Waa Wax af ka Wayn Waxan Xirsi ku Hadlay, iyo Awood Ayaan u Leeyahay Inaan Dadka Iska Xidhxidho. Mr. Siiraanyo Ayaa Eedda leh, oo Turubka Raggu Ciyaarayo ku Dhex Keenay. Xisaabna

0
Thursday July 25, 2013 - 20:16:27 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Wax af ka Wayn Waxan Xirsi ku Hadlay, iyo Awood Ayaan u Leeyahay Inaan Dadka Iska Xidhxidho. Mr. Siiraanyo Ayaa Eedda leh, oo Turubka Raggu Ciyaarayo ku Dhex Keenay. Xisaabna

    Isagaa laga Sugayaaye, Hakusii Dalacsiiyo Macaankeeda Xirsi waxaan leeyahay waxba ha ismahadin, hadii Mr. Siiraanyo kuu dhigay dadka sharci darro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isagaa laga Sugayaaye, Hakusii Dalacsiiyo Macaankeeda Xirsi waxaan leeyahay waxba ha ismahadin, hadii Mr. Siiraanyo kuu dhigay dadka sharci darro waa lagu xidhi karaa. Been ayuu kuu sheegay. Ta aad manta ka hadlaysaana waxay tilmaamaysaa inaadan xafiiskan kusii waaraynin, ee ama waad ka tagi, ama adiga iyo siiraanyoba waydin israaci. Waa wax laga xishoodo, dad ayaan jeel dhigi. Mawaxaa kugu adag inaad fahanto xilkan inay ummadi leedahay, oo adeerkaa haba kuu dhiibee aanu isaga laftiisu awood u lahayn inuu qof iska yidhaa waan xidhi. Waxaan kuu sheegayaa inaadan is
ogayn meel aad marayso. Haddii ay been kuu sheegeen kuwa ku yidhaahda waxaa soo dheh, inaadan runta ka tegin. Waxaan ku odhan lahaa ummadda kaa sii jeedda ha isku soo jeedin, adiga oo adeerkaa Dahab shiil kugu dhaartay in maamulka lagaa shaqaalaysiiyo, haddaad haddana ku darto waxaas ayaan samayndoonaa, waa markii aad kabahaaga ka illan lahayd xafiiska.

Awoodda qaranka raggii taagay ee iskaga dhaqaaqay haddaad manta tidhaa waan xidhxidhi doonaa, waxaa kaaga roon inaad candhuuftaada dib uliqdo, oo iska gaabsato, inta uu hadalku taagan yahay meelaha adiga kaa shisheeya. Way dhacdaa inan awoodda dawladda mooda in ruuxu waxkastaba samayn karo, oo dadka sharci darro, iyo iisoo qabta oo xidha ayaan odhan doonaa ay kaskiisa la marto. Mr. Siiraanyo soo warayso inta aadan erayada noocaas ah warbaahinta ka sii daynin. Waxaan arkayaa inaadan ogayn halka dad kala marayo, ee aad u haysato, afar askari oo saldhigga Booliska jooga ayaad u yeedhi, oo aad odhan qofkan hala ii xidho.
Xirsiyow waxaan ku leeyahay meelaha qaar lama gaadho, haddaad damacdo inaad waxyaabo caynkaas u eg ku tallaabsatona, nabadda aad ku dhex botorinayso, ee aad leedahay sharciga intaan ka tallaabsado, oo awood shakhsi ah adeegsado ayaan askar amar siin doonaa dadka ii xidha. Waa wax maanta aynu joogno yoomalqiyaamuhu ka sokeeyo, suurana geli mayso malahaaga kooban, ee aan cagaha dhulka ku haynin. Nabadduna hadday badato doqontu waxay ilawdaa runta, iyo inay marka horeba nabadi jirtay.
Waxaan kuu sheegayaa haddaad u haysato sharciga dalka intaad ku xadgudubto, oo aad xuduudda ka tallaabsato, adiga ayay ku dambarsanaysaa. Albaabkaasi hadduu furmona, waxaan hubaa in aan adiga Madaxweynaha toona aanay dib u xidhi kari doonin. Sharcidarrada haddaad manta ku baanayso inaad isku dayi karto, sharcidarrada ayaanad waaya aragnimo u lahayn. Saa afkaaga kamabay soo baxdeen ragbaan jeelka dhigi doonaa, oo aniga ibarya.
Waxaan ku odhan lahaa haddii malahaagu ku tusay, inaad awood qaran ku tagri fali karto, shan jeer iyo lix jeer dib uga fiirso.
Waxaa layaab ah in dad sidaas ahi ay ummadda masuuliyaddeeda qabtaan,
Xirsi miyaanu ogayn waxa nin waliba ka dawrsanayaa, ee looga sii jeedaa ay tahay uun muquuno, iyo yaan la is eersan. Miyaanu xirsi ogayn in erayada caynkaas ahi, ay yihiin ku wii ay odhan jireen, nimankii moorgan ka midka ahaa, ee hadh cad innamada yaryari iyagoo ul wata, ay Hargaysa kaga saareen, isaga iyo Kaarihiisiiba. Miyaanay Xirsi u kala soocnayn waxyaabaha uu ku tallaabsan karo, iyo waxa kale, ee aanu sharci intuu cid ugu hanjabo, aanay dhacaynin. Miyaanu ogayn inaanu ahayn tiir meesha ka baxay, ee uu yahay inan adeegkii meesha ku shaqaaleeyay, oo weliba raggu wax badan diidayaan inay sameeyaan.
Waa wax lala yaabo inuu Xirsi yidhaahdo, dad baan xidhxidhi, iyo waxaan tabartiisa ahayn. Siiraanyona waa ninka weliba waxaa ku horsocda, wax kasta oo ka yimaaddana isaga ayaa ka jawaabi, haddii sharciga lagu koobnaan waayo, oo wax baan xidhi karaa, iyo awood ayaan leeyahay, arrinku dhaafi waayo, si wanaagsan ayaa dadku isu wada horfadhiisan, oo ninba geedka u qalma la fadhiisin doonaa.

Xirsi waxaan u sheegayaa awoodda dawladu waa harag shabeel, waxaana loo samaystay, in lagu xakameeyo cidda sharciga aan jeclayn in lagu dhaqmo, haddiise ay ku deeqi wayday inaad iska huwanaato, nabadda aad diiddan tahay, iyo hanjabaadda aan meesha leekayn, adiga ayaa hadhaw nabadda lafteeda baryo ku soo waayi.
Xukuumaddan Siiraanyona sharcigan ay dhoobo walaaqayso, haddaanay sida saxa ah ugu shaqaynin, ta uu siiraanyo rabo, ee ah in dalkan lagu kala tago, ayay ku dambayn. arrinka ah in dadna sharciga si fool xun ugu tuntaan, dad qaarna ay ka haybadaystaanna waa mid iskaba gudhaysa, oo qofwalba wuu karaa inta Xirsi iyo Siiraanyo iska dhaafa loogu taag la?yay.
Ummaddanna Golayaashi cawilka u noqon lahaa waa kuwa arrinkoodu noqday, xilma saarna, dhayalsi. Wayse eedi doonaan haddaanay wax ka qaban intay goori goor tahay.
Mr. Saleebaanna dalkan wuu arkaa halka uu siiraanyo kuwado eh, ama arrini halkay leedahay ha dhigo, ama dambiga siiraanyo cid kale ha ku eedeeyo.

Golayaashan rag moodayo in lagu dan qumisan karayo, inta laga xishoonayo, ayuu gole yahay, haddiise runtu timaaddo midwalba isaga oon cidina abaal ugu haynin ayuu ka hulleeli.

Ninkii carruurta caanaha iskala dhan loogu taagwaayay ha noqon.

Nabadi waa aad, cidda malaha aan arag nabad la yaboohinaayo, ayay la fududdahay.
Eng. Youssuf Ahme
London U. K.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured