Munaasabad Madaxdii Britain Ra’isal Wasaare, Ku Xigeenkiisa, Wasiiraddii Iyo Xisbiga Shaqaalaha Madaxdoodu Ka Qayb Galleen Muslim News Awards Oo Shariikadda DAHABSHIIL Lagu Guddoonsiiyey Abaal Marin Caalami Ah, Taasi Oo Noqonaysa Abaal Marintii Ugu Horaysay Ee Nooceeda Ah

0
Friday March 29, 2013 - 08:57:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1311
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasabad Madaxdii Britain Ra’isal Wasaare, Ku Xigeenkiisa, Wasiiraddii Iyo Xisbiga Shaqaalaha Madaxdoodu Ka Qayb Galleen Muslim News Awards Oo Shariikadda DAHABSHIIL Lagu Guddoonsiiyey Abaal Marin Caalami Ah, Taasi Oo Noqonaysa Abaal Marintii Ugu Horaysay Ee Nooceeda Ah

    London (xogreebnews)-29/03/2013— Shariikadda caalamiga ah ee DAHABSHIIL Bank iyo Dahabshiil Money Transfer ayaa markii ugu horaysay taariikhda Geeska afrika waxay ku guulaysatay abaal marinta caalamiga ah ee The Muslim News Awards For Excellenc

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London (xogreebnews)-29/03/2013— Shariikadda caalamiga ah ee DAHABSHIIL Bank iyo Dahabshiil Money Transfer ayaa markii ugu horaysay taariikhda Geeska afrika waxay ku guulaysatay abaal marinta caalamiga ah ee The Muslim News Awards For Excellence 2013 oo sannadkiiba mar la siiyo tujaarta iyo ganacsatada waaweyn ee asalkoodu ka soo jeedo dunida islaamka ee dalka britain horumarka dhaqaale ku soo kordhiya

London (xogreebnews)-29/03/2013—Shariikadda caalamiga ah ee DAHABSHIIL Bank iyo Dahabshiil Money Transfer ayaa markii ugu horaysay taariikhda Geeska afrika waxay ku guulaysatay abaal marinta caalamiga ah ee The Muslim News Awards For Excellence 2013 oo sannadkiiba mar la siiyo tujaarta iyo ganacsatada waaweyn ee asalkoodu ka soo jeedo dunida islaamka ee dalka britain horumarka dhaqaale ku soo kordhiya.

Guddoomiyaha Haayadda Muslim News Awards for excellence oo furaya munaasabadda

Guddoomiyaha Haayadda Muslim News Awards for excellence oo furaya munaasabadda

Abaal marintani ayaa waxaa lagu qabtay guriga caanka ah Ee Groversnor ee magaalada London waana abaal marintii 11-aad ee haayadda Muslim News ay qabato waxaana ka soo qayb gallay madax ka socota dhammaanba dawladda iyo mucaaridka Britain oo ay ka mid ahaayeen xoghayaha cadaaladda britain Mr. Chris Gayling, Xoghayaha maaliyadda ee xisbiga shaqaalaha Ed Balls, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Brtitain Mr. Dominic Grieve, ku-xigeenka Guddoomiyaha xisbiga Liberal-ka Mr. Simon Hughes iyo Xoghayaha Caddaaladda xisbiga shaqaalaha Mr. Sadiq Khan, culimaa’udiin kala duwan, iyo siyaasiyiin ka tirsan golayaasha House of commons ka iyo Lordska dalka ingiriiska.

Xoghayaha cadaaladda britain Mr. Chris Gayling oo isagu gadh hayeen ka ahaa kulankaasi ayaa hadal uu ka jeediyey madasha quruxda badan wuxuu sheegay inay farxad weyn u tahay inuu ka soo qayb gallo munaasabadani balaadhan ee qaabka casriga ah loo soo bandhigay ee abaal marinada lagu guddoonsiinaayey dadka muslimiinta ah ee wax weyn ku soo kordhiyey nolosha iyo dhaqaalaha Britain, wuxuuna sheegay inay dawladiisu gacan siin doonto sidii ay u taabo geli lahaayeen.

Ra’isal wasaaraha dalka ingiriiska David Cameroon oo isaguna kaga qayb qaatay si toos ah qallabka Sateliteka ee la iska arko oo uu kala hadlaayey dadka ka soo qayb gallay munaasabadani ayaa cudur daar iyo raali gelin ka siiyey dadkii munaasabadda joogay isagoo sheegay in hawlo culus oo hor yaallay darteed iyo safaro uu ku jiray ay u suurtagal noqon wayday inuu kala qayb gallo isagoo sheegay inay ka go’nayd qorshahana ugu jirtay inuu yimaado, wuxuu amaanay Ra’isal wasaarahu 16-ka shakhsi ee abaal marinta la siiyey oo Shariikadda DAHABSHIIL ay hormood u ahayd isagoo sheegay inay taariikh baal dahab ah kaga xardhanyahiin dalka boqortooyada ingiriiska.



Ra’isal wasaaraha Britain David Cameron oo kaga qayb gallaya khadka Sateliteka

waxaa isaguna madasha qaab sateliteka ah ugala hadlay dadweynaha ku xigeenka ra’isal wasaaraha ahna guddoomiyaha xisbiga Libral Democratska Nick Clegg oo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay inuu kala qayb gallo munaasabadani isagoo mid mid u hambalyeeyey 16 qof ee abaal marinta ku guulaystay oo shariikadda DAHABSHIIL hormood u ahayd.

Xoghayaha maaliyadda ee xisbiga shaqaalaha Ed Balls ayaa isaguna ku tilmaamay dadkaasi inay laf dhabar u yahiin dhaqaalaha iyo kobaca horumarka britain wuxuuna sheegay in dawladdii shaqaalaha ee uu ka mid ka ahaa ay xooga saartay in la soo saaro oo la gacan qabto dadka bulshada wax ku soo kordhiyey.

Maamulaha Guud Cabdirashiid Ducaale Dahabshiil

Maamulaha Guud Cabdirashiid Ducaale Dahabshiil

Shariikadda DAHABSHIIL oo ah shariikadda ugu weyn dhinaca xawilaadaha lacagaha iyo baananka geeska Afrika ayaa sannadahii ugu danbeeyey ku socotay xawli aan qiyaas lahayn iyadoo dhawaana wasiirka maaliyadda ee dalka koonfurta Sudan oo weraysi siinaayey telefishanka Africa24 ku tilmaamay tusaale qaaradda Afrika leedahay.

xogreebnews



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured