Gabaxa & Niyada Jabaka Bulshadu Kala Kulantay Xukuumadii Loo han waynaa Ee uu Hogaaminaayay Mudane: Ahmed M.M Silanyo

0
Thursday July 25, 2013 - 20:09:53 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabaxa & Niyada Jabaka Bulshadu Kala Kulantay Xukuumadii Loo han waynaa Ee uu Hogaaminaayay Mudane: Ahmed M.M Silanyo

    Waxaan manta qalinka u holaday inaan wax yar oo kooban ka iftiimiyo xaalada dalku ku jiro, waxaa laga jooga mudo saddex sanadood ah markii ay xukumada talada dalka haysaa ee uu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan manta qalinka u holaday inaan wax yar oo kooban ka iftiimiyo xaalada dalku ku jiro, waxaa laga jooga mudo saddex sanadood ah markii ay xukumada talada dalka haysaa ee uu Aan wax yar is dul taagno waxyaalihii ugu waawaynaa ee ay xukmadii hore ku amaanay
Bacda Salaanta Islaamka SCWW.
Waxaan manta qalinka u holaday inaan wax yar oo kooban ka iftiimiyo xaalada dalku ku jiro, waxaa laga jooga mudo saddex sanadood ah markii ay xukumada talada dalka haysaa ee uu gadhwadeenka ka yahay Madax wayne Ahmed Mahamed Mahamud Silanyo, ay si Dimquraadiyad ah ugala wareegtay xukumadii ka horaysay ee uu Hogaaminaayay Madax wayne Dahir Rayaale Kahin.

Aan wax yar is
dul taagno waxyaalihii ugu waawaynaa ee ay xukmadii hore ku amaanayd ee waliba sida xoog ah loogu xasuusto.
1. Waxay aad loogu xasusta hormarinta iyo hanaqaadka dimquraadiyada Curdinka ka ah ee ay ka hir galiyeen Jamhuuriyada Somaliland.
2. Qabsoomida dooroshooyin xor iyo xalaal ah oo ay dalka ka suurta galiyeen, oo ay ka mid yihiin Doorashadii Golaha Deegaanka, Barlamanka Doorashada Madax tooyada oo ay laba jeer dalka ka suurta galiyeen oo ay mid ahayd tan ugu danbaysay ee uu Xilka kula wareegay madax waynaha haatan talda dalka hayaa wa madax wayne Silanyo eh.
3. Diwan galinta Doorashooyinka oo ay ka fuliyeen dhamaan ba lixda Gobal ee Somaliland.
4. Baadi goobka iyo Xalinta Khilaafaadka ka taagnaa Gobalada bariga Somaliland oo ay ku soo xero galiyeen si nabad galyo wada hadal iyo walaaltinimo ku salaysan.
5. Madax banaanida Golayaasha Qaranka & Asxaabta Mucaaridka ah,
6. Wada Hadal, Wada tashi & isku tanaasul dhinac walba leh oo ay Somaliland ku caan ahayd,
7. Maamul wadaag Dhinac yada Bulshada ah oo loo dhamaystiran yahay min bari ilaa galbeed.
Hadaba iyadoo xukumadii hore ee Dalka taladiisa haysay ay qabtay wax badan oo la taaban karo hadan wakhtigaa ay talada hayeen waxaa ka muuqday saluug badan oo dhinaca horamrinta dhaqaalaha ah, yaranta iyo ka hortaga musuqmaasuga, & waliba sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhalinyarta jamhuuriyada Somaliland meel kasta oo ay joogto dalka gudihiisa iyada oo ay koobnayd awooda dhaqaale ee dalku. hadaba waxaa sanadkii 2010 Talda dalka la wareegay xukumad uu Gadhwadeenka ka yahay Madax wayne Silayo iyadoo dalku iyo dadkuba aad ugu heelanaayeen Isbadal ku yimaada Dimquraadiyad si loo helo waji/dhiig cusub, firfircoonaan, iyo siyaasad cusub oo sii hana qaada hormarka, cadaalada, Dimquraadiyada, dalka Somaliland Hadaba aynu Dib u yara milicsono markii uu talada dalka la wareegay Madax wayne Silanyo.
Kadib Markii uu Madax wayne Ahmed Mahamed Mahamud Si Shariciga iyo Dasuurta dalka waafaqsan ula wareegay Talada Dalka isla markaana loo dhaariyay Madaxtinmada Dalka jamahuuriyda Somaliland waxa uu horaantiiba ku dhawaaqay Gudi kooban oo kasoo tala bixisa Xukuumada Cusub nooca ay noqonayso isaga oo hore ugu balan qaaday inuu dhisi doono xukuumada tiro yar oo tayo badan oo dalka u horseeda hormar & Cadaalad. Iyada shicibka Somaliland aad iyo aad u eegayaan dawlada uu soo dhisi doono madax wayne Silanyo iyadoo xukumada ka duuli doonta Dhaliilihii ay xukumadii hore lagu dhaliiili jiray. Kabacdi wada tashi balaadhan waxa uu madax wayne Ahmed Silanyo oo wakhtigaa u muuqday Ruug cadaa siyaasi ah oo leh aqoon balaadhan oo dhinac dawlad nimada ah, waxa uu soo dhisay dawlad Kooban oo Tayo leh oo ay ka muuqdaan Dad iskugu jira Wajiyo Cusub oo dhinaca Siyaasada ah oo uu kamdi yahay wasiirka Hore ee arimaha Dibada wasiirka Madax Tooyada, Wasiirka Macdanta iyo biyaha, wasiirka waxbarasha, wasiirka qorshaynta qaranka& Qaar siyaasada hore ugu soo jiray isla markaana lagu tuhmaayay khibrad siyaasadeed & Daacad nimo oo ay ka mid ahaayeen Wasiirkii hore eeMaaliyada Maxamed Hashi Elmi, Mahamed Abdi Gaboose Wasiirkii hore ee arimaha Gudaha Somaliland oo iyagu ka yimiday Uur Siyaasadeed kii Qaran. Waxaa Bulshadu si gacma furan ah u soo dhaweeyeen Dhamaanba xukuumada cusub ee uu soo magacaabay Madax waynuhu iyago u heelanaa hormar, Madax waynu wuxuu balan qaaday inuu afartan cisho la eegi doono xukumada cusub isla markaana la qiimayn doono wax qabadka xukumada cusub, taasi waxay sii kordhisay yididiiladii bulshada. Xukumada cusub waxay ay markiiba u dhaqaaqday wax yaalo dhawr ah oo bulshadu ku farxeen oo ay ka mid ahaayeen.

1. Kordhinta mushaharka shaqaalaha dawlada iyo ciidamada qalabka sida ee JSL.

2. Lacag ka dhaafista ardayda dugsiyada Hoose Dhex ee JSL.

3. Kor u qaadista Miisaaniyada qaranka JSL.

4. Yaraynta iyo dabar jarista Musuq Maasuqa.

5. Fulinta Balan qaad uu madax waynehu hore u balan qaaday oo ahaa furista Ururada Siyaasada JSL. Sanad kii ugu horeeyay xukumadu waxay ku talaabsatay wax fican oo bulshadu ku faraxday. Hadaba maxaa dhacay Sanad ka bacdi.
Iyada oo bulshadu rajaynaysay hormar waara waxaa markiiba soo baxday Tuhun Siyaasadeed iyo leexdin dhinaca Maamulka dawlada oo ay ugu horayso magacaabista Chief of Cabinet ka Madax tooyada xilkaas oo ah xil ku cusub Taarikhda Dawlad nimada Qaranka JSL Isla markaana bulshada ku noqday laf dhuun mari wayday, waxaa samaysmay Maamul Dhexe oo u dheexeeya madax waynihii la doortay iyo bulshada waxaa awoodaystay wasiirka madax tooyada oo u dareemay inuu yahay Madax wasiirada, waxaa adkaatay wada shaqayntii wasiirada xukuumada, xisibigii ay xukuumada ka timiday ee talada dalka hayay ee kulmiye, & waliba khilaaf ba?an oo soo kala dhex galay Madax waynaha & madax wayne ku xigeenka JSL oo ku salaysan Maamul leexsan, wada tashi & wada shaqayn la,aan isku dhac ku yimiday wasiirka madax tooyada & madax wayne ku xigeenka oo sababay ina madax wayne ku xigeenku Joojiyo Shaqadii uu Bulshada u hayay. Intaas ka bacdi hadan waxaa soo baxday in wasiirada xukumada Silanyo oo uu ugu Horeeyo wasiirka Macdanta iyo Biyaha ay isku dhacaan wasiirka Maliyada oo ahaa shaqsiyaadka lagu aaminaayay xukumada silanyo oo ku caan baxay Hawlkarnimo, & Daacad nimo khilaaf kaas oo ku salaysnaa in waxii deeq lacageed ah lagu Daro Miisaaniyada Qaranka khilaafkaasi waxa uu gaadhay in uu wasiirkii Maaliyada ee hore Mahamed Hashi Elmi Madax waynaha u Gudbiyo warqadiisa is casilaada waa hadii aan loo hogaan samaynin Sharciga iyo kala danbayta dawlad nimada iyo waxii ay bulshada ugu balan qaadeen, madax wayne silanyo waa uu ka diiday waxaana la isla qaatay in Deeqaha Caalamiga ah lagu daro miisaaniyada qaranka si ay uga muuqado miisaaniyada iyo wax qabadka xukuumada. Intaas ka bacdi iyada oo ay bulshadu dareensantahay waxa jira oo wali shacibku u dhagtaagayo waxaa xukuumada ka soo baxaya iyo khilaafka sii xoogaysanaaya ee dhinaca xukuumada dhexdeeda, ayaa waxaa Subax hore lagu waabariistay xilka qaadista Wasiirkii hore Maaliyada Maxamed Xashi Elmi oo runtii halbawle u ahaa Hormarka xukuumada Silanyo ku dhaqaaqday, waxaa aad u badatahay hadal haynta bulshada ee xilka qaadista wasiirka iyaga oo ka eegaya dhinac ya badan, waxaa la isla qaatay oo bulshadu dareentay inaanay xukuumadu ahayn sidii hore, intaas ka bacdi waxa la gaadhi wakhtigii ay xukumda silanyo u qoondaysay qaban qaabada Doorashada Golaha Deegaanka iyo qiimaynta Ururada Siyaasada ee JSL.
Halkani waa meelaha ugu darnaa ee xukuumada Silanyo lagaga aamin baxay wakhti kooban gudaheed kalashaan dhaynta & qiimaynta ururada siyaasada ka dib waxaa la galay doorashadii golaha deegaanka oo ay ka qayb galeen Ururada, Dalsan, xaqsoor, Umada, Wadani, Rays iyo laba kamida saddex dii xisbi qaran ee hore u jiray waa kulmiye & Ucida, waxaan isagu haba yaraate ka qayb qaadan xibigii hore ee talada dalka hayay waa xisbiga Udub.
Somaliland waxay ku can ahayd Doorasho xor & xalaal ah oo ka dhacda dhamaanba Lixda gobal ee JSL. Markii la galay doorashooyinka Golaha Deegaanka waxaa soo baxay God daloolo badan oo ay ugu horayso cadaalad daro & cabashooyin badan oo ka soo if baxaaya dhamaanba gobalada dalka Jsl oo ay sababtay Doorashadii, Tuhun Balaadhan oo odhanaaya xisbiga Talada dalka hayaa waxa uu ku shubtay dhamaanba doorashooyinkii Golaha deganka, khal khal ku yimiday tirinta codadka degmada ahmed dhagax, Helista iyo dibad u soo bixista waraaqaha doorashooyinka oon hore looga aqoon Somaaliland, kala qaybsanaan balaadhan oo dhinaca bulshada ah oo ku salaysan Qabyaalad.
Tasi waxay sabatay kalsooni daro ka timiday xukuumadii, uraradii hadhay oo bilaabay mudahaaraad laga soo hore jeedo doorashada & cadaalada darada aya samayysay xukuumada oo uu hogaaminaayo urursiyaadadeedkii xaqsoor oo uu Gadhwadeen ka ahaa Mujaahid Xasan Ciise Jama, waxaa sii xoogaystay dhaliilihii xukumada ee dhinaca bulshada, waxaa bilaabmay is xulafaysii dhinaca wasiirada ah, oo horseeday in koox ama acid kooban uu hogaanka dalku gacanta ugu dhaco, tuhuno sheegaaya inaanu madax waynaha Talada dalka loo doortay aanu ka war qabin waxbadan isla markaana jiro xukun dhexe, in talada dalka ay ka arimiyaan wasiiro dhawr ah oo ka soo jeeda Reerka uu ka soo jeedo madax waynuhu oo uu ugu horeeyo wasiirka madax tooyadu & marwada madax waynuhu

Waxaa sii xoogaysatay marba mark aka danabaysa awooda wasirak Madaxtoyada JSL Xirsi Ali Haaji Hassan, Taasi waxay Rumoowday kadib markii goor saqdhexe ah uu madax waynu sameeyay isku shaandhayn tii ugu danabaysay oo hormood ka ahaa wasiirka & marwada madax waynu, oo ay ka muuqdeen dhaliilo badan oo ay ka md yihiin inaan haba yaraartee aan wax isbadala lagu samayn dhamaanba wasiirada ka soo jeeda beesha madax waynaha, oo ay ka mid yihiin wasiirka madax tooyada, wasiirka duulista, wasiirka Macdanta & Biyaha, iyo wasiirka dhalin yarad iyo ciyaaraha.In xilkii laga qaaday wasiiro ay bulshadu ku tuhmaysay khibrad iyo aqoon ay dalka hormarkiisa kaga qayb qaatan oo uu ugu horeeyo wasiirkii caafimaadka wasiir Hussein Xoog.

Intaas ka bacdi waxaa marba mark aka danbaysa sii xoogaysanaaya Musuq maasuq, Cadaalad Daro, Qof jeclaysi, ku takri falka awooda qaranka, boobka iyo dhaca hantida qaranka oo aan loo aabo yeelaynin. Waxaa taasi ka mid ahaa in wasiir cusub ee W.Maaliyada waa Wasiir Samaale uu maalin qudhaata Shaqaalaysiiyay 39 qof oo aan haba yaraatee la soo marin, haayada shaqaalaha wax imtixaanana aan ku imanin, in wasiirka maaliyada uu si toosa ugu u isticmaalo olalaha tartanka xisbiga kulmiye dhexdiisa hantida qaranka oo malinwaliba si joogta ah ugu casuumo kuna laaluusho odayaasha beeshiisa.
Lasoco Maqaalka qaybtiisa kale.
Smael Diini
Ismail4076@gmail.com
Qof kamida dadwaynihii doortay Madax waynaha Talda Dalka Haya



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured