WAX KA BARO BISHA RAMADAAN W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI (WIRDAANI

0
Sunday July 28, 2013 - 20:00:42 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAX KA BARO BISHA RAMADAAN W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI (WIRDAANI

    W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI (WIRDAANI) QORMADII 19AAD

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI (WIRDAANI) QORMADII 19AAD Inuu yahay daahir, kana madhanyahay jinaabadii, qofkii dumarka ahaana ka madhantahay labadii dhiigba
19. XIDHIIDHKA KA DHAXEEYA QURAANKA IYO BISHA RAMAAN.
Waa qormooyinkeeni taxanaha ahaa ee WAX KA BARO BISHA RAMADAAN iyo qormadeeni sagaal iyo tobnaad oo aynu kaga hadli doono xidhiidhka ka dhaxeeya quraanka kariimka ah iyo bisha barakaysan ee
ramadaan.
qormadeenan maantu waxay daba socotaa qormadii shalay ee aynu kaga sheekaynaynay bisha ramadaan iyo kitaabka Eebe koreeye xidhiidhka ka dhaxeeya, anoo kasii anbaqaadi doona halkay shalay inoo taagnayd, hadii aynu shalay cilaaqada ka dhaxaysa garanay, maanta kaga hadli doonta aqoon kororsigeenan Eedaabta looga baahanyahay qofka akhrinaya kitaabka Rabi (swt), sababtoo ah inagoo ku guda jirna bil barakaysan dadkuna aad quraanka u khriyaan, markaa wixii ka khaldan u saxno.

EEDAABTA QURAANKA.
1. Inuu yahay daahir, kana madhanyahay jinaabadii, qofkii dumarka ahaana ka madhantahay labadii dhiigba, sidoo kalana aanu ku akhrin goob iyadana aan ahay daahir.
2. qofka akrinaya kitaabka Ilaahay waa inuu la yimaad ikhlaas iyo inuu niyada galiyo inuu camalkan iyo akhriskan dar Ilaahay u qabanayo.
3. makuu bilaabayo akhriska quraanka waa inuu u jeedsadaa dhinaca qibaladu ka xigto.

4. markuu akhrinayo kitaabka Ilaahay waa inuu soo xaadiriyaa qalbigiisa oo aanu ku mashquulin wax kale, si uu u wayneeyo kitaabka Alle.

5. markaad akhrinayso quraanka Rabi waa inaad la timaad (tadabur) ama ufiir-fiirsataa macanha ayaadaha ilaahay, si aanad u noqon kuwuu Eebe quraankiisa ku yidhi ´´ miyaanay ku tadaburayn quraanka mise waxa xidhmay quluubtoodii´´, quraanka boobsii hakaga dhigin dul istaag ayaad kasta, fahana macanaha ay leedahay.

6. waxa haboon inaad quraanka ku akhrido goob ka fog qaylo iyo dhibaato, waana inaad ku akhrido quraanka cod dhexdhexaada.

7. ma banaana inaad u kala jarjarto quraanka akhriskiisa hawlo aduunyo, sida daawashada muuqbaahiye, ama dhagaysiga idaacad, iyo wixii la mida,

8. waxa haboon in qofku markuu akhriyayo kitaabka Rabi inuu ilaahay baryo, haduu soo maro ayaad jano ka waramaysa, Eebe waydiisto jano, dhinaca kalana haduu soo maro ayaad ka waramaysa naarta inuu Rabi ka magan galo, sidaas oo kalana sameeyo ayaadaha kale.

9. waxa fiican inuu qofku barto habka loo akhrinayo quraanka (Tajwiidka) waxa lo yaqaan, inuu barto ayaa aad u mihiima, waayo waxay kaa caawinaysaa barashada (Tajwiidku) inaad si qurux badan u akhrido quraanka oo maqalku ku raaxaysto.
10. waxa waajiba in qofku awaamir Eebe farayo iyo wuxuu ka reebayo ee ku sugan aayd kitaabka Alle ee uu akhriyo inuu sidooda u qaato.
hadaba inagoo shalay ka hadalnay quraanka iyo xidhiidhka uu la leeyahay bisha ramadaan, maantana daba dhignay eedaabta looga baahnyahay qofka akhrinaya kitaabka ilaahay, sababtaan u qorayna tahay iyadoo lagu guda jiro bishii barakaysnayd ee ramadaan, dadkuna aad u kahriyaan quraanka, ayaan jeclaystay inaan soo bandhigo eedaabta laga rabo qofka akhrinaya kitaabka Alle, si qofku iskaga saxo wxii ka khaladan, waxaana u malaynayaa inaynu maanta baranay inbadan oo inaga maqnayd, Eebe waxaan ka baryayaa inuu inaga yeelo kuwii ku camal fala insha allah, intaana waxaan ku soo af meerayaa qormadeenii sagaal iyo tobnaad, intaan aqoon kororsi kan xiga isku imanayno waxaan idinku dhaafayaa, SALAAMU CALAYKU WARAX MATULAAHI WABARAAKUH.
wirdaani@hotmail.com
Alpha University
Hargaysa Somaliland
LA SOCO...............



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured