Saldhigga Axmed-dhagax: Isku-daawashada Shacabka ee Boolisku Waxa Uu Keeni Karaa In Sharciga Gacmaha Lagu Qaato.

0
Monday September 20, 2021 - 01:24:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 397
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saldhigga Axmed-dhagax: Isku-daawashada Shacabka ee Boolisku Waxa Uu Keeni Karaa In Sharciga Gacmaha Lagu Qaato.

    "Xidhistii Dhoolliga, Sii-deyntii Ninkii Qalabka Nootaayada Burburiyay iyo Dhayalsiga Weerarka Baraha"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xidhistii Dhoolliga, Sii-deyntii Ninkii Qalabka Nootaayada Burburiyay iyo Dhayalsiga Weerarka Baraha"
Macalin Bashe Haybe ayaa dacwad ka dhan ah Haayadda Alhuda ka furtay Wasaaradda Shaqogelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska 4tii Ogos 2021ka, kaddib markii laga caydhiyay dugsiyo ay haayaddaasi maamusho 23kii Julaay 2021ka. Waxa uu hawl-wadeen u ahaa illaa 2005tii. 

Nasiib-darro, waxa 23kii Ogos soo weeraray gaadhi Nooha ah oo tirsigiisu yahay 84695, "Maxaad Alhuda u dacwaysay?” ayay shuftadu sii yidhaahdeen, waraaqo digniin ah ayaa gurigiisa loogu daadiyay.  Waxa uu dacwad geystay saldhigga Axmed-dhagax. Lama se dhegaysan cabashadiisa. Toban cisho ayuu nabadgelyadiisa uga baqayay budhcadda duullaanka ku soo qaadday. Warbaahinta ayaa uu  la hadlay 4tii Sebtmeber 2021ka. Markaas ayay noqotay in sarejoog loogu halceliyo.


Maalin kaddib waxa hadlay Cabdinaasir Iid Maxamed Guddoomiyaha Fulinta Haayadda Alhuda, waxaana weedhihiisa ka mid ahaa "Waxbarashadiisa ayaan qayb ka ahaa, koritaankiisa ayaan qayb ka ahaa, waan naasnuujin jiray, gacal dhaw baanu ahayn, jaar baanu ahayn. Anigaa hortaagna in shaqada laga eryo." 

Beerlaxawsi, mannasheegasho iyo garnaqsi isku dhafan ayuu kaga jawaabay eedihii Macallin Baashe Aadan Haybe. Wuxuu sheegay in dacwadda xuquuqda shaqo ka socoto Wasaaradda Shaqogelinta iyo in aanay iskuday dil samaynnin. Haddii uu wax beeniyay waxa uu masuulkani sheegay in gaadhiga laga dacweeyay boolisku ahaa Dukhaan/Vitz. Alhuda ayaa leh gaadhiga Noohada ah 84695 ee macallinkaa lala beegsaday.

Markii intaasi dhacday, boolisku wax tallaabo ah kama qaadin weerarkii macallinku sheegtay iyo warcelintii haayadda Alhuda, waxa run ah in eedeynta iyo beeninta uu midkood wanjal yahay. Waxa gudboonayd inay baadhitaan sameeyaan oo dhanka wax hafraya sharciga la tiigsadaan. Taas bedelkeeda waxa hawshii loo xilsaaray odayaal aan laba toddobaad wax tallaabo qaadin.

Waxa igu maqaalo ah in Macallin Baashe Haybe loo soo jeediyay:
1. In  uu raalligelin haayadda u mariyo warbaahinta iyo
2. In markaas kaddib ay haayaddu eegi doonto waxa ay ka yeelayso nabarrada gaadhay

Waa kuwo loogu xagliyay ninkii xoogga iyo xoolaha lahaa, laguna luminayo xaqa baraha oo aan la qaadan karin. Garnaqa xuquuqda shaqo ee Wasaaradda Shaqo-gelintu waa mid la sugi karo oo aan degdeg ku jirin, waxaanu u gudbi karaa maxkamadaha oo rafcaan loo qaato. Laakiin waxa halis ah in la dhayalsaday xaaadda gacan-hadalka oo ah dhuxul huwan dambas oo saacaddii ay doontaba beleli/karta. 

Haddaba Saldhigga Axmed-dhagax oo hore ugu kacay falal ay ka mid yihiin xadhigga dirawalka gaadhi dhoolli ah 26kii Ogos 2021ka iyo sii-deynta nin agab ku dhex jejebiyay nootaayada sharciga ah ee Xalliye Oktoobar 2020ka, ma waxa uu ku saddexaynayaa in uu isku daawado shacabka is-weeraraya ee cabashada u keenay? Intaba waxa saldhiggaas hagayay Taiye Waraabe oo aan meeshana ka tegin, tar san oo la sheegana aanan u maqal.

Isku-daawashada shacabka ee boolisku waxa uu keeni karaa in sharciga gacmaha lagu qaato.. Baruhu waa muwaaddin xeerinaya xeerarka dalka, illaa haddana ka warsugaya in tallaabo laga qaado ciddii gardarrada, gacan-hadalka iyo gefka ula timi. Ururrada xuquuqal-insaanka, ururka macallimiinta iyo cid kastaaba ha qaadato doorkeeda ku aaddan sixitaanka, ka-hadalka iyo toosinta qallooca dhacay.

Ugu dambayntii; waxa aan ku baaqayaa in sharciga la hor keeno cidda leh ama wadatay gaadhigaas lagu weeraray Macallin Baashe Aadan Haybe 23kii Ogos 2021ka.
Siciid Mohamuud Gahayr


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured