SILAANYO INAANU DALKA KA TALIN WAXA U DALIIL AH

0
Wednesday July 24, 2013 - 16:44:09 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1207
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SILAANYO INAANU DALKA KA TALIN WAXA U DALIIL AH

    Waxaan wareystay tobaneeye ruux oo wareegto madaxweyne lagu magacaabay, waxay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan wareystay tobaneeye ruux oo wareegto madaxweyne lagu magacaabay, waxay Waxaan wareystay tobaneeye ruux oo wareegto madaxweyne lagu magacaabay, waxay dhammaan ii sheegeen inayna arag Madaxweynha horteed iyo dabadeedba. Waxa iyan sodoo kale iigu marag furey tiro badan oo ka tirsan Madaxda Hay’adaha Madaxa banana ee uu magacaabay oo dhammaan isku raacay inayna seddedxa sano marna la kulmin Madaxweynha oo aanu wax weydiin.
Waxa la yaab leh in xataa kolka ay la kulmaan oo nadir ah isla markaasna ah mid aan shaqo la xidhiidhin aanu ula hadal siduu garanaayo waxna ka weydiin meesh uu u magacaabay.

Wax iyana hubaal ah in Siilanyo oo waayo aragnimo iyo aqoon midna ku yareen inaanu u dhaqmeyn sida habak lo magacaabo xilalkam iyadoo habeen badh idaacada oo ka sii baxaysa laga sheego iyadoon ruuxa la magacaabay oggaynba. Waxa dhacday in Agaasime Guud loo magacaabay Wasaarada Ganacsiga kolkuu wig shaqayeyna la ogaaday inaanu isagu ahayn kii la doonaayey. Cid garan karta ma jirto in isaga la magacaby iyo in balaayo ka daba timid. Illeyn wanaagu waxuu ahaa intaan la magaacin in loo yeedho oo wareegtada loo gacan galiyo inta laga maqlaayo idaacadda.
Ma waaxs ayaa ka suuragal ah Siilanyo. Maya, waxa meesha ka taliyey dad aqoon yar, ficiltan xun oo raba inaan walaaqooda suaal laga weydiin meeshan ku soo xareeye rag ay xinaanyaha ka saaraan. Waana sida ay kolba kii ugu xumaa ee Siilanyo necbaa ay Madaxtooyda dhex kenayaan, kuwii saxiibka la ahayaan albaabka laga xidhaayo. Waayo wey ka baqayaan in la ogaado qudhuka ay ku fadhiyaan.
Waxa dalku u gacan galay dad ajende hoose leh oo haddaynaan dhekhso wax uga qaban gud ku ridi doona qarannimada. Bal ayaamahn u fiirso cidda daafacaysay Waa Boqor Buurmadow iyo Boqor Raabi, Ina WArancadde, Cismaan Hindi, Abgaalkii shalay lahaa Madaxaweynuhu waxbuu xidhan yahay ee ha la nasiyo, Waa Garaad iyo Abiib oo Golaha ku wada jir midbana mid ku eedeeyo xasuuqii iyo dilakii ka dhacay Gabiley iyo Awdal.

Haddaan intaasi ku tusayn inaan oday Siilanyo talo haynin dee caqligaaga eedso. Anigu markhaati dambe uma baahani oo waan ku qancay. Bisha soonkuu dhanna waan u ducaynaayey Madaxwyne Siilanyo in Alle caafimaad siiyo oo uu mar uun ku soo tooso sida taladii looga qaaday. Allena waxba kuma aha inuu shifeeyo oo uu weliba tuso kuwa magaca ka kharibay dalkana burburiyey. Ducada Ramadaanka ha loo duceeye Madaxweynaha.
Cabdi Xaji Axmed
hargeysawi@ymail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured