Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi,Maayar Mooge Iyo Xildhibaan Barkhad Batuun Oo Ka Muquurtay Xaflad Lagu Marti Qaaday.

0
Monday October 18, 2021 - 02:47:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 309
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi,Maayar Mooge Iyo Xildhibaan Barkhad Batuun Oo Ka Muquurtay Xaflad Lagu Marti Qaaday.

    Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi,Maayar Mooge Iyo Xildhibaan Barkhad Batuun Oo Ka Muquurtay Xaflad Lagu Marti Qaaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi,Maayar Mooge Iyo Xildhibaan Barkhad Batuun Oo Ka Muquurtay Xaflad Lagu Marti Qaaday.

Hargeysa(Xogreeb.com)-Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo ay kamid yihiin Wasiirka Wasaaradda Wax-barashada Axmed Toorno,Wasiirka Maaliyadda Sacad Cali Shire iyo Maayarka Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge ayaa si wadda jir ah ugu muquurtay inay ka soo qayb-gallaan xaflad shalay ka qabsoontay Magaalada Hargeysa,taas oo uu soo qaban-qaabiyey ururka indhoolayaasha Somaliland.

Munaasabadan oo ahayd xuska maalinta wacyigelinta usha cad ee adduunka oo ka qabsoontay Huteel Maansoor,ayaa waxa haawanayey kuraastii loogu tallo-galay masuuliyiintaas lagu soo marti-qaaday,waxaanay qaban-qaabiyayaashii munaasabadu ay sheegeen inay masuuliyiintaas ay ballan-qaadeen inay imanayaa, balse ay ka muquurteen,taas oo ay ku tilmaameen wax laga xumaado "Xafladdu si wanaagsan ayey noogu qabsoontay,waxa aanu uga mahadnaqaynaa dadka nagala soo qayb gallay xaflada, lakiin waxa runtii nasiib darro ah aad-na aanu uga xunahay haddii aanu nahay ururka indhoolayaasha ee SOOBO in masuuliyiin fara baddan oo wakhti baddani nagaga baxay oo annu soo casuunay oo ballan-qaaday inay imanayaa in aanay maanta noo iman,kuwaas oo uu kamid yahay Maayarka Caasimada Hargeysa iyo Wasiirka Wasaaradda wax-barashada iyo Xildhibaanno ilaal lix Xildhibaan oo aanu ku soo marti qaadnay cidi nooma ay iman,hal masuul nooma iman,taas oo aanu garan weynayn sababta."ayey sheegeen.


Waxa kale oo ay sheegeen in masuuliyiintaas oo ay mid mid ugu geeyeen kaadhadhkii marti qaadka ay ballan-qadeen inay imanayaa,waxaanay ka maq-naanshaha iyo ka muquurashada munasabadaas ee masuuliyiintaas ay ku noqotay wax ay ka xumaadaan,taas oo aad u damaqday "Haddii iskuul yar laga qalin jabin lahaa waa la soo buuxin lahaa,lakiin annaga ciddi nooma iman, masuuliyiintii aanu casuunayna,wey noo jareen."

Si kastaba ha-ahaatee Masuuliyiintan ka tirsan Xukuumadda iyo Maayarka Hargeysa iyo Xildhibaannadanku wacad furay ayaan ilaa hadda ka haddal sababta ay uga maqnadeen xafladan qiimaha lahayd ee lagu martiqaaday,maddaama oo ay tixgelin gaar ah in la siiyo ay muddan yihiin dadka baahiyaha gaarka ah qabbaa.
Diyaariye Weriye Cabdisaxafi



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured