Booliiska Magaalada Boosaaso oo Shaaciyay Magacyada Dad lagu Tuhunsan yahay Weerarkii shalay ee Xawaalada KAAH
(xogreebnews.com) Laamaha ammaanka ee magaalada Boosaaso ayaa shaaciyey magacyada 3 nin oo la rumeysan yahay in
Booliiska
Magaalada Boosaaso oo Shaaciyay Magacyada Dad lagu Tuhunsan yahay Weerarkii
shalay ee Xawaalada KAAH
qayb ka yihiin
dableydii shalay dhaca iyo dilka ka geystey xarunta xawaaladda KAAH ee magaalada
Boosaaso. Mas’uuliyiin ka tirsan
wasaaradda ammaanka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in baaritaan dheer kaddib
la helay raadad muujinaya haybta dadkii shalay dhacay xawaalada KAAH, waxaana
warbixin kasoo baxday xafiiska wasaaradda amniga lagu xusay magacyadan: 1.Farxaan Dad-laq 2.Ina Cabdullaahi Kabal. 3.Iyo Nayl. Eedeysane Farxaan
Dad-laq ayaa warbixinta lagu xusay in uu isagu ahaa maskaxda ka danbeysey
weerarka, islamarkaana uu hogaaminayey kooxdii fulisey. Farxaan Dad-laq ayaa la
sheegay in muddooyinkii u danbeeyey uu ku doodayey in dalka koonfur Africa uu
ku dhacay in ay hayb wadaagaan mulkiileyaasha xawaaladda KAAH. Waxaana mas’uuliyiin
ka tisan KAAH oo HOL la hadlay aya sheegeen in xawaaladda laga dhacay lacag
lagu qiyaasay $20,000 (labaatan kun oo Doolar). Dableyda dhaca geystey ayaa
sidoo kale diley Cabdirashiid Maxamed Guuleed iyo Xasan Weyrax oo ka tirsanaa
howl-wadeenada shirkadda. Weerarkii shalay lagu
qaaday xawaaladda KAAH ee magaalada Boosaaso ayaa ahaa kii ugu horeeyey ee
noociisa ah ee ka dhaca gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland. Leave a comment |
|
Booliiska Magaalada Boosaaso oo Shaaciyay Magacyada Dad lagu Tuhunsan yahay Weerarkii shalay ee Xawaalada KAAH
(xogreebnews.com) Laamaha ammaanka ee magaalada Boosaaso ayaa shaaciyey magacyada 3 nin oo la rumeysan yahay in