Xuquuqdii beesha Toljeclo waxaa duudsiyey Siilanyo

0
Tuesday July 23, 2013 - 19:56:30 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1469
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xuquuqdii beesha Toljeclo waxaa duudsiyey Siilanyo

    XUQUUQDII BEESHA AXMED SHEIKH ISAQAAX (TOLJECLE) WAXAA DUDSIYAY SIILAANYO: Waxaan wada ogsoonahay dhamaan Beelaha Somaliland waxay ka dhax,muuqan jireen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

XUQUUQDII BEESHA AXMED SHEIKH ISAQAAX (TOLJECLE) WAXAA DUDSIYAY SIILAANYO: Waxaan wada ogsoonahay dhamaan Beelaha Somaliland waxay ka dhax,muuqan jireen
XUQUUQDII BEESHA AXMED SHEIKH ISAQAAX (TOLJECLE) WAXAA DUDSIYAY SIILAANYO:
Waxaan wada ogsoonahay dhamaan Beelaha Somaliland waxay ka dhax,muuqan jireen xukumadihii Somaliland ee dalka soomray laakiin xumada manta kursiga ku fadhidaa waxaay ku caann baxday ku tumashada xuquuqdii Beelaha Somaliland qaar kamid ah waxay ku kacday ku tumashada xaqii iyo xuquudii ay dalka ku lahaayeen
Waxaan ognahay Beesha Axmed Sheikh Isaxaaq ( Toljecle ) inay tahay Beesha uugu facwayn beelaha Somaliland taariikh dheerna kuleh Somaliland
Haddaba xukumada manta ka talisa dalka Somaliland waxay duudsiday xaqii iyo xuquuqdii ay ku lahayd Besha Axmed Sheikh Isaxaaq dalka Somaliland waxay ka ilaalisay inay ka qayb qaataan xukumadawaxay ka ilaalisay dhamaan wasaaradaha haday tahay wasiir wasiir ku xigeen agaasime agaasime waaxeed gudoomiye goboleed maareeye iyo dhamaan shaqaalaha dawlada
Arrintaasi waxay ku tusinaysaa xukumadda dalka ka jira waxay go,aan ku gaadhay inay kutumato xuquudii aan dalka ku lahayn waxaana iska cad inuu siilaanyo nagula kacay isir nacayb iyo inuu naga tirtiro Somaliland
Dhamaan Beelaha Somaliland haddii saamigii ay ku lahaayeen xumadda ka arki waayaan waxay bilaabaan inay warbaahinta ka hadlaan haday tahay TV yada Websida Joornaalada IWM
Haddaba lama,hayo Beesh Axmed Sheikh Isaxaaq ( Toljecle ) oo adeegsatay war baahinta sababtoo ah waxaanu nahay umad sariigata oo xishoota lakiin xishoodkii iyo aamusnaatii waxay keentay inaan ku waynay xuquuqdii iyo xaqii aanu ku lahayn dalka Somaliland
Nin dhurbaaxo quudheed dugsaday dhaqayadeed maalye ubadkaagay dishaa waxaad dhawrataa abide
Maxamed Cabdillahi
Hargeysa, Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured