Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti iyo Maalqabeeno uu Horkacaayo oo Booqasho ku Tagay Berbera & Qorshahooda Maalgashi ee mustaqbalka Dhow....

0
Saturday July 31, 2021 - 22:54:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 566
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti iyo Maalqabeeno uu Horkacaayo oo Booqasho ku Tagay Berbera & Qorshahooda Maalgashi ee mustaqbalka Dhow....

    Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti iyo Maalqabeeno uu Horkacaayo oo Booqasho ku Tagay Berbera & Qorshahooda Maalgashi ee mustaqbalka Dhow....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti iyo Maalqabeeno uu Horkacaayo oo Booqasho ku Tagay Berbera & Qorshahooda Maalgashi ee mustaqbalka Dhow....
Berbera(Xogreebnews)- Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed iyo Wafti Balaadhan oo u hoggaaminayo, ayaa Maanta safar indho-indhayn ah ku tagay Magaalo xeebeeda Berbera.
Waftiga u Hoggaaminayey Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa ah Maal-qabeeno reer Jabuuti ah, kuwasoo damacsan inay maalgashi ku samaystaan Tamarta iyo dalxiiska Magaalada Berbera mustaqbalka dhow. 
Waftiga ayaa intii ay ku sugnaayeen magaalada Berbera, waxay booqasho ku tageen goobo muhiim ah, kuwasoo ay kamid yihiin gegeda Diyaarada ee Berbera iyo Dekeda cusub ee Berbera iyo weliba Gobo kale oo muhiim ah.
Waftiga uu Hoggaaminayey Safiir Cabdifatax Siciid Axmed, waxa Magaalada Berbera kusoo dhoweeyey Maareeye ku xigeenka Dekeda Berbera, Badhasaabka Gobolka Saaxil iyo Maayirka degmada Berbera. 
Sidoo kale waxay Maalmihii u dambeeyey waftiga maalqabeenada ah ee reer Jabuuti kulamo la yeelanayeen Wasiirada wasaarada Maalgashiga iyo Tamarta.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured