Madaxwaynaha Jsl Oo Kulan La Yeeshay Madax-dhaqameed Iyo Waxgarad Kasoo Jeeda Beesha Habar Yoonis Iyo Xogaha Laga Helayo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen!.

0
Thursday December 09, 2021 - 23:48:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 299
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Jsl Oo Kulan La Yeeshay Madax-dhaqameed Iyo Waxgarad Kasoo Jeeda Beesha Habar Yoonis Iyo Xogaha Laga Helayo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen!.

    Madaxwaynaha Jsl Oo Kulan La Yeeshay Madax-dhaqameed Iyo Waxgarad Kasoo Jeeda Beesha Habar Yoonis Iyo Xogaha Laga Helayo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen!.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxwaynaha Jsl Oo Kulan La Yeeshay Madax-dhaqameed Iyo Waxgarad Kasoo Jeeda Beesha Habar Yoonis Iyo Xogaha Laga Helayo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen!.
HARGAYSA(Xogreeb)-Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa maanta galinki danbe kulan kula yeeshay Qaarkamid ah Madaxdhaqameedka Iyo Waxgaradka Kasoo Jeeda Beelaha habar yoonis ee dega Qaybo Kamid ah  gobolada Togdheer, Maroodi Jeex iyo Sanaag kaasi oo ay ku weheliyeen kulankan wasiiro iyo siyaasiyiin ay madax dhaqanka isku deegaan Yihiin
Kulanka madaxwayne biixi la qaatay madaxdhaqameedkan ayaa mid ah ay warbaahintu dibad joog ka ahayd  kaasi oo aan laga haynin xogta dhabta ah ee ujeedadankulan iyo qodoba rasmiga ah ee ay ka wada hadleen
Wararka laga helayo ujeedada kulan uu madaxwayne biixi la Qaatay madax-dhaqameedka beesha habar yoonis kaasi oo ay Agaasinkiisa gadhwadeen ka haayeen qaarkamid ah wasiirada kazoo jeeda beeshan iyo ganacsato ayaa la sheegay in ay wada hadleen sidii ay utaageeri lahaayeen xukuumada madaxwayne biixi, isku soo dhawaanshaha madaxwaynaha iyo madax-dhaqanka ee beeshan oo aan kulan danbe yeelaan arintii CoL care kadib.
Sidoo kale kulan ayaa daarnaa mid kaabayn Siyaasadeed ah kaasi oo ay awoodooda iyo saamaynta ay ku leeyihiin  ay ku muujinayeen wasiirada qaar iyadoo dhanka kale uu salka ku hayay kulankani sidii uu madaxwayne biixi taageero cod uga Heli lahaa beeshan doorashada soo socota ee madaxtooyada Oo ay ka hadhsan tahay hal sano oo kaliya. 
Dhanka kale Madax-dhaqameedkan iyo waxgaradkan ayaa madaxwaynaha usoo bandhigay tabashooyinka ay ka beelo ahaan ka qabaan saami qaybsiga xilalka qaranka iyo waxqabadka xukuumada ee deegaanada ay kazoo jeedaan.
Kulan ayaa la sheegay in uu kusoo dhaamaaday waji Isfahan iyo casuumad maalinta bari lagu wado in madaxwaynaha iyo wasiirada xukuumadiisu ku qaabilaan waxgaradkan oo qaarkood Ay ka yimaadeen gobollada dalka qaarkood.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured