WAX KA BARO BISHA RAMADAAN W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI (WIRDAANI)

0
Monday July 22, 2013 - 20:02:13 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAX KA BARO BISHA RAMADAAN W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI (WIRDAANI)

    WAX KA BARO BISHA RAMADAAN W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI (WIRDAANI)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WAX KA BARO BISHA RAMADAAN W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI (WIRDAANI) QORMADII 13AAD
13. SOONKU WAA SABIRKA BADHKII.
waa qormooyinkeeni taxanaha ahaa ee WAX KA BARO BISHA RAMADAAN iyo qormadeeni saddex iyo tobnaad oo aynu kaga hadli doonaa soonku waa qayb weyn oo ka mida sabirka.
Soonku waa qayb weyn oo ka mid sabirka, qofka muslimka ahi wuxuu ku sabrayaa gaajadii, wuxuu ku ka fogaanayaa shahwadiisii, waxa uu dareemayaa nolosha ay ku noolyihiin dadka jilicsan ee kugu garab nooli, waxay u noqonaysaa madarasad uu ku barto qayb weyn oo noloshiisa ka mida, wuxuu ogaan in maalka uu haystaa yahay mid lagaa gaajoodo, wuxuu jadwalka ku darsan inay tahay noloshu la helaa la waayaa.

Rasuulkeenii subanaa (NNKHH) wuxuu xadiis ku lahaa ‘’ bisha ramadaan waa bishii sabirka, soonkuna waa sabirka badhkii’’ soonkuu waa sabirka bahkii, qofka muslimka ahna waxa noloshiisa lagama maar-maana inuu barto sabirka si wixii ku yimaada ugu sabro, dhinaca kale hadaad ka eegto waa fursad Rabi kugu barbaarinayo sabir iyo intaad ladantahay inaanad eegin ka kaa sareeyee laakiin aad eegto ka kaa hooseeya, Eebahaana ugu mahadnaqdo nimcada kugu galadaystay ee aad haysato, cabayso ku cunayso qaajo la’aan, waayo xeelad iyo xirfadba ma dheerid walaalkaaga muslimka ah ee miskiinka ah, laakiin Eebe koreeye adna waa uu ku siiyey isna lama siin, waxaana kula gudboon inaad mahadnaqdo, maskiintana hadii aad awoodo inaad afuriso.

Waa bishii sabirka, waxaad ku sabri gaajada, waxaad ku sabri daalka salaada taraawiixda, waxaad ku sabri ictikaaf masjidka, bishani waa bishii sabirka dhamaanteed, sidaas oo ay tahayna qof muslimka ahi xataa wuxuu naftiisa ka joojinayaa xumaanta, xataa oo ay tahay soonku u noqday sabirka badhkii.
Sabirku waa saddex qaybood.
Inuu qofku ku sabro daacada ilaahay.
Inuu qofku ka sabro maxaarimta
Inuu qofku ku sabro qadarka alle.
Sadexdani waxay koobsadeen soon, xidhiidh ay la leeyihiina soonka, tusaale qofka muslimka ahi wuxuu qofku ku sabraa daacaadka ilaahay, sidaa salaada, iyo qiyaamu laylka, ama inuu shahwad ama xaaraanta ka sabro, intaasi kama madha soon.

Saxaabigii waynaa ee salmaan al faarisi Alle raali haka noqdee ayaa yidhi ‘’ waa bishii sabirka, sabirka abaalkiisuna waa jano’’ saxaabigii kale ee cabdilaahi ibnu cumar ‘’ soonka ilaahay ayaa leh, abaalkisana alluun ayaa garanaya’’

Sidaas oo ay tahay sabirka iyo soomku xidhiidh ayaa ka dhaxeeya, Rasuulkeenun (NNKHH) inuu soonku yahay sabirka badhkii, walaakayga muslimka ahaw ogsoonaw in intaad soomantahay aad tahay qof samir badan la imanaya, sabrirka badhankiina aad leedahay intaad soonkaa ku guda jirto, intaana waxaan ku so af meerayaa qormadeenii saddex iyo tobnaad, intaan aqoon kororsi kan xiga isku imanayno waxaan idinku dhaafi SALAAMU CALAYKU WARAX MATULAAHI WABARAAKUH.
Wirdaani@hotmail.com
Alpha University
Hargaysa Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured