Baaq ku socda Golaha Wakiilada, magacaabidda xubinta komishanka xuquuqal iinsaanka la magacaabay 11-9-2021 waa in lagu celiyaa Madaxweyna oo aan la ansixin!. Qalinkii Maxamed Sidiq Dhammee Xoghayaha Wadani ee Cadaalada

0
Sunday September 12, 2021 - 20:10:32 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 403
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baaq ku socda Golaha Wakiilada, magacaabidda xubinta komishanka xuquuqal iinsaanka la magacaabay 11-9-2021 waa in lagu celiyaa Madaxweyna oo aan la ansixin!. Qalinkii Maxamed Sidiq Dhammee Xoghayaha Wadani ee Cadaalada

    Baaq ku socda Golaha Wakiilada, magacaabidda xubinta komishanka xuquuqal iinsaanka la magacaabay 11-9-2021 waa in lagu celiyaa Madaxweyna oo aan la ansixin!. Qalinkii Maxamed Sidiq Dhammee Xoghayaha Wadani ee Cadaalada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baaq ku socda Golaha Wakiilada, magacaabidda xubinta komishanka xuquuqal iinsaanka la magacaabay 11-9-2021 waa in lagu celiyaa Madaxweyna oo aan la ansixin!. Qalinkii Maxamed Sidiq Dhammee Xoghayaha Wadani ee Cadaalada
Xubintani ma ku jirtaa xubnaha u tartamay Komishanka?
Xubintani 7 xubnood ee kaydka ah maka mid yahay?
Sida xeerku sheegayo halkee laga soo xulay?
Guddide soo xushay xubin ahaan?

Waa sharci darro iyo gef weyn magacaabidda xubinta cusub ee komishanka xuquuqal iinsaanka qaranka Jaamac Xaaji Axmed Cabdi  uu usoo magacaabay Madaxweyne Biixi qodobka 24-aad XEER LR 39/2010 wuxuu dhigayaa buuxinta jagada ka  bannaanta Komishanka in laga qaadanaayo 7 xubnood ee kaydka ah, xubnaha kaydka ahaa 7 xubnood weli way joogaan oo ma dhammaan kaydku sabab looga keeno debedda qof cusubi mataal waana sharci jebin.


Buuxinta jagada bannaanta  Qoddobka 24-aad ee XEER LR 39/2010 wuxu dhigayaa sidan. 

1. Madaxweynaha ayaa qoraal ku soo saaraya in xubintaas jagadeedu banaantahay, iyada oo sababaysan. 2. Marka jago ka banaanaato Komishanka iyadoo loo raacayo sida ku xusan Qoddobka 10-aad faqrada 10-aad waxaa la qaadanayaa todobada Xubnood ee kaydka ah oo uu toos Digreeto ugu soo saarayo Madaxweynuhu,
Golaha Wakiiladuna ansixiyo.
3. Marka xubnaha kaydka ah dhamaadaan waxaa la xayeysiinayaa jagadaas buuxinteeda iyada oo loo marayo habkii xubnaha lagu soo doortahay.

Qodobka tobnaad faaradiisa tobnaad XEER LR 39/2010 wuxuu sheegayaa 7aad xubnood ee kaydka ahi inay xaq u leeyihiin buuxinta jagada bannaanta.

10. (7) da xubnood ee hadhay waxay noqonayaan kayd, iyada oo loo kala xulan doono sida ay liiska ugu kala horeeyaan. Sida ay u kala horeeyaana waxay ka muuqan doontaa Digreetada Madaxweynaha

Waxaanu u soo jeedinaynaa Golaha Wakiilada in ay ku celiyaan Madaxweynaha oo aanay ansixin xubintaa looso magacaabay sida sharci darrada ah, si loo dhawro shruucda iyo qawaaniinta dalka loona ilaaliyo xeerarka dalka. Madaxweynaha waajib waxa ku ah in uu ilaaliyo sharciga dalka oo aanu baal marin si aanay u noqon shuruucdo fawdo iyo kuwo aan shaqayn.

Xubnaha kaydka ahi waa in ay dufaacdaan xuquuqdooda madaama ay xaq u leeyihiin buuxinta jagadaa bannaan!


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured