"Somalida Ethopia Waxay Hada Dantoodu Ku Jirtaa inay gacan Siiyaan Tegreega, oo ay Qalqaalsadaan sidii ay u noqon lahaayeen Dawlad Madaxbanaan". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.

0
Monday October 18, 2021 - 01:49:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 318
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Somalida Ethopia Waxay Hada Dantoodu Ku Jirtaa inay gacan Siiyaan Tegreega, oo ay Qalqaalsadaan sidii ay u noqon lahaayeen Dawlad Madaxbanaan". Siyaasi Kayd Cabdilahi Xandule.

    "OLNF naf hurkii ay sameeyeen waxba laguma hayo laakiin xukunkii xumaa ee Cabdi Ilay waxaa laga hayaa ismaamul somaliyeed...fursad ay Somalidu garan waayeen, Marka ay Amxaaro ciidanka u dirayeen Maxaa dan ugu jiray".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"OLNF naf hurkii ay sameeyeen waxba laguma hayo laakiin xukunkii xumaa ee Cabdi Ilay waxaa laga hayaa ismaamul somaliyeed...fursad ay Somalidu garan waayeen, Marka ay Amxaaro ciidanka u dirayeen Maxaa dan ugu jiray".
Hargeysa(Xogreeb)-"Keebaa dan u ah guusha Aby &  Guusha tegree, dawlad deegaanka Somalida waqti- xaadirkan?, waxaan la dafiri karin waayadii Xukunkii tegree ee Ethopia isagoo waayadiisa watay marka la eego jeel ogaadeen iyo wixii ka dhacay, haddana waqti aad u dheer oo xukumo amxaari ahaa talinayeen gumaysi aan kala go, lahayni dhulka Somalida Ethopia ka jiray, waayadii tegreega waxaa u suurtogashay Somalida fursad aad u qaali ah, taasoo ahayd inay noqdaan ismaamul federal oo dagaal naf hur ah lagu gaadhi waayey , marka si dhaba loo eego OLNF naf hurkii ay sameeyeen waxba laguma hayo laakiin xukunkii xumaa ee  Cabdi Ilay waxaa laga hayaa ismaamul somaliyeed oo dalkiisa iyo dadkiisuba cad yihiin. 
Anigoo taas ka duulaya, fursadii labaad ee ay somalida Ethopia ka heli lahayd Guusha tegreega waxay noqon lahayd iminka oo tegree guulaystaan, waayo? Tegree Maanta waxay u socdaan inay noqdaan dawlad madax banaan, haddii ay somalidu gacan siin.lahaayeen sidii Erateria oo kale ayey siin lahaayeen madax banaanidooda, waxaanan qabaa inay tahay fursad ay Somalidu garan waayeen, Marka ay Amxaaro ciidanka u dirayeen Maxaa dan ugu jiray, wixii dhintay mooyee wixii kale waa tii iyagoo bahdilan debeda loo soo tuuraye, dhulkii somalidana intii ay maqnaayeen Amxaaro iyo Canfari qabsadeene.
Kolkay sidaa tahay, waxay ahayd oo dantoodu ku jirtaa  Somalida Ethopia inay hadda gacan siiyaan tegreega, oo ay qalqaalsadaan sidii ay u noqon lahaayeen dawlad madax banaan,  Somaliland iyo Somalida Ethopia dantoodu waxay ku jirtaa Guusha tegreega, in badan markaad dhegaysato waxay soo qaataan tegreegu wixii ay xamar ka sameeyeen, bani aadamku waa kala dan mid walaalkaa la col ah ayaa adiga dantaada noqon kara.
Maanta waad arkaysaa Aby dhul dhan oo somali leedahay ayaa Canfar la siiyey, waad arkaysaa dhaqan hoose ee uu Kula dhaqmaayo Somalida Ethopia,  Somalilandna Sidaasoo kale ayuu ula dhaqmaya, laakiin Aby Somalia waa la heshiis, miyaa la odhan karaa Aby Xukunkiisa ayaa Somali dani ugu jirta waa maya Somali waa kala dan.  
Fekerka noocan ah ee ah inay umadu dantooda garan-waayaan, ee ah inuu dantiisa u qaato dan umad kale, sida iminka ka taagan laas-caanood ee kii 90 haldoor laga dilay ee nabad-gelyadiisa la raadinaayey uu u dhaleecaynayo kii nabad-gelyadiisa sugaayey. waa(idiolagy) feker khasaare badan Somali u geystay wax ka yimi oo la yidhaahdo Somali weyn.
Bulshada Somaliga ah ee ku dhaqan kenya, iyo kuwa ku dhaqan Ethopia, iyo in badan oo Somaliland ku dhaqani waxay u af-duuban yihiin ( idiolagy) fekerkaa faasid ah ee Somali weyn wuxuuna daah ka saaray inay dantooda arkan. Wabilaahi tawfiiq.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured