Rakaabka Airport-ka Hargeysa Kasoo Degaya Haloo Cadaalad Sameeyo. Qalinkii Jaamac Axmed Xuseen.

0
Wednesday September 08, 2021 - 23:52:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 555
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rakaabka Airport-ka Hargeysa Kasoo Degaya Haloo Cadaalad Sameeyo. Qalinkii Jaamac Axmed Xuseen.

    Rakaabka Airport-ka Hargeysa Kasoo Degaya Haloo Cadaalad Sameeyo. Qalinkii Jaamac Axmed Xuseen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Rakaabka Airport-ka Hargeysa Kasoo Degaya Haloo Cadaalad Sameeyo. Qalinkii Jaamac Axmed Xuseen.
Somaliland gudaheeda waxa soo laba kacleeyay xanuunka Covid19 oo maalinba maalinta ka danbaysa soo kordhaya. Dhinaca kale Duulimaadyada maalin laha ah ee kasoo dega garoonka Cigaal Airport ee magaalada Hargeysa ayaa soo kordhaya tan iyo markii xayiraada laga qaaday diyaarada Flydubia oo rakaab 160 ka badan oo muwaadiniin iyo ajaanib isku jira dalka keenta iyo diyaaradaha kale ee Ethiopia Airline ka mid tahayba.
Hubinta badqabka iyo baadhitaanka Rakaabka ay sidaan diyaaradaha kala duwan ayaa wax ka muuqda habacsanaan badan iyo hagrasho halis galin karta caafimaadka bulshada reer somaliland. Waxaana muuqata inay meesha ka maqan tahay kaalintii Wasaaradda caafimaadka iyo Gudida qaran ee Covid19 oo aad moodo in gaabis badani ku jiro waqti xaalada Covid19 ay meel khatara marayso, iyadoo dhakhaatiirtu sheegeen in nooc cusub oo ka duwan kii hore uu dalka soo galay. 
Dhinaca kale waxa jira arin ugub ah oo lasoo daristay dadka kasoo dega Garoonka diyaaradaha Hargeysa, taas oo ah in Rakaabka diyaarad qudha lawada socda badhna lala hadho badhna lasoo daayo oo hudheelo lagu xareeyo kadib lacago badan laga qaado halkaas oo dhawr maalmood lagu hayo sabab la,aan. 


Dadka hudheelada gaarka ah sida Admis Inn lagu xareeyo waxa u badan ajaanib ka mid ah rakaabkii diyaaradu siday, halka dadkii kale ee lamidka ahaa aan waxba la waydiin maadaama ay sitaan warqadii baadhista Covid19. Waxa iswaydii leh hadii cid la karantimaynayo maxaa dadka diyaaradu siday oo inta badan wadamo kala duwan ka yimid loo wada xarayn waayay ee kaliya inta ajaanibka ah loo bar tilmaameed sanayaa? 
Waxa muuqata in ay jiraan koox shuraako ku ah in jeebka ninka ajaanibka ah uun ay baadhaan maalmo kadibna layska soo fasaxo iyadoon aanay jirin wax sababa oo iyaga u gaar ah. Sidaas darteed waxaan kula talinayaa kooxda hawsha ku jirta inay ka waantoobaan, haday tahay wasaarada caafimaadka iyo hawlwadeenada Covid19 iyo haday tahay waaxaha immigration ka iyo hudheelada ay hawlahi ka socdaan. 
In aan dadka soo degaya ama dalka imanaya lagu tacadiyin oon la saarin culays ka badan ta muwaadinka. 
Wabilahi tawfiiq. 
Jaamac Axmed Xuseen. 
Hargeysa Somaliland.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured