Sheekadii Abaalka iyo Shaydaanka. Qalinkii Siyaasi Jamal Cali Xuseen

0
Tuesday November 23, 2021 - 01:17:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 320
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekadii Abaalka iyo Shaydaanka. Qalinkii Siyaasi Jamal Cali Xuseen

    Sheekadii Abaalka iyo Shaydaanka. Qalinkii Siyaasi Jamal Cali Xuseen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekadii Abaalka iyo Shaydaanka. Qalinkii Siyaasi Jamal Cali Xuseen
Nin weyn oo oday ah oo markaa ka yimi miyi ayaa imanaya meel wacyi uu sheekh ka akhriyaayey. Sheekhii baa markaa isaga oo wacdigii jeedinaya uu ka hadlayaa dhibaatada ay xantu leedahay, haddana mawduucii ku xigay ee uu Sheekhu ka hadlo ayaa noqonaysa "Sheydaanka”.  Ninkii odayga ahaa ee miyi ka yimi ayaa markaasi hadal la soo boodaya oo odhanaya; "Sheekhoow waadigii xanta ka hadlayee, maxaad imika u xamanaysaa Sheydaanka!” dadkii dhegeysanaayey ayaa wax qosla iyo wax yaaba noqday!.
Ninkii odayga ahaa ee reer miyiga ahaa ayaa ku noqday reerkiisii. Markii uu habeenkii seexday ayaa uu riyoonayaa. Wuxuu ku riyooday Sheydaankii oo intuu u yimid ku yidhi abaalkii aad ii gashay ee aad Sheekha iga difaacday maanta dartii adduunka ayaan kugu soo wareejinayaa ee waynu duulaynaaye dhabarkayga soo fuul. Haddaba isagoo dhabarkii Sheydaanka fuushan riyada dhexdeedii ayaa ay kaadi qabanaysaa. Sheydaankii baa ku odhanaya waxba ha is dhibine iskaga kaadi dhabarkayga illayn daadagi kari maynoo samadii baynu maraynaaye. Aroornimadii baa odaygii hurdadii laga kiciyey. Islaantiisii baa arkaysa gogoshii oo qoyan. Markaasay ku odhanaysaa; "Ee maxaa ka qoyan gogosha!”! Odaygii baa xasuustay inuu riyooday oo gogoshii ku sii daayey kaadi. Markaasuu isagoo yaabban odhanayaa; " Iska daa waa sheydaan iyo abaalkiiye!!!!” 
Source: Buugga Diiwaanka Qosolka - daabacaadda Labaad (2nd edition)


Xigasho. Jamal Cali Xuseen


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured