"Yaan la Siyaasadeyn Xuquuqda Siyaasadeed ee Muwaadiniinta ee ah Furashada Ururada Siyaasadda". Mohamed Abdi Jama Gud; Ururka Dadweynaha Somaliland ( SPP )

0
Monday December 13, 2021 - 02:28:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 473
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Yaan la Siyaasadeyn Xuquuqda Siyaasadeed ee Muwaadiniinta ee ah Furashada Ururada Siyaasadda". Mohamed Abdi Jama Gud; Ururka Dadweynaha Somaliland ( SPP )

    "Yaan la Siyaasadeyn Xuquuqda Siyaasadeed ee Muwaadiniinta ee ah Furashada Ururada Siyaasadda". Mohamed Abdi Jama Gud; Ururka Dadweynaha Somaliland ( SPP )

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Yaan la Siyaasadeyn Xuquuqda Siyaasadeed ee Muwaadiniinta ee ah Furashada Ururada Siyaasadda". Mohamed Abdi Jama Gud; Ururka Dadweynaha Somaliland ( SPP )
"Bismilahi Raxmani Raxiim
Alle ayaa mahad leh , Nebi Muxamed scw ayaa sharaf leh.
Waxa aan bogaadinayaa go'aanka xukuumadu ka qaadatay Xeer lr-14/2021 oo ay garawsadeen in uu dhaqangal yahay xeerkaasi waanan ku amaanayaa in ay isa saxeen hadii ay markii hore xeerka si qaldan u soo celiyeen.
Waxa aanu diyaar u nahay in aanu ku dhawaaqno ururka dadweynaha Somaliland oo mudo dheer aanu hawshiisa soo wadnay waxaana aanu u soo jeedinaynaa in shacabka jamhuuriyada Somaliland ay taageeraan aragtida cusub iyo ururka cusub.
Sida uu dhigayo dastuurka dalka jamhuuriyada Somaliland qodobkiisa 23naad waxa muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland xaq u leeyihiin in ay furtaan ururo siyaasadeed,  waxaana si cad usii sharaxay xeer lr-14 oo ah xeerka ururada iyo axsaabta jamhuuriyada Somaliland. 
Cidkasta oo ka hor timaadaa waa cid dastuurka  dalka ka hor timid , waxa kaliya ee wax la iska weydiin karaa hawlaha farsamo iyo qaabka loo galayo tartanka hawshaasina waxa ay u taalaa gudiga diwaangalinta ururada iyo axsaabta siyaasada oo laga sugayo madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland in uu soo magacaabo.
Waxa intaasi soo raacaa waa goorta la qabanayo oo uu sharcigu sheegay iyo goorta la isa sii abaabulayo oo ah 6 bilood ka hor xiliga ay dhacayso doorashadu oo aan iyagana mad-madaw ku jirin .
Qaranka jamhuuriyada Somaliland waa uu suuragalin karaa doorashooyinka mudeysan 2022 oo ah sadex doorasho , awoodna waynu u leenahay,  markaa yaan la siyaasadeyn xuquuqda siyaasadeed ee muwaadiniinta jamhuuriyada somaliland. 
Somaliland guul midnimo iyo wadajir ayaan u rajeynayaa. 
Mohamed Dhimbiil 
Mohamed Abdi Jama
Gud; Ururka Dadweynaha Somaliland ( SPP )



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured