Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin Oo is Dareemay Inuu Wasiir Xirsi December Daaqada ka Saarayo!,

0
Saturday July 27, 2013 - 20:21:46 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin Oo is Dareemay Inuu Wasiir Xirsi December Daaqada ka Saarayo!,

    waxa marag madoon ah oo reer somailand oo dhami markhaati ka ahaa sidii foosha xumayd ee gudoomiye kuxigeenkii hore ee xisbiga kulmiye mudane c/raxmaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxa marag madoon ah oo reer somailand oo dhami markhaati ka ahaa sidii foosha xumayd ee gudoomiye kuxigeenkii hore ee xisbiga kulmiye mudane c/raxmaan sida ay qabaan bulsho waynta reer Somaliland in awoodii madaxweyne siilanyo loo doortay ay gacanta u gashay wiil yar oo aan waayo aragnimo siyaasadeed lahayn waa wasiir xirsi shakhsigaas oo u adeegsaday awoodii dastuuriga ahayd ee madaxweyne siilanyo loo doortay sife shakhsiya oo danihiisa uun ka turjumaysa!, waxa uu ku guulaystay inuu xukuumada siilanyo uu isagu siduu doono ka yeelo uuna noqdo gacata ugu danbeeysa ee wax waliba ka goaan! waxa uu gaadhay inaanu madaxweynuhu kula kulmi Karin ilaa xirsi ku lamaan yahay mooyee! waxa uu awood u yeeshay inuu badeli karo qofkasta oo qaranka xil ka haya ilaa heer wasiir iyo wixii ka hooseeya

ee ku siman shaqaale dowladeed hadii uu u urko inuu danihiisa ka hor imanayo wallow qarankaba wax hawgu filaadee waxa uu awood u yeeshay inuu qofkaas si fudud daaqada uga saaro! ilaa uu tijaabiyay inuu madaxweyne ku xigeenkana uu xilka loo doortay uu ka qaado nasiib daro dastuurka soo doortay isaga iyo madaxweyne siilanyo ayuu waayay meel uu ka dhaafo ee umuu luq luqdeen isna!,
waxa marag madoon ah oo reer somailand oo dhami markhaati ka ahaa sidii foosha xumayd ee gudoomiye kuxigeenkii hore ee xisbiga kulmiye mudane c/raxmaan c/qaadir uu xisbiga uga saaray isaga oo adeegsanaya awooda madaxweynaha taasina waxay ku tusaysaa sida uu xisbiga kulmiye dhexdiisa awooda ugu yeeshay oo uu qofka uu doono ka saari karo kuu doonana soo gelin karo!,
hadaba hadaan usoo noqdo mawduuca aan qoraalkan cinwaanka uga dhigay labada mujaahid waa dhagaxii ugu danbeeyay ee wasiir xirsi horyaalay si uu ugu xalaaloobo xisbigu waxaana u qorshaysan markuu daaqada ka saaro labada mujaahid inuu isagu (waa wasiir xirsiye) iyo c/casiis samaale isku bedelo! dareenkaas kama madhna mujaahid muuse waana ta keliftay inuu maanta lexejeclo ka yeesho mujaahidiinta ku bahoobay golaha toosinta qaranka kana dhowrsaday inaanay wax aflagaado ah kategin ileen waa marjica uu hadhow u soo noqonayo marka Decembar daaqada laga saaro! waxa uu mujaahid muuse si fiican oo farshaxan leh u dhigay hadalkii uu ku qaabilay mujaahidiinta kuwaas oo marlabaad ka dhiidhiyay markay arkeen dalkii ay naftooda iyo waqtigooda u soo hureen oo wiil yar oo aan habeen u soo dibjirin hadaan kala dhacay! wallow uu xirsi taariikh been abuura oo SNM ku saabsan uu soo dhoodhoobay, SNM na lawada yaqaanay mid dhintay iyo mid noolba qofkastana kaalinta uu ku lahaa la ogaa oo ay cadceeda ka cadahay,
mujaahid muuse waxa uu si dadban u duray kaalinta wasiir xirsi qaranka kaga jiro iyo inaanu ku deg degin ragan waaweyn ee tacabkoodii qaranka geliyay waxaanay fariin dadban u ahayd wasiir xirsi iyo inaanu mujaahid muuse ahayn nin si fudud lagaga qaadi karo xisbiga,
waxase iswaydiin mudan fikirkan uu qaatay mujaahid muuse maxaa ku kelifay? dawoco ayaa layidhi markii ay hashii hilibka ahayd u garssoortay libaaxii iyo habar dugaag ee ay libaaxii hilibkii wada siisay ayaa la yidhi yaa qaybtan fiican ku baray dayoy! markaasay tidhi isha cumar ka laalaada! mujaahid muuse waxa uu arkay ragii la filka ahaa ee mujaahid maxamed xaashi lahaa ee mujahid Boobe yuusuf ducaale lahaa ee mujahid dhegewayne lahaa ee mujaahid xasan ciise lahaa ee mujaahid cali guray lahaa oo mid walba banaanka loo tuuray nin xukuumada laga tuuray iyo nin xisbigiisii lugta la jiidayba! taasaanu ku cimri qaatay oo uu ku ogaaday cida hadhay inay isaga iyo mujaahid maxamed kaahin ay yihiin,
mujaahid maxamed kaahin isagu beri hore ayuu cand uuftiisa dib u liqaya markuu ka qabsaday reerkii uu hogaamiyaha u ahaa! waxaanay rajadiisu ku ururtay oo ay ku xidhan tahay hadba halka uu mujaahid muuse ku danbeeyo! hadii muuse lacuna December isna hadal uma yaal hadii uu muuse mu-aamarada December ka badbaadana waxuun baa u laaban!,
waxaase iswaydiinleh xirsi soo qoysaye yaa u xiiraya! hada oo uu wasiir yahay ayuu qarankii Somaliland qaaq kaga siiyee yaa bal madaxweynaha uu u soo cumaamatay u dooranaya! waase nin aad u indho adag oo waxa uu qabaa inuu yahay qofka keliya ee ku haboon inuu qaranka hogaamin kara hadii madaxweyne siilanyo ka fadhiisto siyaasada! waxaanu u rakaa inuu sidan uu u fekerayo ee ku jiqsiida ah ee caytanka ah qaranka Somaliland lagu hogaamin karo!,
hadaba bal aynu eegno halka ay sal dhigato siyaasada xirsi ee ku soobodada ku noqotay reer Somaliland.
aadan axmed nuur
Dublin Ireland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured