Maxaa Keenay In Xukuumadu Hadhimo Sharafeedkii Ay Usamaysay Ugaaska Beesha Ciise Ku Magacowdo S, Maxamed Case Iyo Xogaha Laga Helayo Duulaan Ka Dhan Ah Suldaanka Beesha Subeer Awal?.

0
Monday October 25, 2021 - 01:27:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 346
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Keenay In Xukuumadu Hadhimo Sharafeedkii Ay Usamaysay Ugaaska Beesha Ciise Ku Magacowdo S, Maxamed Case Iyo Xogaha Laga Helayo Duulaan Ka Dhan Ah Suldaanka Beesha Subeer Awal?.

    Maxaa Keenay In Xukuumadu Hadhimo Sharafeedkii Ay Usamaysay Ugaaska Beesha Ciise Ku Magacowdo S, Maxamed Case Iyo Xogaha Laga Helayo Duulaan Ka Dhan Ah Suldaanka Beesha Subeer Awal?.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Keenay In Xukuumadu Hadhimo Sharafeedkii Ay Usamaysay Ugaaska Beesha Ciise Ku Magacowdo S, Maxamed Case Iyo Xogaha Laga Helayo Duulaan Ka Dhan Ah Suldaanka Beesha Subeer Awal?.
Hargeysa(Xogreeb)-Wasiiro Katirsan Xukuumada Somaliland Oo Ay Weheliyaan Maamulka Gobolka Gabiley Iyo Qaarkamid ah Madax-dhaqameedka somaliland ayaa maalintii jimcihii Magaalo Xuduudeedka Wajaale kusoo dhaweeyay Ugaaska Guud ee Beesha Ciise Oo kasoo Kicitimay Dalka Itoobiya.
Marti Qaadka ugaaska iyo Abaabulka soo dhawayntiisa ayaa Waxaa Lahayd Xukuumada Madaxwayne Biixi Taasi Oo Udirtay Soo dhawaynta Ugaaska xubno katirsan golihiisa wasiirada Kuwaasi oo Kaga Hortagay wajaale Una soo galbiyay dhinaca Caasimada Hargaysa.
Sidoo kale Wasiirada Xukuumada ka socday ayaa ugaaska iyo Waftigii la socday Hadhimo sharafeed ugu sameeyay Huteelka Grand Hadi Ee magaalada hargaysa taasi oo ay kazoo Qaybgaleen madaxdhaqameedkii ugaaska kusoo dhaweeyay Magaalada wajaale.
Hadaba Casuumada Qado sharafta Ahayd ee loo sameeyay Ugaas Mustafe Iyo xubnihii la socday ayaa markaliya Yeelatay Waji kale kadib markii casuumada la gudo galay goobta laga Laga sheegay In casuumada Ugaaska uu fidiyay suldaan Maxamed Case oo xiligii madaxwayne biixi ku jiray ololaha Madawaynenimo Ee doorashadii 2017 ay Suldaanimadiisa Cumaamadeen xubno kamid ah gudidii u ololaynaysay Madaxwayne Biixi ee jufadiisa Hoose, Iyadoo oo lagu Burburinayay Saldanada subeer awal ee uu xilkeeda Hada Hayo Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan Oo Maxamed Case ay yihiin Ilma Adeer Taasi oo xiligaa abuurtay Khilaaf xoogle oo soo kala dhexgalay Madaxwayne Biixi iyo Suldaan Xasan Islamarkaan ahayd duulaan cad oo si badheedha loogu qaaday saldanada guunka ah ee beesha subeer awal, Midiyaha layskugu dhiibay laba nin oo ilma adeer ah,
Dhanka kale Casuumada loo sameeyay ugaaska guud ee beesha Ciise ayaa waxa iyagu fadhiyay Goobta salaadiyiin katirsan beesha subeer awal amaba Sacad Muuse Oo Uu Hormuud ahaa Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan ,Ugaas Cabdilaahi Xawaareeye, Iyo Ugaas Jabane 
Waxyaabaha Iswaydiinta mudan ee ka dhashay hadhimo Sharafeedka xukuumadu usamaysay ugaaska ee hadana lagu Magacaabay Suldaankii Uu muuse biixi Usamaysay burburinta Saldanada subeer awal Ee suldaan xasan suldaan cabdilaahi Ku Jihaysnayd ayaa waxa ay bulshadu iswaydiinaysaa maxaa Keenay,ujeedo nooca ah ayay xukuumadu ka leedahay in ay ku Kacdo falkan?  hadii ay xukuumadu doonayso in cid kale  lagu Maamuuso casuumada sobobta salaadiyiinta kale ee goobta Joogay loogu magacaabi waayay ee xubnaha madaxwaynuhu Usaaray soo dhawaynta ugaasku Ay sida gaarka ah uxusheen Suldaankii khilaafka Abuuray? maxaase keenay in madaxwayne Biixi wakhti xaadirkan dagaal kusoo qaado suldaan xasan Suldaan cabdilaahi oo isagu safar caafimaad ku joogay Magaalada diri dhaba Ee dalka Itoobiya, iyadoo aanu jirin wax Khilaaf ah oo xiligan udhexeeya madaxwaynaha iyo suldaan Xasan iyo dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo lidku ah Madaxwayne biixi oo uu hada wado suldaanku midna? Talaabadan ay ku kaceen masuuliyiinta uu madaxwaynuhu Uxushay soo dhawaynta Ugaaska beesha ciise ayaa noqotay Mid Amakaag iyo fajac ku abuurTay shacabka Somaliland gaar Ahaan beesha subeer awal, taasi oo dhanka kale banaanka Keentay dagaal madaxwayne biixi markale kusoo qaaday suldaan xasan suldaan cabdilaahi suldaan cabdiraxmnaa oo hore bulshada Markhaati uga ahayd wixii soo kala dhex maray Wakhtigii uu ku jiray Tartanka doorashada, wallow la dhameeyay oo suldaan xasana qayb ka noqday guushii uu kursiga ku fuulay,  iyadoo tiraba dhowr jeer laga heshiiyay ismarkaana uu balan qaaday in uu joojinayo ficilada Ka Dhanka ah saldanada subeer awal iyo suldaan uu isaga cumaamatayba, Taasi oo marar badan keentay in qaarkamid ah qoyska reer suldaan isku dhacaan
Sikastaba ha ahaatee talaabada iyo wajiga ay masuuliyiinta xukuumada umaran baaabiyeen casuumadii ugaaska beesha ciise ayaa laga cabsi qabaa in ay abuurto dagaal markale ay isku waajahaan madaxwayne biixi iyo suldaanka beeshiisa oo hirdan Hoose ka dhexeeye, Taasi oo masuuliyadeeda ay qaadanayso Cida hada ficiladan bilowday. 
Waxaynu se ka warsugi doonaa talaabada uu kaga falceliyo Suldaanka Guud Ee Beesha Subeer Awal, Suldaan xasan oo Maalinta dalka dib ugu soo noqdo safar caafimaad Oo uu mudo Gaaban ugu maqnaa Dalka itoobiya kadib.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured