Mar-la-arag: Gabay Uu Abwaan Guuleed Yuusuf Axmed Ugu Baroordiiqay Abwaan Nimcogabaydo IHUN!

0
Thursday December 09, 2021 - 01:39:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 295
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mar-la-arag: Gabay Uu Abwaan Guuleed Yuusuf Axmed Ugu Baroordiiqay Abwaan Nimcogabaydo IHUN!

    Mar-la-arag: Gabay Uu Abwaan Guuleed Yuusuf Axmed Ugu Baroordiiqay Abwaan Nimcogabaydo IHUN!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mar-la-arag: Gabay Uu Abwaan Guuleed Yuusuf Axmed Ugu Baroordiiqay Abwaan Nimcogabaydo IHUN!
Gabaygan gelbis-geeriyeedka ah waxa curiyay Abwaan Guuleed Yuusuf Axmed, waxaanu ugu baroor-diiqay Marxuumad Nimco Aadan Hurre (Nimco-gabaydo) Eebbe godka ha u nuuro’e. Waxa uu ku suntayaa kaalintii qof ahaaneed, tii suugaaneed iyo tii ummaddeed ee Nimco.
Gabayaaga oo astaynaya summadihii dadnimo ee Nimco-gabaydo, waxa uu yidhi: 
"Alle ha u naxariisto’e Marwo Nimco Aadan Hurre (Nimco-gabaydo) maadaama oo ay eddaday dhashay, oo aan shishe iyo soke ba u garanayo intii ay noolayd, ayaan sheekadeeda, shicirkeeda iyo shakhsiyaddeedaba si dhammaystiran uga wada bogtay. Suugaanteeda hodanka ah iyo hiraalkeedii indheergaradnimo waxa u dheeraa habdhaqan gobeed oo Alle u dhaliyay. Diin iyo dadnimoba qof kaamil ah bay ahayd.


Afar summadood oo u gaar ahaa ayaa ay xusuustayda kaga tagtay Alle ha u naxariisto’e. Kuwaas oo kala ah:
1. Waxay ahayd qof ay kal-baxsanaan, niyadsami, weji-furnaan iyo weedh debecsani isu raaceen
2. Waxay ahayd qof baarriyad ah, duco-maal ah oo waalidkeed dhega-nugayl iyo dhaqaalaynba ku deeqday. Ummaddana mid ay jaar ahaayeen iyo mid jiidh ugu yaal ba akhlaaq iyo ixtiraam ayay kula macaamili jirtay
3. Waxay ahayd qof sakhiyad ah oo deris iyo daciifba u xannaano badan hadbana waxa soo gala aan haysan’e hurta,
4. Waxay ahayd qof qaddarka Ilaahay ku kalsoon oo ku iimaan badan, carrabkeeduna mahad-naqa daaimo. Illaa sikinnadii u dambeeyay nolosheeda ereyga afkeedu qabatimay ee ay ku hadal daysay wuxuu ahaa alxamdulillaah.
Alle ha u naxariisto oo dembigeedana ha dhaafo marxuumad Nimco Aadan Hurre. Godkeedu waa janno galladdeeduna waa naxariis inshaa Allah”.
Waa kuwan sadarradii gabaygu:
Tixdu maakin bay leedahiyo, maam la beegsado’e. 
Qof mareeg-xidhkiisiyo Rabbigu, siiyay madihiisa. 
Oo ad maraqa goortuu ka furo, muxubbo raacayso. 
Iyo waxay mataanaynayaan, magac bilaashliiye. 
Dadki waxay maseeyeen xaqliyo, soo maroorsade’e. 

Meeqaamka laba aan sinnayn, laysu gee madale. 
Miisaanki wuu naga qaldamay, magane Booboowe 
Mudankii wax qiimayn jiraa, maqan Siciidowe 
Dhaaxaa siday tidhi marwadu, "maan rag aragteene. 
Maskax dumarna dhawr” waa odhaah, meel-galoo culuse. 
Nimco-gabaydo maaxday lahayd, way mug weyn tahaye. 
Waa madhax ka sii joogayoo, mahadho weeyaane 
Murtideedu ina Aadan waa, lagama maarmaane
Waa maayaddaan wada niqiin, sida mahiigaane 
Waa arartii wada miigganayd, muc iyo jaangoyne 
Waa tuducyadeedii mankiyo, muunadda lahaaye

Nimco waa martabadday lahayd, marag-furkeediiye. 
Haddii gabay macaan lagu ogaa, keedu waa malabe
Hadday boqorro maansadu lahayd, waa qofka u mudane 
Haddii macallin laga qaadan jiray, waa muftiga guude
Hadday tahay mabaadiida guud, waa muxaadaro’e 
Hadday qaran maslaxaddiisa tahay, waa mujaahidade
Waa maqanahaa shalay dhintee, jooga maantana’e 
Manhaj weeye gabaygeedu iyo, maaro nololeede.
Intay dunidu meegaaran tahay, waa midh baaqiya’e
Ma moogganine Soomaali waa, muqaddinkeediiye
Nimco-gabaydo way mootantoo, madhan halkeediiye 
Malkaday fadhiday uumiyuu, maqal dhammaantiiye 
Anna Maxamedoow  waxan ahaa, mahurtadeediiye 
Mar-la aragtan sida laytal khadar, nalagu maamuusay 
Xiddigtaa la mahadshee haddana, naga madoobaatay
Macdantaa la helay ee haddana, "midhiq” tidheen weyney.
Gaaridan mujtamaca anfacdee, mawd innaga qaaday.
Masnadii albaabbada jannada, Mawle haw furo’e
Malaa’iigtu haw gogol-dhigeen, goob munaasiba’e
Allahayoow macii Nebiga yeel, Maxamed jaarkiisa 

Aamiin.. Aamiin..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured