Wasiir Cukuse Oo Ku Fashilmay Kulan Uu La Yeeshay Qaar Ka Mid ah Saxaafada Online-ka ah,iyo Codsigii In Aan La Baahin Wararka Golaha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka.

0
Friday July 26, 2013 - 11:23:29 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1084
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Cukuse Oo Ku Fashilmay Kulan Uu La Yeeshay Qaar Ka Mid ah Saxaafada Online-ka ah,iyo Codsigii In Aan La Baahin Wararka Golaha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka.

    ugu horeyn wuxuu hadalkiisa ku bilaabay wasiirka warfaafintu damiya makarafoonada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ugu horeyn wuxuu hadalkiisa ku bilaabay wasiirka warfaafintu damiya makarafoonada wasiirka wasaarada warfaafinta somaliland C/laahi Daahir Cukuse ayaa shalay kulan la yeeshay qaar ka mid ah wariyayaasha ka hawl gala saxaafada online-ka isagoo kala hadlay wasiirku in aysan baahin wararka golaha madaxa banaan ee wada tashiga iyo toosinta qaranka oo uu sheegay in loo baahanan yahay in aan warkooga la baahin isagoo u hanjabay cidii wararkooda baahisana in uu talaabo ka qaadi doona, waxa kale oo uu wasiir cukuse kala hadlay wariyayaashii kulankaasi ka qayb qaatay in ay soo gudbiyaan waraaqo codsi


ah oo ay ku doonayaan in loogu aqoon sado wariyenimo.
hadaba dadka faaqida arimaha saxaafada ayaa ku tilmaamay laabdan qodob ee uu wasiir cukuse kala hadlay warbaainta badaxa banaan laba arimood oo midkoodna uusan xaq u lahayn wasiirka warfaafintu in uu isagu gooyo oo uu ka hadlo waayo saxaafada somaliland waa saxaafad madax banaan ayay leeyihiin dadka arimaha saxaafada ka faalooda oo waxay ku tilmaameen go´aanka wasiirka in uu yahay talaabadii ugu horeysay ee uu iskugu dayayo wasiirku in uu ku cabushiyo saxaafada madaxa banaan waana wax laga xishoodo in uu wasiir dhami yidhaahdo wararka golaha madaxa banaan ee wada tashiga iyo toosinta qaranka oo hada haysta taageerada bulshada somaliland dibada iyo gudahaba iyadoo horey ay xukuumadu ugu fashilantay inay cabudhiso warbaahinta madax banaan ayuu hada wasiirkii warfaafintu u tafo xaytay sidii uu saxaafada u cabudhin lahaa.

ugu horeyn wuxuu hadalkiisa ku bilaabay wasiirka warfaafintu damiya makarafoonada oo waxba ha duubina "waxaan idiin sheegayaa in aan anigu leeyahay wargeys madax banaan oo aan waxaan doono ku qori karo markaa anigu awood buuxda ayaan ku dhex leeyahay xukuumada, markaa waxaan idinku amrayaa in aad joojisaan wararka golaha wada tashiga iyo toosinta warkooda cidii baahisana talaabo ayaan ka qaadayaa, waxaan kale oo aan idiin sheegayaa inay soo gudbisaan waraaqo aad ku codsanaysaan in la idiin siiyo kaarka aqoonsiga ee wariyenimada waxaanad ku soo hahaajisaan xafiiska agaasimaha guud ee warfaafinta ayuu yidhi wasiir cukuse".

iyadoo ay sidaasi tahay ayaan ilaa hada aysan ka hadal ururka suxufiyiinta somaliland ee SOLJA oo badani saxaafada madax banaani ay ka diwaan gashan tahay isla markaana xeerka saxaafada somaliland u yaala ee uu saxeexay madaxweynihii hore isla markaana ay ansaxiyeen golaha wakiilada somaliland ay ku cadahay inay saxafiyiintu ka madax banaan yihiin wasaarada warfaafinta, sidoo kale waxaa xaaraan ah in uu nin wasiir ahi yiodhaahdo ayaan la baahin golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka wararkooda.

ilaa hada lama garanayo sida ay uga jawaabi doonaan hadalka wasiirka warfaafinta golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka iyo ururka suxufiyiinta somaliland ee SOLJA.

Qalinkii:C/rashiid Maxamed Ismaaciil

Email:maxamed17@hotmail.com

Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured