha U Naxariisto Labadda Marxuum Ee Ku Geeriyooday Shilkan Oo Ahaa Laba Wiil Oo Dhalinyaro ah, Ayaa Maydkoodda La Geeyey Cisbitaalka Guud Ee Degmadda Gabiley.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured