Waxba Xirsi-yow ha soo Hangalaysane ?

0
Monday July 22, 2013 - 21:01:02 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1176
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxba Xirsi-yow ha soo Hangalaysane ?

    Waxba siyaasiyiintan ruug cadaaga ah ee kaaga lexo-jeclada badan dalka ha ku tilmaamin gole dalka ku soo kordhaye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxba siyaasiyiintan ruug cadaaga ah ee kaaga lexo-jeclada badan dalka ha ku tilmaamin gole dalka ku soo kordhaye Wax badan ayuu qalinku ka maagay inaan dhinac ula baxo wasiir ka tirsan dawlada Dhukkan ee uu hogaanka ka yahay madaxweyne Axmed-siiraanyo maanta se inankan Xirsi ee dabaylaha bari sitaan ayaan doonayaa inaan runta warbaahinta u mariyo.
Xirsi waxa aan leeyahay hadii adeerkaa kuu sameeyay xil aan jirin oo aan distoori iyo sharci midnaba ahayn,kaana yeelay, kaa maanaan aqbalin inaad sidaad doonto ugu tomato xeerarka iyo dastoorka dalka u yaala.Waxba kolba madaxdhaqameedyo aad qadhiidh u laabtay ha soo fadhiisin tv-yada oo haw yeedhin aragti

shacabka marin habaabinaysee,hana soo hangalaysane ku dhaqaaq oo fuli ula jeedadaada, waxay ka cabto aynu aragnee.
Waxba siyaasiyiintan ruug cadaaga ah ee kaaga lexo-jeclada badan dalka ha ku tilmaamin gole dalka ku soo kordhaye waxaad la soo hangalaysanayso waa la garanayaaye waa lagaaga fadhiyaa.Wada-tashi iyo toosin waa laba eray oo si mug leh aad u garanaysid,ururo siyaasadeed oo maanta u beratamaya inay ka mid noqdaan 3da xisbi qaran ee distoorku ogolyahay ma jiraan,mana jiro xisbi siyaasadeed oo codsaday inuu ku kordho 3da xisbi qaran ee dalka ka jira,manaanay codsan inay ku kordhayaan golayaasha dalka ka jira,dawladaad ka tirsantahay,komishanka qaranka iyo gudidan ina-ciyaale midna umay gudbin codsi lagu diiwaan geliyo balse waxay golaha wadatashiga iyo toosintu ku dhawaaqeen in talo laysugu yimaado xaaladaha murugsan ee maanta dalka ka taagan.Waxaanay dawladan dhukkan u soo bandhigeen eedaymo iyo talooyin ka kooban 16ban qodob,waxaana laydiinka fadhiyay inaad si caafimaad qabta uga jawaabtaan.

Taana xaq ayay u leeyihiin,waa muwaadiniyiintii kuu suurta gelisay kursiga xaaraanta ah ee adeerkaa kugu fadhiisiyay.Waa distoori inuu daljire kastaaba talo iyo toosinba soo jeediyo ee waxa nidaamka dalkan ka baxsan oo aan distoori ahayn mansabka aad maanta u adeegsanaysid cidii juuq tidhaa.Waxay ahayd inaad ilaahay iyo shacabkan wanaagsan ee dulqaadka badan ugu mahad-naqdo.

Hadaba waxba odayaal kolba hadla oo daadifeeya golaha wada-tashiga iyo toosinta ha odhane,halkaad u muraad leedahay saw maaha xadhiga ka soo yeedhay xubno golaha dhexe ee Kulmiye,saw hirkaad ku ordaysaa maaha gudoomiyaha xisbiga ucid,gudoomiyaha xaqsoor,mujaahid Dhegaweyne iyo Eng.Maxamed Xaashi.Xirsi-yow hal maad yeeli,maad jogsan waxan iskaa tusay,u malayn maayo inaad dhego u leedahay.

Waxaynu eegi doonaa markay timaado ta aanu kaa horjoognaa ee bal ka soo dhex hadal Cusmaan-fanax,ina-ciyaale,soona kaxayso RRU-da aad maatida u adeegsato.

Waxa aan ku soo afjarayaa:

allahayow yaa yidhaa nalama daaree dooji reera

dulmi iyo wiil nagu durduriya horaanu u diidnee jooji daan-daansiga

dagaal mooyee ma naqaan darajooyinka nololeed
ma doonyaad ku rare daarahan dhaadheer
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured