XUKUUMADDA MADAXWEYNE OO SADDEX JIRSATAY, MAXAASE QABSOOMAY

0
Saturday July 27, 2013 - 20:35:56 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1343
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XUKUUMADDA MADAXWEYNE OO SADDEX JIRSATAY, MAXAASE QABSOOMAY

    Hargeysa-(Xogreebnews.com--27 bishan ayaa ku beegan sanad guuradii saddexaad ee ka soo wareegtay markii talada dalka uu la wareegay madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Xaxamed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa-(Xogreebnews.com--27 bishan ayaa ku beegan sanad guuradii saddexaad ee ka soo wareegtay markii talada dalka uu la wareegay madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Xaxamed Maxamuud Siillaanyo iyo xisbigiisa Kulmiye LA SOCO QAYBAHA DANBE C/laahi Axmed Caarshe Hargeysa, somaliland
27 bishan ayaa ku beegan sanad guuradii saddexaad ee ka soo wareegtay markii talada dalka uu la wareegay madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Xaxamed Maxamuud Siillaanyo iyo xisbigiisa Kulmiye, ka dib markii ay si buuxda ugu guulaysteen doorshadii dalka ka dhacday sanadkii 2010-kii, taasoo xisbiga Kulmiye ku guulaystey in ka badan codadka shacabka 50%.
Xisbiga KULMIYE ayaa waqtiguu uu mucaaradka ahaa ballan qaaday in uu wax ka qabanayo baahiyo badan oo bulshada ka muuqdey, waxayna ku cadeeyeen waxyaaba ay qabanayaan muuq taasoo sababay in shacabka Somaliland ay u codeeyaan xisbiga KULMIYE.

Hadaba waxaan maanta qormadan ku eegayaa waxyaabaha qabsoomay mudadaa ay xukuumadda KULMIYE, ay talada dalka haysey, kuwaasoo aynu si toos ah u taaban doono, iyada oo xukuumaddu saddex jirsatay ayna muuqato waxyaabo badan oo lagu guulasytey, waxyaabaha qabyada ahna ay xukuumaddu diyaar u tahay in ay waqtiga u hadhay ay ku dhamaystirto.
Runtii waxaa jira waxyaaba badan oo xisbiga KULMIYE, balan qaaday oo qabsoomay, waxaana dalka laga hirgeliyey mashaariic horuumarineed oo la taaban karo, waxaa kale oo la dhisay xukuumadd ay saldhig u tahay maamul-wanaag iyo ka fogaanshaha musuq-maasuqa, tusaale ahaan xukuumadda KULMIYE, waxay talada dalka qabatay iyada oo ay jiraan dhibaatooyin aan la soo koobi Karin dhibaatooyinkaa waxaa ka mid ah iyada oo aanay muddo dheer mushar qaadaan shaqaalaha dowlada iyo ciimada qalabka sida, xukuumaddda cusub oo lagu wareejiyey dayn aan la soo koobi Karin oo ay xukuumaddii horey gashay, hay’adaha dowlada oo kala daadsanaa.
Waxyaaba muuqda ee xukuumadda u hirgelay waxaa ka mid ah.
1- Waxay xukuumaddu ku guulaysatey in ay bixiso deyntii badnayd ee ay xukuumaaddii ka horeysey kaga tagtay waa xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin, sidoo kalena markii xukuumaddu talada qabatay waxay bixisay musharka shaqaalaha dowlada iyo ciidaamada qalabka sida oo aan qaadan muddo saddex bilood ah, taasoo ka mid ahayd dhibaatooyinka waaweyn ee ay dhaxashay xukuumadda KULMIYE, waana caqabadii horyaalay ee ay ka baxday ama ka gudubtey.
2- Xukuumadda KULMIYE waxay noqotay xukuumaddii ugu horeysey ee ku guulaysata in ay lacag la’aan ka dhigto waxbarashada dusiyada Hoose/Dhexe, taasoo sababtay in ay bulshada Somaliland oo u badan dad danyar ah ay u suura-gashay in ay caruurtoodu helaan waxbarasho bilaash ah, taasoo runtii ahayd guul wayn iyada oo ay adagtay wadan aan dhaqaale fiican lahayn uu sameeyey FreePrimary Education, sidoo kalena aan taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed aan adduunba ka haysin International finance and international support, waxayna ahbayd tallaabo waxtar weyn bulshada u leh, balse loo arkayey in aanay suura-gelayn, balse taas waa lagu guulaystey.
3- Xukuumadda KULMIYE, waxay ballan qaaday in ay shaqaale iyo ciimada musharka u kordhinayso, waxayna noqotay xukuumaddii ugu horeysey mar keliya laba jibaarta musharka shaqaalaha dowlada iyo ciidamada qalabka sida, taasoo noqotay arrin cajiib ah wax weyna ka bedeshay nolosha shaqaalaha dowlada iyo ciidamada qalabka, sababtayna in ay hawla iyo shaqada dowladu ay noqotay mid habsami u socota, iyada oo ay qaranka muhiim u tahay in shaqaalaha dowladdu noqdaan kuwa markasta hela mushar ku filan si ay u yaraato musuq-maasuqa iyo gaabista shaqada dowladda.
4- Xukuumadda KULMIYE, waxay ku guulaysatey in ay lacagtii geynbaarta ahayd ee dhibaatada ku haysey magaalo madaxda labaad ee dalka Burco laga bedelo, taasoo ka mid ahayd ballan qaadyadii xisbiga KULMIYE, waxayna Burco ka baxday Dhibaatadii ay lacagta geynbaarta ahi ku haysey iyo sicir bararkii mudada dheer Burco daashaday.
5- Xukuumaddu waxay markii ay talada dalka qabatay ay dhamaystirtay biriijka labaad ee caasimada hargeysa oo muddo dheer qabyo ahaa, shaqadiisuna taagnayd, kaasoo ay xukuumaddii horey ku fashilantahay in ay dhamaystirto, iyada oo waxyaabaha ay sida wayn wax ugu qabatay xukuumadda KULMIYE, ay ka mid tahay waxka qabashada dhinaca wadooyinka Infrastructure, dalka
Iyada oo ay jiraan wadooyin badan oo ay xukuumaddu dayac tirtay oo qaar kale oo imika la qorshaynayo in wax laga qabto,sida wadada isku xidhna Hrgeysa iyo Berbera, sidoo kalena xukuumaddu waxay dhismayaal dhaxal gal ah u wada dhistay hay’adaha dowlada oo horey ugu jirey dhismayaal aad u liita aan ahayn kuwo lagu shaqayn karo.
Xukuumaddu iyada oo adeegsanaysa dhaqaaleheeda iyo taageero ay ka heshay hay’addo caalamiya waxay ku guulaysatey in dhamaam hay’adaha dowlada loo dhiso dhismayaal aad u wada qurux badan oo muujinaysa in niyad ahaaan loo shaqeeyo, shaqaaluhuna ay ku shaqeeyaan dhismayaal indhaha dadka soo jiita.
LA SOCO QAYBAHA DANBE
C/laahi Axmed Caarshe Hargeysa, somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured