Cabbudhinta saxaafadda iyo xukuumadda siilaanyo (Maqaal ka hadlaya tacaddiyada iyo gabbood-fallada ay xukuumadda siilaanyo ku hayso saxaafadda madaxa bannaan iyo xorriyatul qawlka)

0
Saturday July 20, 2013 - 09:10:14 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1394
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabbudhinta saxaafadda iyo xukuumadda siilaanyo (Maqaal ka hadlaya tacaddiyada iyo gabbood-fallada ay xukuumadda siilaanyo ku hayso saxaafadda madaxa bannaan iyo xorriyatul qawlka)

    Laba duni ku kala mudan Doqonkaba u kala mida Waxaan doortay taydee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laba duni ku kala mudan Doqonkaba u kala mida Waxaan doortay taydee
Laba duni ku kala mudan
Doqonkaba u kala mida
Waxaan doortay taydee
Dirgan waaga hurisada
Maqashaa is dadabtoo
Dalanbaabi noqotee
Dib u guuri maayee
Nin da’ furay kalkiisow
Dalka waan aqaannaa
Bahal iga da’weynoo
Dad cunii ma joogee
Ma didee hargoolow
Haygu tumin durbaannada
Iyo daasadaa madhan


Daalaley, Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)

Waxay ahayd ku sinnaan gu’gii 2002dii, qaddar yar uun ka dib geeridii AHN madax-weynihii labaad ee dalkani jamhuuriyadda Somaliland Maxamed X. Ibraahim Cigaal markii lagu dhawaaqay laguna arkay masraxyada siyaasadda xisbiga haatan talada dalka haya ee kulmiye kaasi oo ammintaas iyo dharaarahaas aynu xusayno ka mid noqday lix urur siyaasadeed oo laga yagleelay lagana hir-geliyey dalkani jamhuuriyadda Somaliland kuwaasi oo kala ahaa:-

Ururka UDUB oo uu hoggaaminayey madax-weynihii waqtigaas mudane Daahir Riyaale Kaahin.
Ururka UCID oo uu hoggaaminayey Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe).
Ururka ASAD oo uu hoggaaminayey Saleebaan Maxamuud Aadam (Saleebaan-Nuur).
Ururka SAHAN oo uu hoggaaminayey Maxamed Abdi Gabboose.
Ururka HORMOOD oo uu hoggaaminayey Cumar Carte Qaalib.
Ururka KULMIYE oo uu hoggaaminayey madax-weynaha haatan mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Ururradaas lixda ahi waxay ku tartameen kuna loollameen doorashadii deegaanka ee 15/12/2002dii laga qabtay guud ahaanba dalkani jamhuuriyadda Somaliland taasi oo ay ku guulaysteen inay u soo baxaan saddexda xisbi qaran ee ka jiraya dalka saddexdii urur ee tiro ahaan ugu codka badnaa kuwaasi oo ahaa xisbiyada UCID, KULMIYE iyo UDUB.

Wax yar uun ka dib doorashadaas aynu soo xusnay waxa sida ay dhigayeen sharciyada iyo dastuurka qaranku mar labaad dalka laga hir-geliyey doorashadii madax-weynaha taasi oo dalka ka qabsoontay 14/04/2003dii kuna loollameen saddexda guddoomiye ee diiradda u siday saddexda xisbi qaran ee UDUB, KULMIYE iyo UCID, kuwaasi oo kala ahaa:-

Madax-weynihii waqtigaas mudane Daahir Rayaale Kaahin oo hoggaaminayey xisbigii talada dalka hayey waqtigaas ee UDUB.
Madax-weynaha haatan mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo tukubaha u hayey xisbiga haatan talada dalka haya ee KULMIYE.
Guddoomiye Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe) oo hor kacayey xisbiga UCID.
Loollan siyaasadeed oo adag ka dib waxa doorashadaas ay fara-ciddiyahood guushu ku raacday musharrixii xisbiga UDUB mudane Daahir Rayaale Kaahin kaasi oo 80 cod oo qudha kaga reeyay musharrixii xisbiga KULMIYE mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaana bil ka dib sida uu dastuurka qaranku dhigayo mudane Daahir Rayaale loogu dhaariyey madaxweynannimada iyo hoggaanka dalka ee shanta sanno ee soo socda.

Laga soo bilaabo waqtigaas ay mudane siilaanyo guul-darradu ka soo gaadhay doorashadaas madaxtinnimada waxa uu geenyada u jaraystay sidii uu daboolka uga rogi lahaa dalba-juuqaha xukuumaddii waqtigaas talada dalka haysay, isaga oo goor kasta iyo goob kastaba u taagnaa, geed dheer iyo mid gaabanbana u fuulay iftiiminta dhaliilaha iyo gal-daloolooyinka xukuumaddaas iyada ah, waxa mar kasta uu ka abbaari jirey kana dhalleecayn jiray dhinacyada cabbudhinta xorriyatul-qawlka, hor-joogsiga muddaharaaddada salmiga ah, dib-u-dhigista waqtiyada doorashada iyo dhinacyo kale oo badan, isaga oo sida fiinta uga qaylyi jirey mar kasta oo xukuumaddii waqtigaas talinaysay ay ku kacdo badh ka mid ah qodobbadaas aynu kor ku soo xusnay.

Mudane siilaanyo iyo xisbigiisu waxay agaasimi jireen kulammo ay isugu yeedhi jireen una qaban jireen dadka af iyo qalin-maalka ah kuwaasi oo uu kaga beer laxawsan jirey inay garab iyo gacan ku siiyaan shaacinta iyo daah-ka-rogista gabbood-falladii ay xukuumaddii waqtigaas talinaysey ku haysay dadka iyo dalka Somaliland.

Haddii aan wax yar ka milicsado kana garroocdo mid ka mid ah kulammadaas uu xisbiga kulmiye ku marti-qaadi jiray dadkaas aynu soo tilmaannay, waxay ahayd ku sinnaan 7dii May 2005tii, markii xisbiga kulmiye oo uu hoggaaminayo guddoomiye Ahmed Mohamed Mohamoud “Siilaanyo” uu kulan qado-sharaf ah u sameeyey isuguna yeedhay in badan oo ka mid ah hal-abuurradii iyo fannaaniintii qaranka sida ku cad wargeyska jamhuuriya caddadka 2643 oo ku taariihaysan Axad, May 8, 2005, qaabbilsanna Rabiicul awal 29, 1426 (H). kulankaas qado-sharafta ah ee uu mudane siilaanyo u sameeyey hal-abuurrada iyo fannaaniinta qaranka ayaa waxa uu ugu jeediyey qudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa taasi oo uu inteeda badan ugu dhiiri-geliyey hal-abuurrada iyo fannaaniinta inay u dhug-yeeshaan kana hadlaan falalka taban ee xukuumaddu ku hayso dadka iyo dalka Somaliland waa sida uu qudbadiisa ku sheegay ah.

Haddii mid iyo laba qodob aan ka soo qaato hadalladii uu mudane Siilaanyo ka jeediyey madashaas waxa ka mid ahaa oo uu qudbaddiisa ku yidhi “waxaanu leennahay maanta dalkeenu waxa uu u baahanyahay caddaalad, hoos-u-eeg, in xorriyadda la ilaaliyo dhinac walba loo sameeyo, dalkeennu uma baahna in innaga oo arkayna uu system digtaytarnimo ah ku socdo oo qofkii hadlaaba baqo oo odhanayo anigu kaas ma odhan, waar annagaa leh ku qariyey, ku qariyey ee gun cad, maanta amma gabbada amma ha gabbanina fanaaniiney marbaa waxaad tidhaahdaan cidna kuma jirno amma lama jirno intaas oo dhan xaqbaad u leedihiin laakiin waxa weeyi fallaadhi gilgilasho idin kagama go’do”

Akhriste bal adba dhugo oo is-barbar-dhig marxaladda maalintaas uu mudane Siilaanyo heeganka ugu jirey hanashada kursiga ugu sarreeya qaranka ee uu ina durduursiinayay in dalku ka arradanyahay sooridda caddaaladda iyo xorriyadda iyo weliba in dalku uu ku socdo system digtaytar ah taasi oo dadka dhaxalsiisay in ay la bahoobaan cabsi iyo baqdin uu ka qabo inuu ciqaab kala kulmo erayada uu ku cabbiro dareenkiisa iyo abbaarta fikirkiisa iyo marxaladda maanta oo uu hor-kacayo madaxweynana ka yahay qaranka. Muddadii uu haykalka inoo hayey madax-weyne Siilaanyo waxa waddanka ka dhacay tacaddiyo door ah oo ay geysatay xukuumaddiisu kuwaasi oo salka ku haya qodobbada aynu kor ku soo xusnay ee uu mar kasta ku maagi jiray xukuumaddii ka horreysey ee mudane Daahir Rayaale Kaahin hor-moodka ka ahaa. Bal in yar aynu baylasha debcisanno kuna hakanno tacaddiyadaas aan qalinka kaga dhawaajiyey eh; waxa dalka ka dhacay muddahaaraddo door ah oo muddaharaadayaashu ku muujinayeen dareenkooda taageero amma diidmo ee ku waajahan arrinta ay ka muddaharaadayaan amma u muddahaaradayaan, kuwaasi oo aan ka carrab-baabi karo muddaharaaddadii ka kacay natiijadii doorashadii ugu dambaysay ee golaha deegaanka lana qabtay dhammaadkii bishii kow iyo tobnaad ee sannadkii hore taasi oo aanay laba carrab waxba iska weydiinayn in si faashil ah loo maamulay, isla markaana ay la tiicaysay madmadow iyo wax-is-daba-marin aan geedna loogu soo gabban, maamul-xumadaa awgeed ayaa taageerayaasha badh ka mid ah ururradii ku andacoonayay in laga musuqmaasuqay lagagana shubtay doorashadaasi ay isugu soo baxeen muddaharaaddo ay kaga dareen celinayaan arrintaas iyada ah waxaanay dawladdu oo adeegsanaysa ciidamada amniga qaranku ay muddaharaaddadaas kaga fal-celisay rasaas nool oo ay ku beegsatay muwaaddiniintii dibad-baxyada dhigayey taasi oo sababtay in ay ku naf waayaan da’yar arday u badan oo door ahi isla markaana qaar kale oo rag iyo dumarba lehna ay dhaawacyo culusi ka soo gaadhaan.Ninkii dabinka sakaarada dhigtay ee libaaxu u galay ayaa waxa laga hayey “umaba daban), weli dhagaha shicibka way ku sii duxayaan waanay ka sii qoyan yihiin isla markaana way ku raadaysanyihiin weedhihii uu shalayto sidii waqal hooray inoogu da’siin jiray odaygu mar kasta oo xukuumaddii ka horreysey ku kacdo falal caynkaas ah kuwaasi oo inoogu muujin jiray inuu ka tiiraanyoonayo, ka xunyahay isla markaana uu ku dhaliilayo xukuumaddii waqtigaas ku kicidda falalka caynkaas ah, ninbaa laga hayey “inlayn fajaciso tiro ma leh”.

Ka rogoo haddana saar, aan hore ugu sii soconno faaqidaada qudbadda odayga eh waxa kale oo uu kaga dhawaajiyey hadalkiisa in dalku u baahanyahay caddaalad, dugaye caddaaladda uu odaygu inoogu baaqayay ma waxay ahayd ta wargeyska Hubaal albaabada u xidhay isla markaana maareeyihiisii iyo tifaftirihiisii xabsiga iyo ganaaxa isugu barkisay, raggii habeenka madow ku soo duulay ee falkooda aynu ka dharagsanahay, taliyaha ciidanka booliskuna uu qiray in ninka gacanta lagu dhigay uu ka tirsanaa ciidanka booliskana maxkamad la hor keeno daaye laba soo qaban waayey, ma maanka saliimka ah ayaa aqbali kara in nin ciddii falka la geysatey gacanta lagu hayo la soo qaban kari waayo, xaaja taasi waa tii uu abwaankii garab-daarka la saaxiibka ahaa ee Cabdillaahi Suldaan Maxamed Timacadde uu lahaa:-

Sacabkoo timo yeeshiyo

Saabuun xoor laga waayiyo

Waa dameer san moodoowoo

Sina loo arki mayo.

Waxa kale oo odaygu uu qudbaddiisaas kaga dhawaajiyey in dalku uu ku sii socdo system dictaytarnimo ah oo qofkii hadlaaba baqo, hadda waqtiga uu odaygu taas innagu beer-laxawsanayey may jirin ciidamada ay uga magac dhigteen ciidanka fal-celinta degdegga ah oo dadka intooda badani u yaqaanaan ciidanka argagax gelinta shicibka kuwaasi oo falalkooda argagaxa huwani ay dadka ku beereen cabsi laxaad leh oo qof kastaaba ka baqo in habeen badhka albaabka guriga lagu soo jebiyo. Nin waqtigii uu halganka kursi doonka ah ku jirey uun dadka dameertiisa ku kicisanayey iga dheh, haa iga dheh, xaalku waxa uu miranayaa marxaladdii uu hadraawi ku sheegayey maansadiisii Dallaallimo ee uu ku lahaa:-

Waxa laysku dilayaa

In xumaa la doorshiyo

Xil daryeeladdiisiyo

Dad u hiilin maahee

Geenyada dakaankaa

Anna aan dul buuxshoo

Daadka aan ku dhaafoo

Dala’sado kolkaygee

Iiga soo deg weeyaan

Haddii uu shalayto mudane siilaanyo ku doodayey sugidda xorriyatul-qawlka maanta waxa dalka ka dhacay tacaddiyo tiro badan oo ka dhan ah saxaafadda, qorayaasha, hal-abuurrada iyo fannaaniinta dalka, waxa xabisga loo taxaabay qaarkoodna garaacis sababtay in dhaawacyo dhakhtarka loo dhigaa soo gaadhaan loo geystey fannaaniin dhowr ah oo ka dibad-baxay falkii ay xukuumaddu kaga fara maroojisay qolkoodii ku yaallay wasaaradda ciyaaraha kaasi oo ay ugu kaydsanaayeen dhokomentiyo tiro badan. Fannaaniintaas oo ka mid ahaa kuwii uu madax-weynuhu waqtigii uu mucaaridka ahaa ku martiqaaday kulankaa aynu kor kaga soo hadalnay. Sidoo kale waxay ahayd badhtamihii sannadkii hore markii nin hal-abuur ah oo joogay magaalada gebiley uu tiriyey gabay uu ku dhaliilay xukuumadda Siilaanyo loo taxaabay xabsiga isla markaana uu muddo afartan cisho ah xabsiga maxkamad la’aan ugu jiray.

Intaas oo qudha kuma eka eh waxa xaddigaas ka badan tacaddiyada xadhigga iyo garaacista isugu jira ee loo geystey suxufiyiinta ka hawl gala dalka iyo xukunnada lagu soo oogay qaar ka mida wargeysyada dalka sida uu ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA uu ku sheegay warbixinnadii uu soo saaray labadii sanno ee 2011-2012, taasi oo uu daaha ka rogay in intii lagu gudo jirey labadaas sano ay xukuumadda siilaanyo tacaddiyo isugu jira xadhig iyo garaacis u geysatey suxufiyiin ku dhow illaa boqol wariye, isla markaana ay dacwado ku soo oogtay illaa 8 wargeys kuwaasi oo inlayn waa gardarro garab oge badhkood lagu riday xukunno aan sharciga waafaqsanayn, ninbaa la weydiiyey mayd ayaa ugu dambeeyey, markaasuu ku jawaabay kaa la sii sido, tacaddiyadaas aynu ka hadlayno waxa ugu dambaysay tii lagula kacay wargeyska Hubaal iyo madaxdiisa sare.Waxa intaas dheer waxa xabsiga loo taxaabay dhowr qore oo fikirkooda wax kaga qoray waaxaha xukuumadda siilaanyo kuwaasi oo illaa hadda badhkood xabsiga ku jiraan.

Aan soo af-meero qormadayda oo waxba yaanu qalinku ila sii durkine, ugu dambaytii ilama aha inuu il-duufsanyahay haddaan da’i xadaynine aan madaxweynaha qaranka mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo xasuusiyo in saxaafadda Somaliland iyo inta la bahda ahi ay yihiin dadkii runta kula addimay waqtigii uu mucaaridka ahaa, taasi oo dhaxalsiisay inuu hanto kalsoonida shicibka Somaliland. Saxaafadda Somaliland iyo af iyo fikir-maalka kalana aan ku baraarujiyo inaanay ku addimista runta cidna ugu habran ee dhib kastoo ka soo gaadhaysaba ay mar kasta duug ka dhigtaan shaacinta runta iyo earayadii ku jiray maansadii hashii cosob ee AHN abwaankii cabqariga mufakirka ah ahaa ee Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” kuwaasi oo odhanayey:-

Codkii dadka baahan

Caroogga saboolka

Adduunka ku ciillan

Anaa cudha haysta

Anaa cabdillaahi

War-geys u ah caydha

Caloosha danleyda

Anaa cabbiraaya

Anaa carrabkayga

Xammaalku cabbaayo

U diiday cirweyne

Inaan ku casuumo

Gafuur cadho yeelkii

Intaan cosob raaco

Wallee isma caayo!!!!!!!!

Hashii cosob, Maxamed Xaahi Dhamac “Gaarriye”

Dhammaad

Qalinkii: Khadar Hussein Dahir (Hayl)

Arday ka tirsan kulliyadda sharciga ee jaamacadda Hargeysa.

Email: khadarxd@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured