"Waxaanu Si Dhaba ah ugu kuur-geli Doona Xaaladda Laydhka Berbera oo aanu kula xisaabtami doono Cidda Maamusha...Laydh xumida ka jirta Waxay u Muuqataa Mid Dhugmadeeda leh oo Dareemo Badani ku Gedaaman yihiin". Xildhibaan Xasan Ogaal oo Kamid ah Baarlamaanka Somaliland.

0
Monday September 27, 2021 - 01:20:41 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 350
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaanu Si Dhaba ah ugu kuur-geli Doona Xaaladda Laydhka Berbera oo aanu kula xisaabtami doono Cidda Maamusha...Laydh xumida ka jirta Waxay u Muuqataa Mid Dhugmadeeda leh oo Dareemo Badani ku Gedaaman yihiin". Xildhibaan Xasan Ogaal oo Kamid ah Baarlamaanka Somaliland.

    "Waxaanu Si Dhaba ah ugu kuur-geli Doona Xaaladda Laydhka Berbera oo aanu kula xisaabtami doono Cidda Maamusha...Laydh xumida ka jirta Waxay u Muuqataa Mid Dhugmadeeda leh oo Dareemo Badani ku Gedaaman yihiin". Xildhibaan Xasan Ogaal oo Kam

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaanu Si Dhaba ah ugu kuur-geli Doona Xaaladda Laydhka Berbera oo aanu kula xisaabtami doono Cidda Maamusha...Laydh xumida ka jirta Waxay u Muuqataa Mid Dhugmadeeda leh oo Dareemo Badani ku Gedaaman yihiin". Xildhibaan Xasan Ogaal oo Kamid ah Baarlamaanka Somaliland.
Hargeysa(Xogreeb)-"Laydh xumida ka jirta Magaalo xeebadka Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil ee soo noq-noqonaysaa waxay u muuqataa mid dhugmadeeda leh oo dareemo badani ku gedaaman yihiin, waana masuuliyad daro dul hoganaysa Maamulka laydhka Berbera oo haba yaraateen aan wax tudhaale ah bulshada ka qabin, iyo maamulada Gobolka iyo Degmada ee ay ahayd inay kor-joogtayn sax ah ku sameeyaan sababta keenaysa tegista laydhka oo u muuqda kuwo hagrasho badani ku jirto, iyaga laftooda. 
Markay sidaas tahay Bulshada ku dhaqan Magaalada Berbera ma ahaan doonaan kuwo looma ooyaan ah oo Shirkadaas laydhka maamushaa ka dhaggo adaygto cabashadooda, waxaase iman doonta in bulshado dulqaadku ka dhammaado oo ay keento arin nabadgelyada Magaalada taabanaysa, waxaana si dhab ah loola xisaabtamayaa  Maamulka shirkadda laydhka sababta keenaysa laydh xumida iyo aamuskooda oo u muuqda tamar daro ka jirta adeega laydhka ee ay bixinayaan.
Ka xildhibbaan ahaan aniga iyo Mudaneyaashii kale ee gobalka laga soo doortay ba, anaga oo fulinayna balan-qaadyadii aanu u samaynay shacabkayaga, waxaanu safar ugu bixi doonaa Gobolka marka uu xidhmo kal-fadhigan imika socda oo dhawaan xidhmi doona, waxaanu si dhaba ah ugu kuur-geli doono xaaladdiisa gaar ahaan tan Laydhka Berbera oo aanu kula xisaabtami doono cidda maamusha iyo guud ahaan Gobolka ba.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured