Maxu Ka Qaba Dastuurku Golleha Cusub Ee Kusoo Biray Saxada Siyaasadda

0
Tuesday July 23, 2013 - 23:29:03 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1300
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxu Ka Qaba Dastuurku Golleha Cusub Ee Kusoo Biray Saxada Siyaasadda

    Inta aanan guda galin nuxurka qoraalkayga aan ku bilaabo qodobka 23aad farqadiisa 3aad ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta aanan guda galin nuxurka qoraalkayga aan ku bilaabo qodobka 23aad farqadiisa 3aad ee Inta aanan guda galin nuxurka qoraalkayga aan ku bilaabo qodobka 23aad farqadiisa 3aad ee dastuurka jamuuriyada Somaliland waxa aanu dhigayaa sidan (Muwaadiniintu waxay xor u yihiin in ay isu habeeyaan ururro siyaasadeed, cilmiyeed, dhaqameed, bulsheed, xirfadeed, ama kuwa shaqaale si waafaqsan xeerka ) waxa aan ugu soo horaysiiyey qodobkaa dadka manta isku haya golaha tallo bixinta iyo toosinta ee madaxa bananan ma sharcibaa mise waa sharci daro oo dastuurku muu jidayn , sida qodobkaa idiinka muuqata muwaadiniintu waxay xor u leeyihiin inay isku habeeyaan ururo siyaasadeed waxana jideeyey oo banaynaya in la furto dastuurka qaranka Somaliland, qofkasta oo shaki ka qabaana waxa uu ka eegi karaa dastuurka , sida uu u ogolaaday dastuurku in la furo ururada aan dowliga ahayn ee madaxa banan ee dhamaantood ka hawl gala dalka ayuu u ogolaanayaa inay muwaadiniintu isku habeeyaan ururo siyaasadeed, hadii kale ururada kale ee iyana madaxa banan waa in la mamnuucaa ilayn qodobkan baneeyey in ururo siyaasadeed la furo ayuun baa baneeyey in ururo xirfadeed ,dhaqameed,cilmiyeed ba la furee.

Hadaba dalka waxa ka reeban ururkasta oo ka hor imanayaa dastuurka iyo maslaxada dalka somaliland sida uu sheegayo isla qodobkaa 23aad farqadiisa 4aad oo ah sidan (Waxaa reebban urur kasta oo leh ujeeddooyin lid ku ah danaha ummadda ama qarsoodi ah ama Ieh qaab ciidan ama hubaysan amaba kuwa kale ee khilaafsan xeerka weji kasta ha lahaadaane)
Wax yaabaha ka reeban dhamaan ururda aynu kor ku soo sheegnay waxa iyana inoo iftiimiyey isla dastuurka jamuuriyada Somaliland bal hadaba aynu ku qiyaasno golahan cusub ee madaxa banan
1. Waxa ka reebanaa ururkasta oo leh ujeedooyin lid ku ah danaha umada ama qarsoon . hadaba golahani inamuu tusin ujeedooyin qarsoon ee waxa uu inoo soo bandhigay si waadax ah oo bulshadu ka wada dharagsan tahay 16 qodob oo ah ujeedooyinkii loo aasaasay golahan cusub . mana aha ujeedooyin qarsoon ee waa kuwaa bulshada u soo bandhigeen ujeedooyinkii loo aasaasay.
2. Waxa kale oo ka reebanaa ururada urur kasta oo leh qaab ciidan ama hubaysan , dhamaan waxa aynu ka arkaynay warbaahinta in ay odayaashu iska fadhiyeen kuraasta dushooda hadii laga tagi waayana warqado iyo mobile ayey siteen
3. Waxa kale oo ka reebanaa urur kasta oo khilaafsan xeerka waji kasta oo ay leeyhiin, in aanay xeerka iyo dastuurka ka hor imanayna waxa waxa inoo sheegayba qodobkii 23aad farqadiisii 3aad ee aynu kor ku soo xusnay .
Mar hadii aanay sharci daro ahayn in urur siyaasadeed madax banan la furtaa su,aasha meesha ku jirtaa waxa weeyi kalmada la khalad fahmay ee GOLE hadii aynu eegno kalmada gole marka hore dastuurku umuu kali yeelin baarlamaanka , mana uu reebin isticmaalkiisa . mar hadiina aanu cidna u gaar yeelin dastuurku waxba kuma jabna in la isticmaalo , gole waa kalmad ka soo jeeda dhaqankeenii soo jireenka ahaa waana madal kulmisa oo ay ku bahoobeen bulshada inta isku fikirka ama xirfada wadaagta , ama dan wadaagta ahi , ku kulmaan , kalmada gole waxa ay la mid tahay erayada kale ee GUDI ,URUR,DALAD,HAAYAD oo dhamaantood sheegaya madal dad isku afkaara kulmisa, kalmadahaasi waxa ay kaga duwan yihiin marka ay isticmaalayso dawladu waxa ay leeyihiin digreeto lagu magacaabayo iyo ansixin baarlamaan ,
Golayaasha sharciga waxa qeexay oo sheegay dastuurka waxana loola jeedaa saddexda gole ee kala ah golaha deegaanka, golaha wakiilada, iyo golaha guurtida waajibaadkooda iyo shaqadooda waxa qeexay dastuurka ,waana golayaal sharci oo la soo doortay cid kasta oo shaqadooda ku doonatana waxa ay ka hor imanaysa dastuurka dalka .
Hadaba golahan cusubi maaha mid la soo doortay ee waa muwaadin isku tagay sida ay iyaguba sheegeen maahana gole sharci ah oo doorasho galaya , laakiin waxa ay gudanayaan waajib dastuuriya . maadaamo dastuurku muwaadiniinta waajib kaga dhigay adkaynta midnimada umada ,ilaalinta jiritaanka qaranimada iyo difaaca dalka iyo diinta sida uu dhigayo qodobka 34aad farqadiisa 1aad ayey muwaadiniintani iyagoo dhowraya dastuurka Somaliland ee ku waajibiyey badbaadinta qaranimada iyo ilaalinta midnimada umada ayey ku dhawaaqeen golahan aan dastuurka ka hor imanayn, iyagoo ka baqaya ciqaabta ka dhalan karta gudasha la,aanta waajibka uu dastuurku ku waajibiyey ee uu sheegayo qodobka 34aad farqadiisa 5aad .
Inaga oo ogsoon in nidaamka siyaasadeed ee dalka ay saldhig u tahay nabadda , tallo wadaag ,dimuqraadiyad iyo hanaanka xisbiyada badan . sida uu dhigayo qodobka 9aad farqadiisa 1aad ee dastuurka Somaliland . in kasta oo aanu ahayn xisbi sharciya , hadana golahani waxa ay isku sheegeen golaha toosinta iyo talo bixinta madaxa banan in talo la wadaagana oo la is toosiyana waxa inoo sheegay qodobkaa 9aad ee sharxayey nidaamka siyaasadeed ee dalka.
Waxa aan ku soo gababaynayaa qoraalkaygan kooban waxa halkaa inooga muuqda in aanay jirin oo ay waxba kama jiraan tahay aragtida odhanaysa waa sharci daro golahan madaxa banan ,goluhuna waa gole siyaasadeed ee yaan laga shakiyin kalmada GOLE ee ay muwadiniintu isticmaaleen . maaha gole sharciya ee waa gole madax banaan sida ururada iyo daladaha madaxa banana ee dalka ka jira oo kale .
Sharciguna sidiisaba waa in uu wax ku BANEEYAA ama ku DIIDAA wixii labadaa ka soo hadha hadii aan lagu xusin ama qorin banayntiisa ama diidmadiisa ma jirto sabab uu sharcigu uga daba yimaado wax aan lagu xusin ama qorin markii la samaynayey . waayo marka hore ee la samaynayey ayey ahayd inuu diido ama ogolaado ama cid/shay u gaar yeelo TUSAALE:- hadii uu sharcigu wado maristu inoo diido in aynu marno Wadada ZY waxa aynu noqonaydaa sharci jabiyaal
qoray zaki adam suxufi tell 4848111 ama 9848111 wabilaahi tawfiiq wsc
alle ayaa mahad leh



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured