"Ma Xalbaa Mise Waa Xul... Ma Rag Talo q Qabeen ah oo ku Talaxtagay Magacaabista oo Musdanbeed ah ayuu la Tashaday Madaxwaynuhu?". Siyaasi Maxamed Qarbooshe oo Faalleeyey Isku Shaandhayntii Madaxweyne Muuse Biixi...

0
Friday September 03, 2021 - 01:25:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 730
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    "Ma Xalbaa Mise Waa Xul... Ma Rag Talo q Qabeen ah oo ku Talaxtagay Magacaabista oo Musdanbeed ah ayuu la Tashaday Madaxwaynuhu?". Siyaasi Maxamed Qarbooshe oo Faalleeyey Isku Shaandhayntii Madaxweyne Muuse Biixi...

    "Ma Xalbaa Mise Waa Xul... Ma Rag Talo q Qabeen ah oo ku Talaxtagay Magacaabista oo Musdanbeed ah ayuu la Tashaday Madaxwaynuhu?". Siyaasi Maxamed Qarbooshe oo Faalleeyey Isku Shaandhayntii Madaxweyne Muuse Biixi...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ma Xalbaa Mise Waa Xul... Ma Rag Talo q Qabeen ah oo ku Talaxtagay Magacaabista oo Musdanbeed ah ayuu la Tashaday Madaxwaynuhu?". Siyaasi Maxamed Qarbooshe oo Faalleeyey Isku Shaandhayntii Madaxweyne Muuse Biixi...
Maanta ayuun bay ahayd markii madaxwayne muuse biixi cabdi uu magacaabay xayn wasiiro ah, ku xigeeno, iyo hayado madax banaan sida baanka 
Iwm, qaarna uu goobahoodi hore ka kexeeyey oo meel kale oo qormo cas ah uu furay, (si aad u fahantaan bedel wasaaradeed) waxaa kale oo goobahadii waayay wasiiro iyo in kale oo meelo asadoodan leh fadhiyay (oo aan Wasiir waxba u ogayn) sida baanka oo kale, 
muddo ayaa laga fooliniyay isku bedelkaasi sida dadku isla dhexmarayeen, maxaase ka soo baxay 
Rag badan oo fooda ku haye ahaa ayaa iyaguna quuddaraynayay in lagu soo daro magacaabistaa soo socota oo beryahan danbe u xusulduubayay meel ay ka gaadhaan , laakiin aan lagu soo darin hadda, ma hormo kale ayuu madaxwaynihu soo wadaa mise odaygu halkaas ayuu dhameeyay magacaabistii.
Guud ahaan dadka la magacaabay oo badankooda wajiyadoodu cusub yihiin ma ijaasadii ayuu helay madaxweynuhu, ma cabashooyinkii iska soo daba dhacaayay iyo waa naloo joojin waayay ayuu odaygu ku gudbay, ma dad kale oo aynaan arkayn ayuu u quus goynaayay ?, ma dheelitir ayuu samaynaayey oo dhinac ayay u ciirtay? Ma beelaha ayaa wax ku kala maqnaayeen oo waa la wada cashaynaayey? Ma doorashadii ayaa soo dhawaatay oo dad mug iyo miisaanba ku leh deegaanada ay ka soo jeedaan ayaa xaajigu soo naqaynaayay? Ma doorashooyinkii is barkanaa ee dalka ka dhacay ayay bilaale caanayn waayeen kuwii la ruqseeyay?  Ma rag talo qabeen ah oo ku talaxtagay magacaabista oo musdanbeed ah ayuu la tashaday madaxwaynuhu ? (Watii ay lahayeen cidna ma dhagaystee) ma kala bedel caadiya oo madaxwaynaha shaqooyinkiisi loo igmaday ayuu kolba in dhaqaajinayaa? 
Waraadka biyaha wareejinayoow adigaa war hayee wax noo sheeg.
Waxaas oo su’aalo ah ayaa laysku waydiinayaa goobaha laysugu yimaado ee hudheelada iyo fadhi ku dirirka.
Caawa intaasi ayaan ku soo gababaynayaa maqaalkaa yar ee aan u bixiyay 
Ma xalbaa mise waa xul



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured