WAA MAXAY MUHIIMADA UU LEEYAHAY XEER LR.14/2021, MAXAY AHAYD SABABTII WAX LOOGA BADELAY , HALKUU HADDA MARAYAA?. Qalinkii Aqoonyahan Mohamed Dhimbiil.

0
Tuesday December 07, 2021 - 01:54:51 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 326
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA MAXAY MUHIIMADA UU LEEYAHAY XEER LR.14/2021, MAXAY AHAYD SABABTII WAX LOOGA BADELAY , HALKUU HADDA MARAYAA?. Qalinkii Aqoonyahan Mohamed Dhimbiil.

    WAA MAXAY MUHIIMADA UU LEEYAHAY XEER LR.14/2021, MAXAY AHAYD SABABTII WAX LOOGA BADELAY , HALKUU HADDA MARAYAA?. Qalinkii Aqoonyahan Mohamed Dhimbiil.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WAA MAXAY MUHIIMADA UU LEEYAHAY XEER LR.14/2021, MAXAY AHAYD SABABTII WAX LOOGA BADELAY , HALKUU HADDA MARAYAA?. Qalinkii Aqoonyahan Mohamed Dhimbiil.
Su'aalahani waa qaar u baahan in jawaabo ku filan loo helo , xili wax waliba taagan yihiin markii loo hawl gali lahaa oo ay mudo 5 bilood ahi ka hadhsan tahay goortii ururada siyaasada la diwaan galin lahaa ayaa aan la garanayn meel lagu tiiriyey xeer lr-14/2021 .
Xeerkani waxa la yidhaahdaa xeer lr.14/2021 waxaa la sameeyey sanadkii 2001 markii uu dalka jamhuuriyada Somaliland yeeshay dastuur qeexaya nidaamka siyaasadeed ee dalka jamhuuriyada Somaliland sida ku cad qodobka 9aad ee dastuurka. 
Waxaa xeerkani wax laga badelay dhawr goor oo hore oo laga faaiideystay khaladaadkii ka soo baxay markii lagu shaqeeyey iyo waxii uu kaabis iyo wax ka badel u baahnaa in lagu daro .
Wax ka badelkii Xeer lr.14/2021 ee ugu dambeeyay waxa keenay markii la damcay in doorashooyinka mudo dhaafay ee dalka la qabto sida doorashadii wakiilada ee xikigeedii dhaaftay 11 sanadood iyo doorashadii deegaanka oo 4 sanadood mudo xileedkoogii dhaafay la Isla qaatey in mar lawada qabto isaga oo xiligii axsaabta siyaasaduna gabaabsi yahay oo ay ahayd in ururada lagu furo doorashada golaha deegaanka ayaa la Isla qaatey in xeerarkii doorashooyinka la isku ururiyo oo wax laga badelo.
Xeerarkii doorashooyinka waxa la isaga dhigay hal xeer oo la yidhaahdo xeer lr-91/2021 kaasi ayaana loo raacayaa waxii doorashooyin ah , laakiin xeer lr-14/2021 waxa la yidhaahdaa xeerka nidaamka ururada iyo axsaabta siyaasada waxaana uu nuxurkiisu yahay kala saarista , mudada , habraaca , unkida gudidii diwaangalinta , qaab dhismeedka iwm .
Haddaba xeerkani sida ku cad qodobkiisa 6aad waxa ay ahayd marka uu madaxweynuhu saxeexo in uu soo xulo 7 xubnood oo gudida diwaangalinta , anshaxmarinta ururada siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka, gudidan oo golaha wakiilada la horgeyn lahaa oo waliba ahayd in lagu ansixiyo cod aqlabiyad ah ( absolute majority) 41 + 1 ( kala badh golaha iyo hal mudane ) , gudidaasi oo mudo xileedkeedu yahay 5 sanadood xeerkan ayey ku xidhan tahay , waana cida hawsha ururada iyo axsaabta qaban lahayd.
Qodobka 31naad ee xeerkani waxa uu leeyahay xeerkani waxa uu dhaqan galayaa marka uu labada gole ee xeer dejinta ka gudbo madaxweynuhuna saxeexo , haddaba hadii xeerkii labadii gole ka gudbay oo aanu madaxweynihii saxeexin maxaa sharci ah sababtii doontaa ha jirto e ? 
Xeerkani xeer lr-14/2021 sidii hore shirgudoonku inoogu sheegay waxa uu madaxweynuhu ku soo celiyey shirgudoonka isaga oo ku sababeeyey in wakhtiga xeerkani iyo doorashooyinka Guurtida 31/05/2022 iyo Doorashada madaxweynaha 13/Nov/2021 ay isku murgayaan oo uu dhacayo ( elections timeline problems ) si la isku waafajiyona golaha wakiilada loogu soo celiyey,  iyaguna aanay Kuba darsan ajandihii kalfadhiga oo aanay xeerkani muhiimad siinin maxaa la yeelayaa ? 
Xeerkani waxa uu sidaa ;
1- Xeerkani waxa uu xambaarsan yahay macnaha iyo hanaanka doorasho iyo dimuqaradiyadi leedahay .
2- Xeerkani waxa uu sidaa xuquuqda siyaasadeed ee muwaadiniinta jamhuuriyada somaliland ee uu asteeyey Qodobka 23naad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland oo meel lagaga tagi karaa aanay jirin.
3- Xeerkani waxa uu sidaa sharcinimada nidaamka siyaasadeed ee dalku habka uu u dhigan yahay sida ku cad qodobka 9aad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland. 
Xeerka muhiimadan qaranka u leh hadii la isku tuur-tuuro waxaa soo socota in doorashaba dalka ka dhici waydo , sabab uu shirgudoonka wakiiladu ajandaha kalfadhiga uga reebaana may oolin ee hadii ay u arkeen in uu dhaqan gak yahay madaxweynaha ha ku celiyeen si uu u saxeexo oo gudidii loogu dhawaaqo , dabadeedna la isaga yimaado sida la isku waafajin doono doorashooyinka 2022 iyaga oo laga talogalinayo hayada doorashooyinka qaranka ( komishanka doorashooyinka).


Mohamed Abdi Jama 
Mohamed Dhimbiil


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured