Guddida Xal u Helida Khilaafka Golaha Deegaanka Gabiley oo Madaxweynaha u Gudbiyey Go'aanaddii Labada Dhinac...

0
Monday October 11, 2021 - 22:06:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Xal u Helida Khilaafka Golaha Deegaanka Gabiley oo Madaxweynaha u Gudbiyey Go'aanaddii Labada Dhinac...

    Mudanayaasha Mooshinka ka Keenay Maayirka oo Dalbaday Baadhis Hanti-dhawrka guud ku sameeyo Maayirka iyo Dawlada Hoose....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudanayaasha Mooshinka ka Keenay Maayirka oo Dalbaday Baadhis Hanti-dhawrka guud ku sameeyo Maayirka iyo Dawlada Hoose....

Gabiley(xogreeb.com)-Guddida Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Muuse Biixi uu u Saaray xal u helida Khilaafka soo kala dhexgalay xubnaha Golaha deegaanka degmada Gabiley iyo maayir Maxamed Aamin, oo Kulamo gooni-gooni ah la yeelanayey dhimacyada Khilaafka ka dhexeeyo, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland u gudbiyey Nuxurka iyo doodaha labada dhinac.

Guddida ayaa Madaxweynaha u gudbiyey dood adag oo ay taagan yihiin 7 Xildhibaan ee wadda Mooshinka Xilka Qaadista, Maayirka, Iyagoo Guddida gacanta ka Saaray doodo la xidhiidha Sharci jebin iyo Musuqmaasuq baahsan oo Dul-hoganaya Maayirka Gabiley.


ilo wareedyo ayaa sheegaya in Mudanayaasha Golaha deegaanka degmada Gabiley ee Mooshinka ka keenay maayirku waxay dalbadeen baadhis Hanti-dhawrka guud ee Qaranku sameeyo Maayirka iyo eedaha Musuqmaasuq ee ay u jeediyeen.

Gudidan uu hogaaminayo Wasiir cabdiweli ayaa sida xogaha aanu ka helaynaa sheegayaan ayaa habeenkii xalay u gudbiyey Madaxweynaha jsl  go’aankii ay kala soo kulmeen xalinta khilaafka golaha deegaanka gabiley iyo waxa laga yeelayo, iyagoo sidoo kale la wadaagay wasaaradaha ku shaqada leh arrintan oo ay ugu horeyso wasaarada arrimaha gudaha jamhuuriyada somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured