Masalooyinkii Madaxweyne Siilaanyo xilliyadii mucaaridka la foosha xumaa ee maanta la qurux badan Qalinkii: Maxamed Sagax

0
Friday July 26, 2013 - 19:28:41 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masalooyinkii Madaxweyne Siilaanyo xilliyadii mucaaridka la foosha xumaa ee maanta la qurux badan Qalinkii: Maxamed Sagax

    Arrimahaas oo ahaa ficilo uu bari ka ahaa Madaxweyne Cigaal oo aan ka soo dhawaysan jirin beesha uu ka soo jeedo beelaha kale ee reer Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arrimahaas oo ahaa ficilo uu bari ka ahaa Madaxweyne Cigaal oo aan ka soo dhawaysan jirin beesha uu ka soo jeedo beelaha kale ee reer Somaliland. Qaybtii 7aad (Dhamaad)
?Xikmad Soomaaliyee ayaa tidhaahda Waari mayside war ha kaa hadho? Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ka guban jiray habdhaqanada qaraabo kiilka iyo nidaamyada maamul ee qabyaalada ku sifooba, ayaa muddadii uu xilka Madaxweynenimo hayay waxaa hogaamintiisa maamul iyo xukuumadiisa ka soo shaac baxay habdhaqan Sed bursiineed oo beesha uu ka soo jeedo ugi Sed buriyay mansabyada golaha xukuumada iyo qandaraasyada mashaariicda maalgashiga kooto inta badan loohgu xidho ardaayada beeshiisa.

Arrimahaas oo ahaa ficilo uu bari ka ahaa Madaxweyne Cigaal oo aan ka soo dhawaysan jirin beesha uu ka soo jeedo beelaha kale ee reer Somaliland.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa beeshiisa golaha wasiirada ka siiyay ilaa hada shan wasiir iyo hal wasiir ku xigeen, iyadoo ay jiraan beelo aan hal wasiir iyo wasiir ku xigeen kaliya ku lahayn golaha wasiirada, taas oo dhinaca kalena ay fadeexadi ka timid isku shaandhayntii ugu dambaysay ee madaxweyne Siilaanyo uu ku sameeyay golihiisa wasiirada oo uu ka reebay isku shaandhayntaasi wasiirada ka soo jeeda beeshiisa, taas oo shacbiga reer Somaliland ee ku kala dhaqan dalka dibadiisa iyo gudihiisa-ba ku noqotay amakaag iyo yaab, madaxweyne Siilaanyo-na dhaxal siisay fadeexad iyo nusqaan maamul.

Madaxweyne Siilaanyo oo waayadii uu mucaaridka ahaa ku eedayn jiray madaxweynihii hore Daahir Rayaale in wasiiro ka tirsan xukuumadu ay si gaar ah iskugu xeereen, isla markaana carrabka ku xejin jiray in awoodii iyo xilkii loo igmaday ay samaayn ku yessheen xubnihii Daahir Rayaale sida weyn ugu dhawaa ee ay ka midka ahaayeen Cawil Cali Ducaale, Siciid Sulub, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, ayaa wakhtigan xaadirka ah u qushuucsan wasiiradiisa idman ee xilkii iyo awoodii maamul ku tasarufaya, sida wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo marka ficiladiisa la eego ay shacbigu ku tilmaamaan nin awoodii madaxweynaha adeegsanaya, isla markaana baylah weyn ka helay hogaanka dalka, hase yeeshee wasiir Xirsi oo isagu ah wiil dhalinyaro ah oo shaqaale dawladeed ah, isla markaana ay nusqaan tahay in dhaliishii madaxweynaha looga jeedin lahaa hogaaminta dalka loo xambaariyo isaga, taas oo caqliyadu ay tahay in halka lagu mashquulayo wax ka sheega wasiir Xirsi ay haboon tahay in lala xisaabtamo hogaankii dalka loo doortay oo isagu ah madaxweyne Siilaanyo, oo isagana looga baahan yahay inuu ka fikiro xilka balaadhan ee uu tuurta u ritay ee xisaabta Alle ka dambayso khaatumadiisana ilaashado.
Dhamaad?



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured