"Ciise Muuse Gob, Reer Caddaawe Gob" Xidhiidhi-yahay Qaaradda Yurub Iyo Laamaha Dibedda Ee Xisbiga WADDANI Mujaahid Cismaan Cumar Dool.

0
Thursday October 21, 2021 - 20:13:34 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 379
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ciise Muuse Gob, Reer Caddaawe Gob" Xidhiidhi-yahay Qaaradda Yurub Iyo Laamaha Dibedda Ee Xisbiga WADDANI Mujaahid Cismaan Cumar Dool.

    "Ciise Muuse Gob, Reer Caddaawe Gob" Xidhiidhi-yahay Qaaradda Yurub Iyo Laamaha Dibedda Ee Xisbiga WADDANI Mujaahid Cismaan Cumar Dool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ciise Muuse Gob, Reer Caddaawe Gob" Xidhiidhi-yahay Qaaradda Yurub Iyo Laamaha Dibedda Ee Xisbiga WADDANI Mujaahid Cismaan Cumar Dool.
Hargeysa (xogreeb.com)- Xidhiidhi-yaha Qaaradda Yurub Iyo Laamaha Dibedda Ee Xisbiga WADDANI Mujaahid Cismaan Cumar Dool, Ayaa Ka Hadlay dhex-dhexaadinta Lagu Heshiis-yey Guddoomiye Eng Faysal Cali Waraabe Iyo Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Guryeynta Cabdilaahi Abokor Cismaan.
Mujaahid Dool Oo Qoraalkan Uu Kaga Fal-celiyey Heshiiskan Lagu dhammeeyey xurguftii Siyaasaddeed Ee Dhexmartay Guddoomiye Faysal Cali Xuseen Iyo Wasiir Cabdilaahi Abokor Ku Qoray Bartiisa Facebook, Ayaa Sheegay Inuu Gardarradda Lahaa Ugu HoreynGuddoomiye ENG Faysal Cali Waraabe. Balse Uu dartiisa Iska qaribay Wasiir Cabdilaahi Abokor Markii Uu Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Si Aan Wanaagsanayn Saxaafadda Uga Weeraray. Isagoo u Mahadnaqay Odayaasha Beesha Reer CADDAAWE Oo Wasiir Cabdilaahi Abokor Ku sanduleeyey Inuu Faysal Cali Waraabe Raali galin Siiyo. Mujaahid Cismaan Cumar Dool Xidhiidhi-yaha Qaaradda Yurub Iyo Laamaha Dibedda Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI, Ayaa Qoraalkiisa Siddan Ku Yidhi:- "Gobta Reer Cadaawe. Waar maxaad iigu sheegi waydeen in uu Wasiirku Reer Cadaawe yahay.
Anigu waan necebahay ninka gardaran ee aan lahayn cid qabata.
Walaahi anigoo garta ka daacada hadaladii ay labadaa nin is waydaaradeen waxaa gardarada lahaa Ina Cali Waraabe lakiin Wasiir Cabdillahi Abakor afkiisa ayuu gardaradii kula wareegay oo wuxuu iska jabiyay sidii uu Faysal Cali Waraabe garadadiisa ugu dayn lahaa.
Nasiib wanaag  Cabdillahi wuxuu tolkii ka aqbalay in Faysal iyo isaga gacanta laysu saaro waa gob iyo caadkeed.
Lakiin waxaan hoosta ka xariiqaya in hadii Faysal gardarada iyo gefka uu Cabdillahi u dayn lahaa in aanay jirteen cid Faysal tolkii ah oo gardarada ka qabataa?.
Ciise Muuse gob, Reer Cadaawe gob".



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured